Hargeysa(ANN)-Dab ka kacay Meherado ganacsi oo ku yaala Suuqa Xera-Awr ee Magaalada Hargeysa, ayaa la xakameeyay, kadib markii Ciidanka Dab-demiska Caasimada Hargeysa goobta soo gaadheen.

Dadweynaha kusoo xoomay Dabka 29 July 2019
Dadweynaha kusoo xoomay Dabka 29 July 2019

Dabka oo aan la ogayn sababta dhalisay, ayaa sababay inay gubtaan  Meheradaha ganacsi ee ku yaalay goobtaa, kuwaas oo ahaa goobo yar yar oo Jiingado ay ku yaalaan meelo wax laga cuno, amma shaaha lagu cabao iyo sidoo kale meherado kale oo ganacsi oo goobta ka dhowaa, waxaana dabka oo aad u xoogganaa  ku fidiyay meherado iyo guryo kale oo agagaarka ka dhowaa, balse Taliyaha Ciidanka Dab-damiska Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili, saraakiisha iyo hawlwadeenada ciidanka Dab-demiska gaar ahaan kuwa caasimada, ayaa ka hawlgalay daminta dabkaa, waxayna ku guulaysteen inay soo af-jaraan.

Ciidanka Dab-damiska oo la tacaalaya Dabka Xaafada Xeto-Awr 29 July 2019
Ciidanka Dab-damiska oo la tacaalaya Dabka Xaafada Xeto-Awr 29 July 2019

,

Saraakiisha Ciidanka Dab-damiska, ayaa sheegay inay halkaa kasoo saareen  Qasnado ay ku jireen dahab iyo alaab kale oo Muhiima oo ay lahaayeen muwaadiniinta dabku qabsaday meheradahooda, isla markaana waxay sheegeen in aannu dabku geysan khasaare nafeed, balse  khasaare kasoo gaadhay nmuwaadiniintaa hantidoodii.

Dadweynaha kusoo xoomay Dabka 29 July 2019

Dabka markii uu ka bilawday, waxa goobta kusoo xoomay Dadweyne fara badan, kuwaas oo mararka qaar carqalad ku noqda sidii loo damain lahaa dabka, waxayna Ciidanka Dab-Damisku mar walba uga digan dadka inay fursad siiyaan Ciidanka marka khatarta dabka loo samaynayo gurmadka.

Dadweynaha kusoo xoomay Dabka 29 July 2019
Dadweynaha kusoo xoomay Dabka 29 July 2019