Araweelo News Network

Cabdikariim Xinif

Hargeysa(ANN)- Mr. Cabdikariim Axmed Maxamed (Xinif) oo ka mid ah Guddida Fulinta ee xisbiga KULMIYE, ayaa dhalleecayn u jeediyay shir ay isugu yimaadeen xubno ka mid ah Wasiirradii xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo, kaasoo ka qabsoomay caasimadda Hargeysa Sabtidii todobaadkan.

Mr. Cabdikariim Xinif oo warraysi siiyey telefiishanka Eryal TV , waxa uu sheegay in aanay waqtigan jirin sabab ay shir shaki ku gedaaman yahay ay isugu yimaadaan xubno soo qabtay xilal wasiirnimo, isagoo xusay in Madaxweynihii hore Md. Axmed Siilaanyo iyo golihiisii wasiirradu ay xilka qaranka ku wareejiyeen Madaxweynaha cusub Md. Muuse Biixi Cabdi iyo golaha cusub ee Wasiirrada.

“Madaxweynahaasi (Axmed Silaanyo) gole wasiirro ah oo xisbigiisa ah ayuu ka xushay, Golihii Wasiirrada ahaa Madaxweynaha waqtigiisa ayey la dhammaadeen, Madaxweynihii cusbaanna (Muuse Biixi) isla xisbigiisa ayuu xubno kale ka soo xushay, ma garanayo inta ay xubno isu urursadaan ay u yidhaahdaan; ‘Golihii Wasiirrada ee hore.’  Oo ay shir isugu yimaadaan.

Gole Wasiirro ah mid ayuun buu leeyahay dalku, waa Golaha Wasiirrada ee shirku uga socdo hudheelka Royal Palace, Madaxweyne qudha ayuuna leeyahay, Madaxweynuhu waa Madaxweynihii la doortay ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waa xukuumad toban maalmood jirtay gebigeeduba. Tobankaas maalmood ay dhammeystirmin dhismaheedii oo Wasiirradda ayuun baa dhismay oo xukuumadda inta kale oo dhammi way hadhsan tahay, weli gacanta ayaa lagu hayaa,” ayuu yidhi Mr. Cabdikariim Xinif.

Waxa kaloo uu shirka ay yeesheen xubno ka mid ah golihii wasiirrada ee xukuumaddii Axmed Siilaanyo ku tilmaamay mid la doonayo in khilaaf cusub looga dhex abuuro xisbiga KULMIYE ee talada dalka haya, waxaannu yidhi; “Markaa shirkaas (ay yeesheen wasiirradii hore) anigu waxaan u arkayey waqtigan iyo waqti kale toona shir aan munaasib ahayn iyo nooc aan loo baahnayn ayaan u arkayey. Waxaan u arkaa shir ay ka soo yara urayso khilaaf xagga xisbiga dhexdiisa ah ayaa aniga shaqsiyan iigu muuqda, way iska iman doontaa, way iska caddaan doontaa, waxbaa la saadaaliyaa, waayo qofka caqliga lihi fidnada wuu uriyaa, qofka aan caqliga ahayna marka ay ku dhacdo ayuu arkaa, waan uriyey baan is-leeyahay khilaaf xisbiga dhexdiisa laga abuurayo.”

Waxaannu intaas ku daray; “Waxa kale oo ii muuqata Wasiirradii shalay (maalintii Sabtida kulanka yeeshay) qaar baa xilka wareejiyey Khamiistii toddobaadkan oo maalin ka sii maqnaa xilka, inay maanta shir kale abaabulaan waa samir-darro iyo dulqaad-darro, waxaanan filayaa horena waan u idhi, malaha suuqa ayey la qabsan waayeen maalintii qudhaata ahayde, annagu labaatan sanno ama dhawr & toban sanno suuqa ayaannu la haysanay oo sidaas uun baannu ahayn. Maalin ayey la qabsan kari waayeen, maalintii ayey doonayaan inay rux-ruxaan, waan maqlayey iyaga oo qaarkood leeyihiin; ‘Madaxweynaha cusub inuu noo yeedho, inuu nala shiro, inuu na casuumo, in aannu wadahadalno.’ Anigu ma garanayo kalmadaasi iyo wax looga jeedo toona, wax wadahadal ah oo uu uga baahan yahayna ma jirto, xisbigoodii inay ka mid noqdaan ayaa loo baahan yahay, ninkii aan xisbiga ku qanacsanayn ee awalba xilka ku yimidna, dee isagu wuu ka danaysan karaa, taasi ciddina is khasbimayso.”

