Araweelo News Network

Muqdisho(ANN)-Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Xukuumadda dalka Imaaraadka, ayaa is weydaarsaday weedho is Khilaafsan, waxayna dawladda Soomaaliya ku gacan saydhay Cambaarayn kaga timi dhinaca dalka Imaaraadka Carabta oo la xidhidhay lacagtii ciidamada amnigu ay ku qabteen garoonka diyaaradaha ee Muqdishu maalintii Axaddii.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Carabta ayaa war saxaafadeed ay soo saartay waxay ku sheegtay in ciidamada amniga ee Soomaalidu ay qoryo ku qabteen dadkii diyaaradda saarnaa, isla markaana ay kala wareegeen $9 milyan iyo 600 kun oo dollar, waxayna ku tilmaantay tallaabadaasi ahayd mid sharci-darro ah oo xadgudub ku ah shuruucda caalamka.

sidoo kale Imaaraadka ayaa sheegay inay arrintaasi jebinaysay is-afgarad ay hore u wada gaadheen Soomaaliya iyo Imaaraadka sannadkii 2014-ka.

Hase yeeshee dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in tallaabada ay qaadday kadib markii sida ayn sheegtay safiirka imaaraadka ee Muqdishu uu diiday in shandadahaa la mariyo qalabka baadhitaanka iyaga oo aan la furin.

Sarkaalka u hadlay Soomaaliya waxa uu sheegay in shandadahaasi oo aan ahayn kuwo diplomaasiyeed  loo adeegsado ujeedooyin diblomaasiyadeed, taasoo sida uu sheegay sarkaalkaasi laalaysa xasaanaddii ay cahdiga Vienna ee xidhiidhka diplomaasiyadeed.

Waxaa kale oo uu sarkaalkaasi sheegay in is-agaradka ay gaadheen Soomaaliya iyo imaaraadka uu waaqtigiisii dhammaaday sannadkii 2016-ka.