Araweelo News Network
DaacishsomaliaMogadishu(ANN)Ururka la baxay Dawladda Islaamiga ah ee Suuriya iyo Ciraaq (ISIS) amma Daacish, ayaa markii u horraysay si rasmi ah u soo bandhigay dagaalyahanno loogu tababarayo gudaha Soomaaliya.
Sida lagu baahiyey wargeys la yidha The Long War Journal oo wax ka qora dagaalka argagixisada oo Jamhuuriya soo xigtay xalay, ISIS ayaa xero tababar ka samaystay gudaha Soomaaliya, halkaas oo lagu carbiyo dagaalyahanno ka tirsan ururkaas, iyadoo wargeysku soo dheegtay muuqaallo fiidiyoow ah oo lagu faafiyey saxaafad ay leeyihiin Daacish oo lagu magacaabo Al-furat Media.
Muuqaallada kooxdu soo bandhigtay waxa ka muuqda dagaalyahanno tiradoodu kooban tahay oo tababarro kala duwan ku samaynaya gudaha Soomaaliya, iyagoo sita astaamaha Ururka ISIS, isla markaana lagu carbinayo xero tababar oo loo bixiyey Sheekh Abu Numan Training Camp (xerada tababarka ee Sheekh Abu Numan).
Si rasmi ah looma shaacin goobta ay ku taal xerada tababarka ee ISIS, balse sida ay muujiyeen xogo kala duwan oo la helay, waxa xeradaasi ku taal degaannada Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, iyadoo sawirrada la helay uu ka muuqdo taliye hore uga tirsanaa kooxda Al-shabaab oo la yidhaa Cabdulqaadir Muumin, kana ka hawlgeli jiray degaannada maamulkaas.
Xerada tababarka ee ISIS ka samaysteen Soomaaliya, waxa loogu magac-daray sarkaal la odhan jiray Bashiir Abu Numan oo ay khaarajiyeen qaybta amniyaadka ee Al-shabaab dhammaadka sannadkii 2015, kadib markii lagu eedeeyey inuu ka baxay kooxda, kuna biiray Daacish.

Xogaha kala duwan ee saxaafaddu baahisay oo Jamhuuriya soo ururiyey, ayaa tibaaxay in dagaalyahannada ISIS ee gudaha Soomaaliya aanay weli noqon garab xooggan oo ciidan iyo hub badan haysta, laakiin waa bilaw la doonayo in dawladda Islaamiga ah ee ISIS hawlgalkeeda ku ballaadhiso Soomaaliya, gaar ahaan degaannada Puntland.
Sarkaal lagu magacaabo Sheekh Cabdulqaadir Muumin, lana tuhunsan yahay inuu xil sare ka hayo xoogagga ISIS ee Soomaaliya oo ka muuqda muuqaallada canjallada la soo bandhigay, ayaa sheegay in xarunta ay tababarka ku qaadanayeen tahay xerada ugu horraysa ee Daacish ku yeelanayso gudaha Soomaaliya, isagoo caddeeyey inay daacad u yihiin hoggaamiyaha guud ee kooxdaas Mr. Abu Bakar Al-baghdadi.
Sheekh Muumin oo hore uga tirsanaa madaxda sare ee saldhigga Al-shabaab ku leeyihiin buuralayda Galgala ee degaannada Puntland, ayaa go’aansaday inuu ku biro ISIS sannadkii 2015, isagoo waqtigaas la goostay dagaalyahanno tiradoodu dhan tahay 20 xubnood, kuwaasoo ilaa hadda ku dhuumaalaysana degaannadaas buuralayda ah.
Dhinaca kale, dagaalyahanno Soomaali ah oo xidhiidh la leh kooxda ISIS/Daacish, ayaa sheegtay inay weerarkoodii u horreeyey la beegsadeen ciidammo ka tirsan hawlgalka Midowga Afrika (AMISOM) ee ku sugan magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.
Inkastoo aanay kooxda cusub ee daacadda u ah Daacish sheegin xilliga ay fuliyeen iyo khasaaraha ka dhashay weerarkooda, balse waxa ay xuseen in weerarkan oo ah kii ugu horreeyey ee ay ka geystaan magaalada Muqdisho uu ahaa bam ay la eegteen ciidammada AMISOM.
Sheegashada dagaalyahannada cusub ee Soomaalida ah ayaa ku soo beegmay xilli dawladda taagta daran ee Soomaaliya sheegtay in ciidankeedu gacanta ku dhigeen sarkaal ay muddo dheer baadi-goobayeen oo ka tirsan kooxdaas daacadda u ah Daacish, kana goostay Al-shabaab dabayaaqadii sannadkii hore.
Xoogagga taabacsan Daacish ayaa isku dayayey muddo hal sanno ka badan inay saldhig ka sameystaan gudaha Soomaaliya, laakiin waxa arrintaas ka horjoogsaday kooxda Al-shabaab ee ay ka goosteen oo u arka in caqabad ku yihiin midnimadooda, balse, xerada tababarka ee ISIS soo bandhigeen, ayaa tilmaan u ah inay sii xoogaysanayaan waqtigan.