Araweelo News Network

 

Dhuusamareeb(ANN)-Madaxwerynaha Dawladda Federaalka ee Soomaaliya iyo qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya oo kulanka shirka lagaga arrinsanayay qaabka ugu macquulsan ee Soomaaliya doorasho uga dhici karto, ayaa soo saaray qodobo ay isla waafaqeen,

 

Shirka oo dhawr maalmood ka socday magaalada Dhusamareeb ee xarunta Galmudug, ayaa lasoo gabagabeeyay, iyadoo aannay kasoo xaadirin labada maamul goboleed ee ugu tunka weyn ee Jubbaland iyo Puntland, kuwaas oo ka maqnaa shirka saddexaad ee Dhuusamareeb.

 

Qoddobada lagaga dooday mudadii uu socday shirku, waxa kasoo shaqeeyay guddi farsamo oo ka kala socday maamul goboleedyada, gobolka Banaadir iyo dowladda federaalka, waxayna guddidaas maalmihii lasoo dhaafay ku shirsanaayeen magaalada Muqdisho, walow markii dambe ay tageen Dhusamareeb.

Madaxdii tagtay Dhusamareeb waxay shegeen in markii ay si qotodheer ay uga wadatashadeen qaababka doorasho ee ay soo jeediyeen guddidaas ay isla qaateen deegaan doorasho, waxaana qoddobadii shirka kasoo baxay kamid ahaa:

 

  1. In qaabka doorashada 2020/21 noqoto mid deegan doorasho ah.
  2. In guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka qaranka oo kaashanaya maamulada dowlad goboleedyada fududeeyan dhisida guddi xulis oo loo dhan yahay oo ka kala imanaya odayaasha iyo bulshada rayidka ah ee ka soo jeeda beesha wadaagta kursiga.
  3. In ergada kursi kasta noqoto 301 oo ka imaneysa beesha kursiga wadaagta.
  4. In dowlad goboleed kasta laga asteeyo ugu yaraan afar (4) deegaan doorasha oo ay ka dhacdo doorashadu
  5. In codbixiyeyaasha 3-dii ilaa 5tii kursi ee hal goob doorasho wada yaalla la isku dhafo kadibna si wadajir ah ugu codeeyaan dhammaan musharaxiinta xisbiyada ee ku tartamaya kuraastaas.
  6. In doorashadu kawada dhacdo dalka oo dhan hal maalin oo isku mid ah.
  7. Guddiga madaxabanaan ee doorashooyinka qaranka waxay kuraasta lagu asteeyey deegaan doorashooyin aan amni ahayn u wareejin karaan deegaan doorasho kale oo amni ah.
  8. In kuraasta Soomaaliland lagu doorto qaab doorasho dadban.
  9. In qorsheynta iyo fulinta doorashada looga danbeeyo guddiga madaxabanaan ee doorashooyinka qaranka iyagoo kaashanaya maamulka dowlad goboleedyada iyo bulshada rayidka ah.
  10. In doorashada lagu galo hannaanka xisbiyada badan.
  11. In Baarlamaanka dowlad goboleedyadu doortaan xubnaha Aqalka Sare.
  12. In heshiiskan loo gudbiyo golaha Shacabka si uu sharci u noqdo.
  13. Si doorashada wakhtigeeda ugu dhacdo waxaa la go’aamiyey in guddiga madaxbanaan ee doorashooyinka uu dardargaliyo hirgelinta doorashada.
  14. Madaxda shirka waxa ka go’an in ay sii wadaan dadaalka xal u helida tabashooyinka ku aadan arrimaha doorashooyinka 2020/21 ee ay qabaan labada dowlad goboleed ee shirka ka maqan.
  15. In la ilaaliyo 30%-ka saamiga Haweenka