Mr. Cabdikariin Xinif, ayaa sidoo kale sheegay in aanay xubnihii hore ee Golaha Wasiirradu shirkooda ku dhaliilin xisbiga KULMIYE iyo xukuumadda cusub midna, balse ay ahaayeen qaar farriin kale diraya.

“Horta may dhalliilin xukuumad iyo xisbi mid toona nimankii odayada ahaa ee shiray, dhalliilinta afkooda kamay iman…Laakiin, nin baa beri ku maahmaahay; ‘Meel aan dab jirin, qiiq kama baxo.’ Haddii aan shirkaasi jirin, inkasta oo aanay Wasiirrada wada ahayn oo koox kooban ahayd, haddana dareenkaasi dareen jira ayuu u egyahay, kii [shir hore uga dhacay guri uu leeyahay wasiir hore uga tirsanaa xukuumadda] ayaannu kani ka dhashay sidaan wararka ku hayo,” ayuu yidhi Cabdikariin Axmed Maxamed (Xinif).

Waxa kaloo uu sheegay in aanay muuqan wax ay taban karaan xubnaha ku jiray golihii hore ee Wasiirradu, waxaannu yidhi; “Waxba may dhalliilin odhan mayno, wax bay dhalliileen, xukuumad iyo xisbi iska hor yimidna ma jiraan, laakiin dareen khilaaf abuuraya ayaa muuqda, anigu garan maayo waxay tabanayaan, iyana namay odhan; ‘Wax baannu tabanaynaa.’ Wax tabashanna ma jirto, rag xisbiga ah ayuun baa Wasiirro noqday, ragna toddoba sanno ayey ahaayeen, ragna wax ku dhaw ayey ahaayeen, dee meesha kamay bixin oo Noobiyado noomay ahayn dadku caashaqay iyaga ee Madaxweynihii doortay waqtigiisii wuu dhammaaday, Madaxweyne kale ayaannu ku wareejiyey, Madaxweynihii kalena 6 ayuu kala baxay; 4 Wasiir iyo 2 Wasiir-ku-xigeen, inta kalena xisbiga ayeyna ka mid yihiin.”

Mr. Cabdikariin Xinif, ayaa sidoo kale ka jawaabay kelmadu ay xubnaha Wasiirrada ahaa ee shirka gaarka ah yeeshay ay ku celcelinayeen markii ay saxaafadda la hadleen maalintii Sabtida, waxaannu yidhi; “Waxa aan maqlayey kelmad ay aad ugu celcelinayeen oo ay yidhaahdeen; ‘Waa raggii guusha keenay, waa raggii xisbiga dhiiggooda u hurray.’ Waaryaadhaheen! Anigu taasna waxaan is-leeyahay; xisbiga KULMIYE dhawr sababood ayuu ku guuleystay;

  1. Marka ugu horreysay Ilaahay (SWT) ayaa guusha siiyey, Al-xamdulillaah oo Ilaahay ayaannu ugu mahadnaqeynaa.
  2. Madaxweynihii hore waxqabadkiisii (ayaa keenay guusha KULMIYE)
  3. Barnaamijkii uu xisbigu ku tartamay markii dambe ee uu dadka u soo bandhigay lagu doortay
  4. Murrashixii xisbiga KULMIYE uu dadka hor keenay (oo hadda ah Madaxweynaha cusub)

Intaasiba waxaan is-leeyahay waa sababaha ka qeybqaatay inuu xisbigu guuleysto, ma jiro shaqsi kaligii sheegan kara amma koox sheegan karta guusha KULMIYE, waa la wada lahaa, shicibkaa lahaa, xukuumadda ayaa lahayd, Madaxweynihii hore ayaa lahaa, Madaxweynaha cusub ayaa leh, Guddiga Fulinta ayaa lahayd, Golihii Dhexe ayaa lahaa, xubnihii xisbiga ayaa lahaa, Somaliland oo KULMIYE oo dhan ayaa guushaa wada lahaa ee ma jirin cid gaar ah oo odhanaysa; ‘Guushaa annaga ayaa lahayn,’ amma koox intay is-urursato sheeganaysaa, waa qalad ayaan fahmayaa haddii aan idhaahdo; ‘Guushaa waxa lahaa Guddigii Fulinta.’

