“Madaxweynahayga iyo madaxda Soomaalida waxaan leeyahay, Culimada, Ganacsatada iyo Bulshadana waxaan leeyahay,,,,,,” Dr. Gabboose.


Hargeysa(ANN)- Dhakhtarka caanka ah ee Dr Maxamed Cabdi Gabboose, ayaa mar kale ka hadlay xaaladda xilligan ee Coronavirus iyo tallaabooyinka looga baahanyahay inay qaadaan Xukuumadda Somaliland, guddida ka hor-tagga caabuqa COVID-19, Ganacsatada iyo Bulshada Somaliland.

Dr. Gabboose, wuxuu fariimo u diray Madaxweynaha Somaliland , madaxda kale ee Soomaalida, Bulshada, ganacsatada iyo Culimada Somaliland.


“Cudurka Coronavirus ee COVID-19, haddii uu shalay joogay China iyo Koonfurta Aasiya Faaris (Iran), hadduu shalay joogay Yurub maantana Maraykan sii marayo, waxay Hay’adda Caafimaadka Aduunka ee (WHO) iyo khuburada oo dhan saadaaliyeen in aannay jirin qaarad iyo dal uu dhaafayo oo ka badbaadayo cudurkan Aallah haynaga badbaadiyee.” ayuu yidhi, Dr. Maxamed Cabdi Gabboose oo maanta waraabinta kula hadlay magaalada Hargeysa.


“Coronavirus, waa dab kaymo gubanaya oo kaynba kayn u gudbinayso, kaynta la saadaaliyay todobaadyada soo socda inay dhibaatadiisu aad u badan karto waa qaarada Madaw (Afrika), waa qaarada aan u haysan qalab, tallo u haysan, dhaqaale u haysan, dadka noloshooduna ay liidato, ayuu yidhi, Dr. Gabboose oo ka dar-daar werinaya dhibaatada kusoo waajahan Afrikada madaw ee ay Somaliland kow ka tahay kuwa ugu nugul.


Sidoo kale, wuxuu xusay in aannu Cuduka COVID-19, lahayn dawo, talaal iyo nukliyeer layskaga difaaco, isla markaana aan lagu joojin karin Tiknoolajiga horumarka laga sameeyay iyo dayaxa la gaadhay, Dr. Gabboose, wuxuu xusay in habeen iyo maalin kumanaan Khuburo ah ay ku mashquulsan yihiin Sheybaadhada si ay u raadiyaan dawooyin ama talaal sidii loogu heli lahaa COVID-19.


Dr. Maxamed Cabdi Gabboose, wuxuu isagoo wejigiisa laga dareemayo sida uu ugu murugaysan yahay xaaladda cabsida leh ee kusoo waajahan Somaliland iyo guud ahaan Bulshada Soomaalida, sida uu uga dheregsan yahay dhibaatida xannuunka iyo duruufaha yaala geyiga Soomaalida ee dhaqaalaha, nolosha iyo caafimaadka yidhi, “Walaalayaal hadaynu nahay Umadda Somaliland iyo Soomaali oo dhan, waxaynu aragnaa dawladihii dhaqaalaha iyo awoodda sheeganayay ee itaalka aduunka ku faanayay, waxay gaadheen intay ka quustaan dhulkii innay gamcaha kor u taagaan oo Illaahay xusuustaan, bal qiyaasa culayska meesha yaal iyo dabkii oo soo socda. saacadan aynu joogno ayay dadku ka imanayaan Maraykan iyo Yurub, haddii uu qof keliya ahaa wuxuu galay tirada xawaaraha uu ku gudbayo COVID-19.”

Mar uu ka hadlayay ilaa hada in xannaanka loo hayo tallaal, isagoo fariin muhiim ah u diray Madaxweynaha Somaliland iyo dhammaan Madaxda Soomalaida, isla markaana ka digaya xaalada kusoo waajahan, wuxuu yidhi, “waxaan idiin xaqiijinayaa in aan la hayn talaal dhow, waxa la filayaa sannad iyo ka baddan inay qaadato in tallaal loogu helo caabuqa Coronavirus.


