Araweelo News Network


Hargeysa (ANN)- Dawladda Somaliland, ayaa dib ugu celinaysa dalal ku yaal qaaradda Yurub hablo yaryar oo ku jiray xarun waxbarasho lagu tarbiyadaynayey oo ku taal magaalada Hargeysa ee Somaliland.
Ciidanka booliska Somaliland ayaa la wareegay ku dhawaad 20 hablo yaryar oo wax ka baranayey dugsi waxbarasho hoy ah oo lagu baranayey Qur’aanka iyo tarbiyada diinta Islaamka oo magaciisu yahay Daarul Rayxaan oo ku yaal xaafadda Jigjiga yar ee magaalada Hargeysa badhtamihii toddobaadkan, iyagoo albaabadana u laabay dugsigaasi oo maamulkiisiina xabsiga loo taxaabay.
“Ciidanka RRU oo la yidhi hawl bay fulinayaan ayaa u yimi dugsigan oo ay dhiganayeen hablo qurbo-joog ah, wax kalena meesha laguma barayn ee diin ayuun baa laga barayey, hablihii waa la kaxeeyey oo meel la geeyey ma garanayno, ilaa haddana ma garanayo sababta ay u xidhan tahay hooyaday oo dugsiga leh, dawladdana waxaannu ka codsanaynaa inay si degdeg ah u sii dayso. Markii hore waxa la yidhi meesha argagixiso ayaa ku jirta, markii ay RRU-du u daateen ee ay arkeen in buugaag iyo kutub Qur’aan ahi yaalaan ee ay hub waayeen ayey yidhaahdeen arrin kale ayaa jira ee inna mariya.” Sidaa waxa yidhi wiil ay dhashay Maamulihii Dugsiga Daarul Rayxaan Marwo Yaasmiin Saleebaan Cabdi oo iyadu xidhan, kaasoo u warramay telefishanka madaxbannaan ee Star .
Waalidiinta hablahan oo markii horeba laga soo celiyey qurbaha, gaar ahaan waddamo ku yaal Yurub, ayaa sheegay in dawladda Somaliland dib ugu celinayso carruurtooda dalalkii reer galbeedka ee ay tarbiyadaynta iyo dhaqan-celinta uga soo kaxeeyeen.
Waalidiin badan oo dhalay ama ka masuul ah hablahan ayaa sheegay in xukuumaddu dalka ka dhoofinayso carruurtooda kadib markii ay kulan kula yeesheen wasiirro badan oo ka tirsan xukuumadda Somaliland xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen, Wasiirrada Wasaaradaha Daakhiliga, Khaarajiga, Madaxtooyada, Diinta iyo Awqaafta iyo xubno kale oo uu ku jiro Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska.
Hooyo ka mid ah waalidiinta hablahan oo markii kulanka wasiirradu dhammaadya la hadashay warbaahinta, waxay tidhi, “Inantayada oo da’deedu tahay 16 waxa dalka loo keenay dugsigaa hoyga ah oo carruurtoodii ay walaalaha ahaayeena Hargeysa ayey ku suganyihiin, annaga hadda wasiirku wuxuu noo sheegay in carruurtayadii la kaxeeyey oo gacanta laga saarayo gaalo (dawladaha dalalkii ay ka yimaadeen) iyadoon aan qof waalid ah loo sheegin, annagoo joogna waddankayagii oo Islaam ah oo carruurtaydii ula soo hijroonay in gaaladu xukunto Hargeysa iyo in Muslimiintu xukunto in naloo kala caddeeyo ayaanu rabnaa?”
Nin kale oo isna waalidiinta ardaydan ee la kulmay wasiirrada, ayaa isna ka xog-warramay hablahan iyo sida ay ku timi arrintan hadda taagani, waxaannu yidhi, “Wasiirrada waxaannu ka wahadalnay arrimo ubad hablo ah oo da’doodu u dhaxayso 15 ilaa 20 sanno jir laga soo dhaqanceliyey waddamo Yurub ah oo loogu talogalay inay halkan dhaqankooda iyo diintooda ku bartaan ayaa dugsi hoy (boarding) ah oo aannu ganay kadib markii ay muddo dhiganayeen ayaanu laba maalmood ka hor maqalnay in carruurtii meeshii lagala baxay, waayo mid ka mid ah hablaha oo baxsatay ayaa warbixin khaldan gudbisay oo tidhi meesha carruurta waa lagu dhibaateeyaa, waxaanna dugsigii yimi niman gaalo ah iyo ciidanka RRU-da oo sidii baa dhammaan hablihii lagu kaxaystay. Wasiirradu waxay nagu yidhaahdeen carruurtiinu jinsiyado kale ayey wataan, iyagaana rabitaanka leh waa dad waawayne inay halkan joogayaan inay ku noqonayaan xaggaa (dalalkii ay ka yimaadeen), waxaanay nala ballameen 4-ta galabnimo inay na tusaan carruurtii.”
Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Yaasiin Xaaji Maxamuud (Faratoon) oo la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay inay is fahmeen waalidiinta hablaha dawladdu la wareegtay, “Waalidka hablaha ee aannu kulanay si wanaagsan oo macquul ah ayaanu isu afgaranay, wixii aannu u sheegnay way ku qanceen, annaguna wixii ay noo sheegeen waanu ku qanacnay, si wanaagsan baanuna isku afgaranay arrintaasi,” ayuu yidhi Wasiir Faratoon.