Djibouti(ANN)-Taliska Millateriga Maraykanka ugu weyn Bariga Afrika ee xaruntiisu tahay dalka Djibouti, ayaa waajahay xaalad argagax ah, kadib markii lagu arkay halkaa kiiskii labaad ee cuddurka Coronavirus (COVID-19).

Saldhiga, ayaa lagu soo rogay xaalad deg-deg ah, iyadoo gebi ahaanba xayiraad lagu soo rogay dhaq-dhaqaaqa ciidamada ku sugan halkaa, sidaana waxa baahisay Raadiyaha Faransiiska ee (Radio France Internationale) ee loo soo gaabiyo RFI, isagoo soo xiganayay Wargeys wax ka qora arrimaha millatariga Maraykanka.

Sida lagu sheegay warkaa Askariga  labaad ee cuddurka laga helay ayaa laga qaaday dalka Djibouti, taas oo sababtay in xayiraad lagu soo rogo saldhigga Millateriga Maraykanka ee Djibouti.

Hawlgalka Saldhiggan, ayaa lagu macneeyaa mid bixiya istiraatiijiyadda millatari ee guud ahaan Bariga Afrika, waxaana arrintan sababay in dhaqdhaqaaqyadiisa loo xannibo si loo yareeyo faafitaanka cudurka safmarka ah ee Covid-19.

Idaacadda Faransiiska ee Caalamiga ah (Radio France Internationale), ee loo soo gaabiyo RFI,  ayaa intaa ku dartay in Taliska Millatariga Maraykanka uu maalintii Salaasadii lasoo dhaafay u diyaar garoobayay in kooxaha ka tirsan askarta ee magaalada Djibouti deggan lagu xereeyo meel ka mid ah saldhigga oo gaar ah, si halkaas loogu karantiimeeyo.

Arrintaa ayaa lagu macneeyay in ay tahay mid ku meel gaadh ah, sidaana waxa sheegay Afhayeen u hadlay taliska millateriga Maraykanka oo uu soo xigtay wargeyska “Stars and Stripes” ee ka faallooda arrimaha la Xidhiidhka millateriga.

Saldhigyada Millateriga Maraykanka, ayaa la daalaa dhacayay korodhka weerarada galmada iyo warbixinaha kale ee sheegaya dhibaataynta militariga, kuwaas oo kordhay tan iyo sanadkii hore 2019, sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday Pentagon Khamiistii 30 April 2020.

Dhinaca kale, arrintan, ayaa kusoo beegnatay, iyadoo xaaladda cuddurka Coronavirus ee COVID-19, dalka Djbouti kor u kacay, iyadoo Dowladdu xaqiijisay in tirada guud ee kiisaska Coronavirus ee dalkaas ay marayaan 1,077 qof, balse Ilaa hadda ay u geeriyoodeen laba qof xannuunka Coronavirus.

Madaxweynaha Dalka Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle,  ayaa maalmihii lasoo dhaafay sheegay in faafitaanka xad-dhaafka ah ee cuddurka ay sabab u tahay dadka oo aan u hoggaansamayn amarrada ay dowladdu soo rogto ee la doonayo in lagu yareeyo faafitaanka cuddurka iyo sidii loo xakameyn lahaa, iyadoo aannay dadku dheg u dhigin tallooyinka sida kala fogaanshaha bulshada iyo in guryaha lagu hakado.

Dowladda Shiinaha oo ka mid ah dhawr dal oo Saldhigyo Millateri ku leh dalkaa yar, ayaa doonaysa inay gacan ka siiso dawladda Djibouti sidii ay ula tacaali lahayd xannuunka Covid-19 ee sida weyn ugu faafay.

Waxaana dalka Djibouti soo gaadhay maanta koox ka kooban 12 khabiir oo caafimaad oo ka socda Shiinaha, kuwaas oo sida ay dowladda Djibuoti sheegtay, la shaqeyn doonna dhakhaatiirta reer Djibouti ee safka hore uga jira la dagaallanka Coronavirus, iyadoo dalka yare e Djibouti noqday dalka uu saamaynta ugu weyn ku yeeshay Covid-19,  marka loo eego dalalka kale ee gobolka Bariga Afrika.

Waxay tiro aad u badan ka sarraysaa waddamada dariska la ah ee Somaliland, Eritrea iyo Ethiopia, iyadoo Somaliland tahay halka tirade ugu yare e ilaa hadda la hayaa ay tahay 6 qof, kuwaas oo saddex ka mid ah kasoo kabteen, isla markaana la fasxay.