Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Ciise Axmed Xawar oo ay weheliyaan Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Taliyaha Ciidanka Qaranka Iyo saraakiil kale,  ayaa sheegay in CIidamadda Qaranka Somalialnd Guul ka gaadheen dagaalka lagu soo qaaday.

Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland, wuxuu sheegay in dhanka Maamul goboleedka Puntland ay dagaalka qayb ka ahaayeen ciidankooda badda isla markaana ay hayaan maxaabiis ciidankaasi ka tirsan iyo gaadiid laga qabtay.

Sido kale, wuxuu sheegay in maxaabiis laga qabtay dhinaca Puntland oo ciidanka Somaliland gacanta ku dhigeen, waxayna Wasiirka Gaashandhiga Somaliland Ciise Axmed Xawar iyo Wasiirka  Warfaafinta Somaliland Cabdiraxmaan Guribarwaaqo oo shir jaraa’id wada Jir u qabtay kaga hadleen xaalada dagaalka maanta ka dhacay Tukaraq.

Halkan ka Daawo shirka Jaraa’id ee labada Wasiir.