Share this:

" />
Telesom Dahabshiil
Published On: Thu, Nov 26th, 2015

Burco: Isbahaysiga Kooxda Xirsi Oo Sababtay Soo Dhowanyn Dhiig Ku Daatay

soo dhowayn dhiig ku daatayBurco(ANN)Wasirkii hore ee Madaxtooyadda Somaliland Xirsi Xaaji Cali Xasan oo ay weheliyaan Wasiirkii hore ee Arrimaha Qoyska Cabdi Aw Daahir iyo kale oo ka mid ah kooxdooda la baxday Isbahaysiga Dumuqraadiyada KULMIYE, ayaa gaadhay maanta magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.
Xubnahaa oo aan la ogayn ujeedada safarkooda, balse lagu macneeyay mid is muujin ah, waxa soo dhowayntooda ka dhashay shil gaadhi oo sababay dhimashada Laba muwaadin oo kala ah Alle haw naxariiste Marxuum Axmed Jaamac Cawad iyo Marxuum Sahal Cumar Faarax, iyadoo ugu yaraan Afar qof oo dhwaacyo kala duwan soo gaadheen. kadib markii gaadhi ka mid ah boqolaal gaadiid maalmahan loo abaabulayay soo dhowayntaa oo kaga horyimi dhinaca Tuulada Qoyta ku dhacay halkaa.
Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda Xirsi iyo Dr. Cabdi Aw Daahir oo ahaa Wasiirkii hore ee Shaqada iyo Arrimaha Bulshadaka, isla markaana ka mid ahaa xubnihii dhowaan qaadacay shirka golaha dhexe ee KULMIYE, waxa socdaalka magaalada Burco ku weheliya Guddoomiyaha Labaad ee Xisbiga KULMIYE Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeyo, Xildhibaan Cabdicasiis Ducaale Carbuun. Xlldhibaan Farxaan Maxamuud Cali iyo xubno kale.
soodhowayntii burcoeeisbahaysiga
Xubnahaa oo aan la ogayn ujeedada safarkooda, ayaa soo dhowayntooda magaalada Burco noqotay mid dhiig ku daato, wuxuuna shilka khasaaruhu ka dhashay ee soo dhowayntooda sababta u ahaa safarkooda u rogay mid murugo, waxayna iyagoo hadalo kooban dadweynaha soo dhoweeyay u jeediyay u sheegeen inay ilaashadaan midnimadooda iyo nabadgelyadooda.
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380

Smiley face

About the Author

- Arraale Mohamoud Jaama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Advertisement

Smiley face

Araweelo is an Associated Network News, The most trusted source for news & Political,investigator report,Human Rights Issues,Educations,Social and Democracy ,Latest News Horn of Africa. runs Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist based in Somaliland.

Chat with us on WhatsApp