#Dahabshiil Motors, Baabuurta Casriga Iyo Bushaarooyinka Cusub

“waxa noo badbaaday Biilalkii Xaafaddaha, waxan helay Baabuur cusub oo aan ahayn mustacmal, qub-qacdii hore waan kaga baxnay iyo maalinba meel jabta” macaamiisha Dahabshiil Motors.

#Araweelo_News_Network.

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Hargeysa(ANN)-Shirkadda Caalamiga ah ee Dahabshiil Motors, ayaa dhowaan daah-furtay Baabuur cusub oo noocyadii ugu danbeeyay ah, isla markaana soo baxay sannadka 2024, kuwaas oo si toos ah looga keenay Shirkaddaha Hyundai, TOYOTA, IVECO iyo SINOTRUCk, iyadoo Dahabshiil Motors yahay wakaaladda dhabta ah ee dhammaan shirkaddaha oo ah kuwa ugu weeaweyn caalamka ee Baabuurta.

Baabuurta Cusub ee Dahabshiil Motors model 2024, iyo noocya kale oo dhamaantood wakaalllada tooska ah, Image Araweelo News March 30, 2024,

Sidaa awgeed Dahabshiil oo hore uga hirgelisay geeska Afrika iyo geyiga Soomaalida shirkadda Hyundai Dahabshiil Motors, ayaa xilligan danbe soo kordhisay shirkaddaha TOYOTA, IVECO iyo SINOTRUCk, oo dhammantood ay keentay Baabuurta ay soo saareen Warshaddaha ay leeyihiin shirkaddahaa oo ah kuwa cusub oo noocii ugu danbeeyay ah.

“Ma ahayn qorshahayagu, mana aha in aan Baabuur iska keeno dalka, ujeedadayaduna maaha macaash oo keliya, laakiin waxaan samaynay daraasad qota dheer si aan u oggaano Baabuurta halkan looga baahanyahay, iyadoo loo eeggayo, qiimaha, Juquraafi ahaan iyo cimilo ahaan dhulka geeska Afrika, gaar ahaan dhulka Soomaalida ee dooxyada, Buuraha iyo waddooyinka Rafka u baddan” Sidaa waxa yidhi, Eng. Cawil Shariif Saalax oo ah Maamulaha Dahabshiil Motors, isla markaana ka mid rukunada ugu muhiimsan ee hormoodka u ah shirkaddaha Dahabshiil Group.

Baabuurta Cusub ee Dahabshiil Motors model 2024, iyo noocya kale oo dhamaantood wakaalllada tooska ah, Image Araweelo News March 30, 2024,

Eng. Cawil Shariif Saalax, wuxuu sharaxaad ka bixisay Gaadiid cusub oo ay dalka keeneen, kuwaas oo ah Baabuur kuwii ugu casrisanaa ee Wershedda Hyundai, TOYOTA, IVECO iyo SINOTRUCk, soo saareen sannadkan cusub ee aynu ku jiro 2024, waxaana loogu bushaareeyay macaamiisha in loo sameeyay qiima dhimis inta u dhaxaysa $1000-6000 dollar.

Baabuurta Cusub ee Dahabshiil Motors model 2024.

Sidoo kale, wuxuu sheegay Eng. Cawil in dalabka Baabuurta ay keeneen aannay ahayn kuwo la waayayo marka loo baahdo (Sper Parts ))wixii qalab ka xumaadda iyadoo Dahabshiil Motors qiima dhimista ka sokow macaamiisha doonaya innay kusoo biiraan isticmaalka Baabuurta cusub ee wakaaladda toos ah ugu bushaarysay in dammaanad ay leeyihiin Baabuurta.

 

“Baabuurta waxa loo iibsadaa saddex nooc, qiimaha maw qalma, quruxda iyo raaxadda oo aanu qofku cidhiidhi dareemin marka uu fadhisanayo, saddexdaa ayaa ugu muhiimsan saddexdiiba waxa ay ku dhan yihiin Baabuurta aannu hayno ee raaxada, kuwaas oo dhaqaale ahaan u saamaxaya qofka inuu ku raaysto, isla markaana ay Bulshadu kaga raysatay baabuur aan cusbayn oo mustacmal ah, kaas oo kharash xagga shidaalka ah iyo qalabkiisa oo aan la helayn, ama qaali ah haddii la keeno dalka ku hayay, “waxay noo sheegeen macaamiishayadu in markii ay qaateen Baabuurtan ay dhaqaale ahaan kasoo kabteen dhibaatooyinkii mararaka qaar ay waajihi jireen, iyagoo u tashiilay Shidaalkii iyo dayactirka (Sper parts) ku ahaa dhibaato, “waxa noo badbaaday Biilalkii Xaafaddaha, waxan helay Baabuur cusub oo aan qub-qacdii hore kaga baxnay iyo maalinba meel jabta” ayay yidhaahdeen amacaamiisha Dahabshiil Motors.

