Cadan(ANN)-Deganaansho la’aan iyo xaalad cabsi leh, ayaa laga soo sheegayaa inay ka jirto magaalada koonfurta ee Cadan, kadib markii  olole nabadgelyo oo ay wadaan ciidamada golaha Ku-meel-gaadhka ah ee taageerada ka haysta Imaaraadka Carabta ay xidh-xidheen boqolaal askarta u daacada ah dawladda Yemen ee Sucuudigu taageero ee Madaxweyne Abd Rabbuh Mansur Hadi.

Gooni u goosadka Koonfurta Yemen ee Cadan, oo ay taageerayaan Isutagga Imaaraadka carabta, ayaa sheegaya inay xidheen dhowr iyo toban dagaalyahan oo xulafada Sacuudiga taageersan magaalada Cadan ka dib markii ay ka soo dageen dekeda, iyadoo diyaaradaha Imaaraadku duqeymo ay u geysteen Ciidmada taageersan Madaxweyne Hadi ee Sucuudiga xulufada la ah.

Weerarrada cirka ee Imaaraadka, ayaa yimi saacado ka dib markii kooxaha gooni u goosadka ah ee melleteriga Koonfurta ee ay taageerayaan Imaaraadku dib ula wareegeen gacan ku haynta Cadan, iyaga oo ku qasbay malleeshiyaadka uu maalgalinayo Sacuudiga ee maalin ka hor soo galay magaalada dekada leh inay ka baxaan.

Wararka qaar, ayaa sheegaya in qabqabashada iyo weerarada ay ka dhacayaan guryaha iyo hoggamiyaasha millateriga ee daacad u ah dowladda Madaxweyne Hadi.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa soo xigatay dadka deggan magaalada Cadan in dagaalyahanada Golaha Ku-meelgaarka Koofurta ay waddooyinka marayaan, oo qabqabasho ka bilaabeen magaalada oo dhan, hay’addu waxay intaas ku dartay, iyadoo soo xiganaysa masuuliyiinta Golaha Ku-meel-gaarka ah in Goluhu weerarey guryo iyo shirkado, ayna xidheen daraasiin u dhaqdhaqaaqa, siyaasiyiin iyo culumaa’udiin ah oo lagu eedeeyay inay dowladda sharciga ah ee Koonfurta ka horyimaadeen, waxaana lagu eedeeyay inay ku kaceen falal Argagixisanimo.

Muuqaalo muujinaya ciidamada golaha  ku meel gaadhka ee ay taageerayaan UAE ee ka dhanka ah askarta dawlada ee isbahaysiga sacuudiga oo ay diyaaradaha dagaalka ee imaaraadku khaarajiyeen  khamiistii ayaa laga faafiyay dunida, halkaas oo ay ku dhinteen magaalada Cadan boqolaal askarta xulufada Sucuudiga, iyadoo boqolaa kalena ay ku dhaawaceen.

.Halkan Ka Akhri: Ciidamada Sucuudigu Taageero Ee Yemen Oo Duqayn Kala Kulmay Imaaraadka Markii Ay Galeen Cadan

Xaaladda Xuquuqda Aadamaha, ayaa laga dayrinayaa, waxayna Xarumaha kormeerka xuquuqda aadanaha ee Euro-Mediterranean ay muujisay sida ay uga naxeen dilalka ka dhacay garoonka intii lagu guda jiray isku dhaca ka dhanka ah xukunka xukummada Cadan iyo Abyan iyo ciidamada dawladda Yemen ee Sucuudigu taageero,  waxayna carabka ku adkeysay in howlgaladaasi ay daliil cad u yihiin in danaha siyaasadeed iyo militariga ay markale xukumaan amaanka iyo amniga dadka Yaman.

Goobjoogayaal ku sugan Cadan, ayaa sheegay in macluumaadka laga soo aruuriyay tirada Maxaabiista Jimcihii oo kaliya ay gaadhayaan 400 oo qof, waxaana hay’adda xuquuqda aadanaha ee caalamiga ah ay sharrax ka bixisay in ciidamada xasilinta amniga ay bartilmaameedsadeen ololayaasha lagu soo qabqabanayo laguna weerarayo militariga iyo shacabka ku dhaqan dhammaan gobollada Koonfurta, iyo sidoo kale daraasiin dad ah oo ka kala yimid gobollada Shabwa iyo Abyan.

Dhanka kale, dowladda Yemen waxay sheegtay inay sii wadayso inay diido waxa ay ugu yeertay gardarada UAE, waxayna sheegtay inay Imaaraadku u adeegsanayaan cadeymahaa inay ku qariyaan kuwo been abuur ah si ay ugu daboosho duqeynta ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen militariga iyo shacabka, ayay tidhi. Dowladda oo intaa ku dartay in Imaaraadku uu ka hor istaagayo sharci ahaanshihiisa inuu ku sameeyo gobanimo buuxda dhulkiisa, iyo in Abu Dhabi uu asaasay “kooxo mintidiin ah oo carqaladeeya midnimada iyo badqabka Yemen.”

Dowladdu waxay cadeysay in UAE sii wadida iyo taageerida waxa loogu yeero Golaha Ku-meelgaarka oo leh hub culus oo tayo leh oo khilaafsan ujeeddooyinka Isbaheysiga lagu taageerayo Sharciga iyo Go’aannada Caalamiga ah, gaar ahaan qaraarka 2216. ”

Dhinaca Gobolka Taiz, oo ah madaxa Golaha Sare ee iska caabinta, Hamoud al-Mikhlafi, wuxuu ugu yeedhay askarta ku sugan xuduuda koonfureed ee Sacuudi Carabiya inay si dhaqso leh ugu laabtaan jiidaha dagaalka ee gobolka Taiz, “si loo soo gabagabeeyo xoreyntiisa ugana ilaaliyo khataraha iyo dagaalka ay ku hayaan”.

Al-Mikhlafi wuxuu sheegay in loo diyaar garoobay sidii loo heli lahaa askar ka soo laabaneysa xadka Sacuudiga ee koonfurta iyo in lagu haayo ciidamada iyo iska caabinta. Dagaallo ayaa ka socda xadka boqortooyada ee xadka koonfureed ee u dhexeeya ciidamada Sacuudiga iyo dagaalyahanada Xuutiyiinta

Dibadbaxyo lagu diidanyahay joogitaanka Imaaraadka Carabta ee Yemen ayaa socod ku maray wadooyinka magaalada Taiz jimcihii,  kuwaas ayaa ka dalbaday dowladda in ay ka erido Imaaraadka xulafada uu hoggaamiyo Sacuudiga.

Wararka, ayaa sheegaya in banaanbaxayaashu ay lugeynayeen salaadii jimcaha ka dib dibadbaxyo ay ka qeybgalayaashu dhalleeceeyeen dhammaan ficillada Imaaraadku ka wado Yemen, oo ay ku jiraan duqeymaha cirka ee Imaaraadka ay Khamiistii ku soo qaaday ciidamada dowladda ee ku sugan gobollada Cadan iyo Abyan, waxayna galaafteen nolosha boqolaal dhimasho iyo dhaawac ah.