Araweelo News Network

Donald Trump  andHillaryNew York (ANN)Musharixiinta doorashooyinka madaxnimo ee dalka Mareykanka ayaa qabanaya isku soo baxyadoodii ugu dambeeyay saacado ka hor inta la furin goobaha cod bixinta oo durba bilaabmay gobolada qaarkood.

Labada Musharax ee u kala matalaya Xisbiyada dimuqraadiga iyo Jamhuuriga ee dalka Mareykanka ee kala ah Donlad Trump iyo Hillary Clinton, ayaa qabanaya isku soo baxyadoodii ugu dambeeyay ee ol-olaha doorashooyinka, saacado ka hor inta aanay si rasmi ah codeynta u billaban.

Hillary Cilonton oo taageerayaasheeda kula hadleysay Gobolka Mashigan ayaa tidhi : “Dadka codadkooda dhiibanaya waxay wajahayaan laba qodob oo kala ah Midnimo iyo tafaraaruq, iyadoo Trump oo isna taageerayaashiisa kula hadlayay Gobolka Penselvenia uu ballan qaaday inuu soo afjarayo waxa uu ku tilmaamay musuq-maasuqa ka dhex jira hey’adaha Xukuumadda, isla markaana dib usoo celinayo sharaftii dalka Maraykanka.

Afti qaadistii ugu dambeysay ee la sameeyay waxay muujineysaa in haweeneyda u tar tameysa Xisbiga dimuqraadiga ee Hillary Clinton in Afar dhibcood ay ka horreyso Ninka la tartamaya ee Donald Trump.

In kabadan 44.9 Milyan oo ka tirsan dadweynaha Mareykanka ee ku nool gudaha dalka iyo dibaddiisa ayaa goor sii horreysay Codadkoda dhiibtay, kuwaas oo todobaadyo ka hor iska diiwaan geliyay goobaha doorashooyinka, halka qaarkoodna Codadkooda ay E-mailo ku direen.

Saacadaha ugu dambeeya ee ol-olaha doorashooyinka waxay labada Murashax isku dayayaan inay taageerashooda kula hadlaan gobollada ugu waaweyn ee dalka Mareykanka, kuwaas oo la filayo inay noqdaan kuwa lagu kala bixi doono.

Isagoo taageerayaashiisa kula hadlay Gobolka Florida ayaa Donlad Trump wuxuu yidhi : ” Anigu ma ihi nin hore siyaasadda usoo maray”, wuxuuna haweeneyda la tar tameysa ku tilmaamay inay ka tahay qof musuq -maasuq badan, taas oo uu ula jeedo farriimihii ay Clinton ka dirtay E-mailkeeda gaarka ah xilligii ay heysay hoggaanka Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka, waxaana farriimaha la diray ku jira kuwo huwan macluumaadyo xasaasi ah xanbaarsanaa.

Ol-olaha doorashada ee Hillary Cilinton, ayaa maalintii shalay helay taageero weyn kadib markii maalintii Axadda uu madaxa Xafiiska dembi baadhista gudaha ee FBI-da uu shaaca ka qaaday in Clinton aanay wax dembi ah ku laheyn Warqadihii laga helay E-mailkeeda gaarka ah.

Marka loo eego Muslimiinta dalka Mareykanka waxay badankood sheegeen inay codkooda siin doonaan Hillary Clinton, iyagoo taas ku sababeeyay hadallada cunusiyadda iyo xanafta leh ee ka dhanka ah Muslimiinta iyo soo galootiga ee uu ku hadli jiray Donlad Trump tan iyo markii uu billaabay ol-olihiisa doorashooyinka, kuwaas oo ay ugu danbeeyeen weedhihii uu bulshada Soomaalida ku weerraray.

Siyaasiyiinta Xisbiga Jamhuuriga waxay ku caan baxeen inay runta ka sheegaan cadaawadda iyo naceybka ay u qabaan Muslimiinta, halka Xisbiga dimuqraadiga uu adeegsanayo siyaasadda niqaafa iyo laba wejiileynta, iyadoo la xusuusan yahay in xilligii uu talada hayay Geroge Bush oo ka tirsanaa Xisbiga Jamhuuriga uu billowday duullaanka Saliibiga ah ee ka dhanka ah Muslimiinta, isagoo si toos ah u caddeeyay waqtigaa in dagaalka ay ku dhawaaqeen uu yahay mid Saliibi ah.

Doorashada madaxtinimo ee maanta ka dhici doonta dalka Mareykanka, ayaa noqon doonta mid ka mid ah doorashooyinkii ugu adkaa ee soo mara dalkaasi mudadii uu jiray in ka badan 200 sannadood, iyadoo dadweynaha Mareykanku ay soo dooran doonaan Madaxweynaha 45aad ee dalkaasi, kaas oo badali doona Hogaamiyaha xilligiisu dhamaaday ee Barack Obama.