Baabuurta Cusub ee Dahabshiil Motors model 2024,

Baabuurta Cusub ee Dahabshiil Motors model 2024, Image Araweelo News.

“Baabuurta qaarkood, waxay leeyihiin meelo kor looga qaado oo badhan ah, marka la marayo dooxyda, Dhiidhiga, ama dhooqada iyo daadka dooxya,  taas oo suurta geinay in gaadhigu is dalaco marka loo haabdo oo marxaladahaa kala duwan loo isticmaalayo.”ayuu yidhi, Eng. Cawil Shariif Saalax, isagoo intaa ku daray in halkii Baabuurtu boqolaal litir oo shidaal ah ka isticmaalaysay, weli meelha fog, sida masaafada u dhaxaysa xarunta gobolka Sanaag ee Ceergaabo iyo Hargeysa Baabuurta ay keeneen Shirkadda Dahabshiil Motors 40ltr oo shidaal ah la isticmaalayo halkii 400Ltr ka baddan loo istcmaalayay, iyadoo qiyaas ahaan Ceergaabo iyo Hargeysa isu jiraan781 km (485.290751 miles) .

Baabuurta Cusub ee Dahabshiil Motors model 2024, iyo noocya kale oo dhamaantood wakaalllada tooska ah, Image Araweelo News March 30, 2024,

Baabuurta Cusub ee Dahabshiil Motors model 2024, iyo noocya kale oo dhamaantood wakaalllada tooska ah, Image Araweelo News March 30, 2024,

Dahabshiil Motors, waxay xustay in ilaa samarka Xaggaaga qiima dhimista la kordhiyay, taas oo la tixgelinayo codsiga maacaamiishooda Qurba-jooga oo ka dalbaday in lala sugo qiima dhimista.

Baabuurta Cusub ee Dahabshiil Motors model 2024, ikuwaas oo leh Cusbitaal dhammaystiran oo qalabkiisii oo dhan wata, wakaalllada tooska ah, Image Araweelo News March 30, 2024,

Baabuurta Cusub ee Dahabshiil Motors model 2024, iwaxaa ku jira Ambulance, kuwaas oo leh Cusbitaal dhammaystiran oo qalabkiisii oo dhan wata, wakaaladda tooska ah, Image Araweelo News March 30, 2024.

“Ahmiyada aannu leenahay maaha oo keliya macaash, laakiin waxan Bulshada ku celinaa wax baddan, waxaan u haynaa Baabuur nooca uu doono qof walba oo nidaamka Bangiga Ganacsiga Dahabshiil soo mara, Baabuurka maraka aad muddo wadato waxa laguu suurtagelinayaa in mid cusub oo modelkii u danbeeyay ah laguugu beddelo, taasna waa fursad fiican, oo ay qaarkood durba sameeyeen macaamiishayada, ayuu yidhi, Eng. Cawil Saalax.

Gaadiidka waaweyn ee xamuulka, IVECO iyo SINOTRUCk, Image Araweelo News. Dahabshiil Motors 30 March 2024.

Baabuurta ayaa sidoo kale, lagu soo kordhiyay kuwa xamuulka ee waaweeyn ee Shirkaddaha caalamiga ah ee IVECO iyo SINOTRUCk, bulshadda u leeyihiin gaadiidka la keenay iyo faa’idada ku jirta ee danta u ah dadka iibasanayo, iyadoo loogu bushaareeyay adeegyo cusub oo bilaash ah oo ka socda gaadiidka ay shirkaddu keentay.

Eng Awil Sharif Salah, maamulaha shirkaddaha Dahabshiil Motors, Image araweelonews, 30 March 2024.

Dhinaca kale, Eng. Cawil Shariif Saalax, wuxuu sheegay in macaamiisha ay halkan ugu dayac-tiraan Baabuurta, iyagoo fursadaa uga faa’idanaya muwaadiintana ay soo kordhiyeen in Ardayda Farsamada Gacanta ay Tababaro ku qaateen Dahabshiil Motors, kuwaas oo khibrada kala hadha Engineerada iyo Khabiirada lasoo raaciyo ee shirkaddaha waaweyn ay wakiilka u yihiin kasoo kaxaystaan sida Wersheddaha Hyundai, TOYOTA, IVECO iyo SINOTRUCk, taas oo muujinay in Dahabshiil Motors doonayo innay soo baxaan dhalinyaro ku qalabaysan aqoonta Baabuurta oo si cilmi ah uga qaadanaya khibrada khuburada ay dalka keenaan.

Araweelo_News_Network.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com