Waa qalad haddii aan is-idhaahdo; ‘Guushaa waxa iska lahaa aasaasayaashii KULMIYE.’ Qalad iyo gef aan ummadda inta kale ka galayo ayaan u arkaa, oo KULMIYE guusha wuu wada lahaa, qof weliba wax buu ku darsaday. Waxanse weliba odhan karaa; ‘Rag badan oo KULMIYE dhaawac ku ah ayaa ku jira shalayto nimankii halkaa joogay.’ Oo haddii KULMIYE meelaha qaarkood uu cod ku waayey, iyaga uu u waayey ayaa ku jira, markaa waa guul la wada lahaa oo cid walba wax ku lahayd.”

Su’aallo arrintaas laga weydiiyey Cabdikariin Xinif iyo jawaabaha uu ka bixiyeyna waxa ay u dhaceen sidan;

Su’aal: Mid ka mid ah xubnihii Golaha Wasiirradii hore ahaa ee shalay (Sabtidii) shiray, waxa uu shaaciyey inuu u sharraxan yahay Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee Muuse Biixi dabaddii. Arrinaas sidee ayey kuula muuqataa?

Jawaab: Horta ha odhan; ‘Golaha Wasiirradii hore,’ ee dheh; ‘Golihii Wasiirrada ee hore.’ Waayo, Golaha Wasiirradu waa ka iminka jira. Arrintaa waxaan u arkaa xisbiga KULMIYE hoggaan ayuu leeyahay, hoggaanka shan sanno ayaa la doortay, shantii sanno waxay ku eg tahay bisha April, 2019-ka, maalintaa marka la gaadho waqtigoodii wuu dhammaaday, xisbigana wuu u furan yahay cid walba oo ku tartamaysa ee ha diyaar-garowdo ciddii ku tartamaysaa, taa ololaheeda ha gasho, xisbiga ololihiisa ha ka dhex gasho, ha u diyaar-garowdo.

Tartan ayaa la gelayaa, ciddii xisbigu doorto ee hoggaankaa ka mid ah ayuun baa hoggaanka xisbiga ah, Guddoomiyaha amma Murrashaxa xisbiga, Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga, Guddoomiye-ku-xigeenka labaad iyo Xoghayaha Guudba, waa lagu tartamayaa, dadka oo dhanna way u furan tahay, fadalluu al-miisaan-waasic badka ha yimaaddaan, ha ku tartamaan. Laakiin, waxaan ka codsanayaa inta ka horreysa [April, 2019-ka] tartankoodu yuu noqon mid xisbiga fadqalallo iyo fidno ku keena.”

Su’aal: Ma is-leedahay xubnahaas Golihii Wasiirradii hore, waxay caqabad ku noqon karaan in xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE ee mar labaadka guuleystay hirgeliyaan ama ay fursad u helaan barnaamijyadii iyo ballanqaadyadii bulshada ay u sameeyeen xilligii ololaha?

Jawaab: Maya, is-malihi caqabad bay ku noqonayaan, is-malihi xukuumadda iminka jirta ayey caqabad ku noqon, is-malihi xisbiga ayey caqabad ku noqoni. Waayo, laba kooxood ayey isugu jiraan; rag waa rag xisbiyahan ah oo KULIMIYE-yahan ah oo dhiiggooda u galay, oo dhuuxooda uu galay oo aan dhaawac u geysanayn. Ragna waa rag xaataa xisbigan dagaal la soo galay oo la soo dagaalamay, laakiin intii dambe ama xilka ha ku yimaaddaan ha ku qancaan ama si kale ama gorgortan kale ha galaan, xisbiga uun ku tiirsanaa weeye. Markaa ma filayo in xisbigan iyo xukuumaddan ciddina dhaawac maanta u geysan karayso, haddii ciddi ay is-qaad-qaado, is-tijaabisana waxaan odhan lahayn, ‘Is-muujin shalay ah, dee waxba ha inna biyo-dhiijinina.’

Xisbigani xisbi taagan ayuu ahaa, khilaafyo badan ayuu ka soo gudbay, khilaafkii u horreeyey 2003-kii ayaannu galnay, waannu ka soo gudubnay, 2008-dii ayaa noogu xigay, 2014 waxa nagu yimi khilaaf, waannu ka soo gudubnay. Khilaafka wuu yaqaannaa, xalkiisana wuu yaqaannaa xisbigu,” ayuu yidhi Cabdikariin Xinif.