Araweelo News Network

Galaydh1
Hargeysa(ANN)- Siyaasiga Cali Khaliif Gallaydh ee horjoogaha u ah maamulka khaatumo ayaa ka dhoofay maanta Garoonka Caalamiga ah ee (Egal International Airport) kadib markii loo diiday inuu ka dhoofo gegida Diyaaradaha ee magaaladda Buuhoodle, halkaas oo koox malayshiyo ah u diideen.
Mr. Gallaydh, oo xalay guure kaga soo baxay Magaalada Buuhoodle, ayaa safar dhinaca dhulka ah kaga soo baxay Buuhoodle, wuxuuna saaka ka dhoofay Garoonka Diyaaradaha ee Hargeysa, iyadoo Xukuumadda Somaliland u fududaysay safarkaa.
Hoggaamiyaha Kooxda Khaatumo oo ay weheliyaan laba xubnood oo kooxdiisa ka tirsan, ayaa u dhoofay dhinaca Dalka Djibouti si ay uga qaybgalaan wadahadallo Somaliland iyo kooxdiisa oo ka dhacaya Dalka Djibouti.
Xukuumadda Somaliland ayaa canbaaraysay malayshiyada Cali Khaliif Gallaydh u diiday inuu ka dhoofo shalay magaalada Buuhoodle, waxayna ku hanjabtay inay tallaabo ka qaaday kooxdaa.