Araweelo News Network.

 

 #Dahabshiil Oo Kulan La Qaatay Ra’iisal Wasaaraha Britain Boris Johnson Iyo Waxyaabaha Uu Kala Hadlay

London(ANN)-Cabdirashiid Maxamed Siciid Ducaale (Cabdirashiid Dahabshiil) oo ah Maamulaha Guud ee Shirkadda Dahabshiil Group, ayaa kulan gaar ah la yeeshay ra’iisal wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson.

Cabdirashiid oo ka hadlayay waxyaabaha ay ka wada hadleen, ayaa u sheegay waraysi uu markaa kaddib siiyay Idaacadda BBC-da laanteeda Af-soomaliga, ayaa sheegay in ujeedada kulanku ahaa maadaama ay saamayn ka dhalanayso isbedelka dhanka shuruucda iyo madax banaanida Ingiriisku marka uu ka soo gacan baxo Yurub inteeda kale ay tilmaamay in dadka qaar kala kulmi doonaan culaysyo,  halka kuwo kale filanayaan faa’iidooyin waaweyn.

 

Cabdirashiid, wuxuu sharraxaad ka bixiyay faa’iidada iyo khasaaraha laga filanayo in Soomaalida Ingiriiska, Soomaalida Geeska Afrika iyo guud ahaan dalalka Afrika kala kulmi karaan marka Boqortooyada Ingiriisku ka baxdo Yurub inteeda kale bilawga sannadka foodda inagu soo haya ee 2021-ka.

 

Mudane Cabdirashiid Dahabshiil oo ugu horayn la waydiiyay kulan uu la yeeshay ra’isal wasaaraha Ingiriiska ayaa yidhi, “Kulanka aanu yeelanay ra’isal wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson, runtii wuxuu ahaa kulan aad u xiiso badan oo aan kula yeeshay xafiiskiisa. Boris Johnson waa nin ay ka muuqato in uu Soomaalida aqoon badan u leeyahay maaddaama markii uu ahaa wasiirka Arrimaha Dibadda meelihii uu bookhday ay ka mid tahay Muqdisho, Kenya iyo Itoobiya, qoyskiisa dad ka mid ahna ay tageen Hargeysa iyo Berbera waa nin Soomaalidana aad u xiiseeya Afrikana aqoon badan u leh. Waxyaabaha aanu ka wada hadalnay waxa ka mid ahaa horumarka dhaqaalaha iyo isu gudubka ama isu socodka Ingiriiska iyo waddamo badan oo Afrika ah.”

Cabdirashiid Dahabshiil, ayaa tilamaamay saamaynta uu ganacsatada ku yeelanayo isbedelka Ingiriisku samaynayo marka uu Yurub ka baxo, isagoo yidhi,

“Ka bixitaanka Yurub ee Ingiriisku waa mid saamayn ku yeelanaya baayacmushtar badan oo markii hore waxay ahayd haddii aan Passport-ka Ingiriiska sidato in aad 28 dal oo Yurub ah ganacsi ka samayn kartid, ku noolaan karto, ka shaqaysatid, isaga gudubtid, gaadhiga aad ka kaxaysato magaalada London wuxuu toos u gelayay waddamo Yurub ah laakiin, taasi way isbedelaysa bishan soo socota ee January 1-deeda, marka baayacmushtariga shirkado badan waxay ku kallifaysa in ay u guuraan waddamada kale ee Yurub, ganacsiyada qaarna cashuuro dheeraad ah ayaa ku soo kordhaya,”ayuu yidhi, Cabdirashiid Dahabshiil, oo tilamaamaya saamaynta uu ganacsatada ku yeelanayo isbedelka Ingiriisku samaynayo marka uu Yurub ka baxo.

 

Mar la weydiiyay Cabdirashiid Dahabshiil in uu shirkaddooda Dahabshiil ahaan saamaynayo isbedelka ka dhalanaya ka bixidda Ingiriiska ee Yurub inteeda kale ayaa yidhi, “Isbedelkan dhacay waa qasab in cid walba in uu saamaynayo, anagu Dahabshiil haddii aanu nahay waddamo badan oo Yurub ahna waanu ka shaqaynaa,  Ingiriiskana waanu ka shaqaynaa ugu yaraan boqol iyo dhawr iyo labaatan Waddan oo Adduunka ah ayuu Dahabshiil ka shaqeeyaa, meelaha qaar runtii isbedel weyn oo caynkaasi ahi ma dhacayo, meelaha qaarna isbedel wuu dhacayaa oo waa in sharciyada isbedelay qayb laga noqdaa, marka isbedelka dhacay cidna faa’iido ayuu u yeelanaya cidna khasaare oo durba sicirka lacagaha adag ee Ingiriiska iyo Doollarka isbedel baa ku dhacay, dhaqaalaha Adduunkana isbedelka dhacaa maceeshadda Adduunka oo dhan buu saameeya, sidaa awgeed waxa laga yaaba qofka Afrika jooga in aanu toos u dareemin laakiin, cuntada uu cunayo, dawada uu isticmaalayo, dharka uu xidhanayo ama alaabta uu adeegsanayo in uu isbedelka Ingiriiska ama Yurub ka dhacaya aakhirka saameeyo oo qiimahoodu kor u kaco,  ama hoos u dhaco markaa dhaqaalaha Adduunku waa wax runtii aad iyo aad isugu xidhan.” Ayuu yidhi.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in Ingiriisku ka qayb gelayo tartanka loogu jiro xidhiidhka Afrika.

“Isbeddel kasta oo dhaca dadka qaarna faa’iido ayuu u keenaa qaarna khasaare, dadka qaar waxa ay leeyihiin hadda Afrika waxa ku tartama waddamo badan oo maalgalin gelinaya ha noqoto Shiinaha, Turkiga, Maraykanka, Hindiya ama dalalka Carabta, marka Ingiriisku wuxuu doonaya in uu xidhiidh la yeesho ganacsato badan oo Caalamka ah halka markii hore laga yaabo in uu culayska saari jiray Yurub imika in uu yidhaahdo Adduunka oo dhan baanu iskaashi dhaqaale la samaynayna ama bahwadaag la noqonayna, taasi markaa dad badan fursado way u soo jiidi karta Soomaali ha noqdaan, shirkaddo Afrikaan ah ha noqdaan ama dawlado Afrikaan ahba ha noqdaane waxa laga yaaba in ay faa’iido weyn u keento oo dawladda Ingiriisku si toos ah ula macaamisho.”  ayuu yidhi Cabdirashiid Dahabshiil.