Madaxweynahayga Somaliland Muuse Biixi iyo Madaxda Soomaalida oo dhan waxaan u sheegayaa Nebi Yuusuf (CS), isagoo kasoo baxay xabsi oo aan weli loo aqonsan Nebi, ayuu ka faa’idaystay Nin aan muslin ahayn oo yidhi, “Riyo ii fasir”, wuxuu galay toddoba sannadood oo isu diyaarin masiibo soo socota ayuu galay, inaguna indheheena ayaynu ku aragnaa maydadkii oo meel lagu aaso la waayay.” ayuu yidhi, Dr. Maxamed Cabdi Gabboose oo laga dareemayo shucuurtiisa sida uu xog-ogaalnimadiisa uga murugaysan yahay dhibaatada kusoo waajahan Somaliland iyo guud ahaan Bulshada Soomaalida iyo sida aannay madaxda Soomaalidu u qiimaynayn xaaladda ee ugu go’aan qaadanayan waxa ka dhacaya dunida.


“Bulshada Somaliland, waxaan usoo jeedinayaa in wax walba oo dhibaato ah aynu kaga badbaadi jiray dhulka Miyiga ah, markaa waxaan tallo ahaan usoo jeedinayaa Bulshada in magaalooyinka waaweyn ee dadku ku badanyahay laga baxo oo Miyiga loo baxo, weliba dadka waayeelka ah ee jilicsan ee u nugul xannuunka ay meelaha Miyiga u baxaan, sidaana dadka lagu wacyi-geliyo.” ayuu yidhi Dr. Gabboose.

AKHRI: Dalalka Uu Sida Xun U Saameeyay Caabuqa Coronavirus, Xaaladaha Iyo Duruufaha Kala Duwan Ee Faafitaanka Cudurka
Sidoo kale, wuxuu Culimada iyo Ganacsatada Somaliland usoo jeediyay inay fadhiga ka kacaan oo aannay wax walba ku eeggin xukuumadda, isla markaana garaacaan qof walba oo wax haysta Albaabkiisa, isla markaana la diyaariyo dhaqaale lagu garab istaago xukuumadda.

Dr. Maxamed Cabdi Gabboose, ayaa horre usoo jeediyay Xukuumadda inay Somaliland xidhato Albaabadeeda, isagoo ka digayay khatarta xannuunka COVID-19, wuxuuna Mar 19th, 2020, tallooyinka uu xukuumadda u diray ku yidhi, “Fayriska muddo kooban ayuu jirayaa oo waa sida durayga, laakiin mudadaa ayuu xaalad xun iyo raad kaga tegayaa dalkaa, Xukuumadda waxan ku boorinayaa tallaabooyinka ay qaadeen, hana ogaadeen in cashuur yar oo laga qaaday Diyaarad, Markab ama gaadhi jaad sida, ama ganacsade kale aanay kabaabi karin dhaawaca dhaqaale ee soo socda, waxan markaa leeyahay Xukuumaddu ha qaado tallaabooyinka adag markaa Somaliland waa innay xidhato daaqadaha iyo Albaabada mudada uu Fayriska COVID-19.’ ayuu yidhi.Dr. Gabboose oo tilmaamaya sida ay Somaliland khatartaa uga badbaadi karto.

AKHRI: Dal Koonteenaro Ku Kaydinaya Maydadka Markii Shaaracyada Lagu Daadiyay Maydadka
Balse xukuumadda ayaa iska dhega-tirtay tallooyonkaa Dr. Gabboose iyo talooyin kuwaa la mid ah oo ay Guddi Culmo ah todobaadkan u gudbiyeen Xukuumadda Somaliland, iyadoo aannay ilaa hada wax tallaabo ah qaadin masuuliyiinta Somaliland.

AKHRI: Dr. Gabboose Oo Ka Hadlay Tallaabooyinka Looga Baahanyahay Xukuumadda Somaliland, Saamaynta Coronavirus Ku Yeeshay Dunida Iyo Baahida Adeegyada Caafimaadka