dhinacyadaYemen
Sanca(ANN)Xulufada Sacuudigu hogaaminayo ee dagaalka kula jira xulufada xuutiyiinta Dalka Yemen, ayaa sheegtay in toddobo cisho oo xabad joojina ay la gaadheen Kooxda shiicada Xuutiyiinta.

Xabad joojinta ayaa maanta hirgalinteedu kusoo beegantay, iyadoo ay maanta dalka Switzerland ka bilaabmeen wada hadalada nabada ee Yemen oo ay soo qabin qaabiyeen Qarammada Midoobay.
sagaal Bilood ka hor ayay ahayd markii ay weerarkii ugu horeeyay ku qaadeen Xulufada Sucuudigu gudaha dalka Yemen.kadib markii Madaxweynihii dalkaa lagu qasbay inuu kala diro xukuumadiisa.
maanta duhurkii ayaa xabad joojintu bilaabantay, balse weli waxa la sheegayaa inuu jiro dagaal goos goos ah oo ka socda meelaha qaar, waxaana keliya oo istaagay duqaymaha dhinaca Cirka.
shalay ayay ahayd markii Dalka Yemen lagu dilay Laba sarkaal oo u kala dhashay Sucuudiga iyo Imaraadka, kuwaas oo ku dhintay meel aan ka fogayn goobaha laysku hor fadhiyo ee faramaha dagaalka ee u dhow magaalada Taiz.
Xabad joojinta ayaan la ogayn inay sii socon karto, iyadoo hore ay heshiisyo xabad joojin oo sidan oo kale u fashilmeen.
Tan iyo markii Bishii March Xulufada Sucuudigu duulaanka dhinaca Cirka ah ku qaadeen dalka Yemen, waxa ku dhintay in ka baddan 6, 000 qof, iyadoo kumanaan kale dhaawacyo kala duwan soo gaadheen. sidoo kale waxa dagaalku sababay burbur xooggan oo dalkaa ku celiyay halkii uu joogay Boqol sanadood ka hor, iyadoo kumanaan u dhashay dalka Yemen u qaxeen Djibouti, Somaliland iyo meelo kale oo dunida ah, isla markaana ay jiraan boqolaal kun oo gudaha u qaxay, kuwaas oo dhinaca deegaamada Miyiga uga cararay deegamadii ay joogeen gaar ahaan magaalooyinka waaweyn.
Dagaalka Yemen, waxa uu sababay inay ku loolamaan dalalka Khaliijka ee Sucuudigu hoggaaminayo iyo Dalka Iran, kuwaas oo kala taageersan dhinacyada isku haya Yemen, mana muuqato in uu jiro xal laga gaadhayo dagaalka, taas oo ay sabab u tahay dhinacyada kala taageersan oo siyaasadoodu kala fog tahay, isla markaana duulaanka dalalka Khaliijka ee Sucuudigu hoggaaminayo, waxa keliya oo ay ku guulaysteen in magaalada Cadan oo ah magaalada Dekeda dhinaca Koonfurta oo ahayd caasimada labaad ay ka saaraan Xuutiyiinta iyo xulufada Madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabdale Saalax, iyadoo ay Xuutiyiintu dalka intiisa baddan gacanta ku hayaan.

 

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380