Araweelo News Network

Al-Quds photo file Araweelonews.com

Hargeysa(ANN)-Caalamka Islaamka, ayaa si weyn looga muujiyay cadho ka dhan ah Maraykanka iyo Israa’iil, kadib markii Madaxweynaha Maraykanka Mr. Trump sheegay in uu safaradiisa Tel Aviv usoo rarayo magaalada barakaysan ee Quds.

 Dhinaca kale Xoogagga Israa’iil ee ku sugan deegaanada ay xoogga ku haystaan ee Daanta Galbeed ayaa ka hor tagaya Falastiiniyiin dibad baxayaal ah oo ka cadheysan go’aankii Trump uu Qudus ugu aqoonsaday in ay tahay caasimadda Israa’iil.

Dadka isu soo baxay ee Baytullaxam, ayaa dhagxaan ku tuuraya ciidamada Yuhuuda oo lasoo buuxiyay halkaa, kuwaas gaaska dadka ka ilmeysiiya doonaya in ay ku kala caydhiyaan isu soo baxyada, waxaana jira warar aan la xaqiijin oo sheegaya in dad ay ku dhaawacmeen rabshadaha.

Xiisadda Daanta Galbeed iyo Quds, ayaa aad u kacsan ka dib markii hoggaamiyayaasha Falastiin ay ku baaqeen in la isu soo baxo.

Xukuumadda Israa’iil, ayaa soo dhowaysay dhawaaqa Donald Trump,  balse waxaa si adag u canbaareeyay dalalka Carabta, dunida Islaamka iyo dawlado waaweyn oo caalamka ah.

Sidoo kale, waxa hoggaamiyayaasha ka horjeestay tallaabadaaTrump ku tilmaameen mid ah in Mareykanka uu ka weecday siyaasadda arrimaha dibadda ee soo jireenka ahayd ee la xidhiidha in dhexdhexaad laga ahaado arrimaha Quds.

Israa’iil, ayaa si weyn ugu dheg taagtay in Quds ay caasimaddeeda usoo raraan, balse Falastiiniyiinta ayaa sheegaya in Bariga Quds ay tahay caasimaddooda mustaqbalka, halkaas oo Israa’iil ay ku qabsatay dagaalkii lixda maalmood ee 1967, kaas oo ay dhul istiraatiiji ah kaga qabsatay carabta sida Buuralayda Golan Heights ee Suuriya.

Boqollaal askar dheeraad ah ayey Israa’iil geysay deegaanada ay haysato ee Daanta Galbeed. Rabshado waawayn ayaa sidoo kale laga soo sheegayaa Bariga Qudus. Xuduudda Israa’iil iyo Qasa rabshado ka dhacayna waxaa ku dhaawacmay dhowr qof oo Falastiiniyiin ah.

Boqollaal askar kale ayaa la geeyay qeybta qadiimiga ah ee uu ku yaallo masaajidka barakeysan ee Al-Aqsa halkaas oo lagu tukaday salaadda Jimacaha.

Qeybta qadiimiga ah, oo ay ku yaallaan goobaha barakaysan oo xudun u ah qalalaasaha taariikhiga ah ee Bariga Dhexe.

Xisbiga Fatax oo uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamuud Cabbas wuxuu ku baaqay in dadka ay jidadka isugu soo baxaan, halka ururka Xamaas uu shaaciyay kacdoon cusub oo ka dhan ah Israa’iil la sameeyo.

Sidoo kale dunida Islaamka waxaa ka dhacay dibadbaxyo lagu muujinayo sida looga cadhooday go’aanka Trump ee Quds, waxaana isu soo baxyo waaweyn laga sameeyay, Dalalka Iran, Urdun, Baxrayn, India, Somalia, marooco, Yemen iyo meelo kale oo dunida Islaamka ah.