Araweelo News Network

Sana’a,(ANN)-Madaxweynihii hore ee Dalka Yemen Cali Cabdale Saalax, ayaa sheegay inuu wadahadal la gelayo xulufada uu hoggaamiyo Sucuudugu ee dagaalka daba dheeraaday kula Jira isaga Iyo Xulufada ay isbaheysiga yihiin ee Xuutiyiinta dalka Yemen.

 

Madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabdala Saalax oo ah Hoggaamiye muddo dheer ka talinayay dalka  Yemen, ayaa  gacanta ku haya Sanca, isaga Iyo xulufadiisa Xuutiyiinta, wuxuu sidaa ka sheegay TV-ga dalka Yemen, isagoo ka dhawaajiyay inuu doonayo inuu wadahadal la yeesho xulafada dalalka Khaliifka ee uu hooggaamiyo Sucuudigu, kuwaas oo taageeraya dawladda ay xulufadu ka samaysay Yemen ee aan awoodda lahayn.

 

Cali Cabdala Saalax,wuxuu  sheegay inuu diyaar u yahay ‘in bog cusub la furo’ haddii isbahaysiga uu Sacuudigu hogaaminayo ay xannibaadda ka qaadaan waqooyiga Yemen, ayna joojiyaan weerarrada ay ku hayaan dalka.

Madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabdale,  ayaa hadalkan sheegay kadib markii maalintii 4aad uu dagaal qadhaadh ku dhex marayay magaalada Sanca ee xarunta dalka Yemen xoogag isaga u daacad ah iyo dagaalyahanka Xuutiyiinta ee lala xidhiidhiyo in dawladda Iran ay taageerto.

Dhinaca kale, Hoggaamiyaha Xuutiyiinta Abdul Malik Badreddin al-Houthi, ayaa ku baaqay in la Joojiyo dagaalka u dhexeeya Xuutiyiinta Iyo Malayshiyada Cali Cabdale Saalax, wuxuuna ku baaqay in miiska wadahadalka laysugu yimaado oo xaalada la dejiyo.

Cali Cabdale Saalax oo muddo dheer xukumayay dalka Yemen, waxay isaga Iyo xulufadiisa Xuutiyiintu dagaal kula Jireen saddexdii sanadood ee u danbeeyay xulufada Sucuudigu hoggaamiyo, kuwaas oo weerraro Cirka Iyo dhulka ah ku haya magaalooyinka waaweyn ee dalka oo qabsadeen Xuutiyiinta Iyo malayshiyo ka ammar qaadata Madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabdala Saalax, waxaana dagaalka Iyo duqaymaha ku naf waayay kumanaan shacbiga dalka Yemen ah, iyadoo ku dhowaad ku barakaceen dagaalka.

Cali Cabdale Saalax, ayaa hore ugu baaqay in lasoo afjaro dagaalka oo wax guul ah laga gaadhi waayay, wuxuuna Sucuudiga Iyo xulufadiisa usoo Jeediyay in wadahadal laysugu yimaado, balse xulufada ayaan jawaab sax ah ka bixin dalabka Cali Cabdale Saalax.