diyaaradmuuqaalCeergaabo(ANN)Diyaarad aan la aqoonsan oo joog hoose ku duulaysay, ayaa cabsi gelisay dadka ku nool deegaamada dhinaca Koonfur galbeed kaga beegan magaalada Ceergaabo ee xarunta gobolka Sanaag.

Diyaarada oo caweyskii caawa dul haadaysay deegamada God-caanood, Dhadhin-Yaxye iyo deegaamada jihooyinka Koonfur iyo Woqooyi kaga beegan, ayaa sababtay inay dadka ku nool tuulooyinkaa markii ay arkeen dibadda isugu soo baxaan, iyagoo ka cabsi qabay inay waxyeelo gaadhsiiso.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo meelo kala duwan kala soo xidhiidhay khadka isgaadhsiinta shebekadda Araweelo News Networ, ayaa sheegay inay shaki iyo cabsi ku abuurtay diyaarada oo joog hoose ku duulaysay, isla markaana muuqaal ay ku sifeeyeen qiiq kasii deynaysay xagga hore, iyadoo ku jihaysnayd dhinaca badda oo deeganadaa kaga beegan jihada Woqooyi, isla markaana dhinaca Koonfur kaga timi markii la arkay diyaarada.

Dadka deegaanku ma sheegin wax dhibaato ah oo ilaa hadda inta ay ka warhayaan ka dhashay diyaarada, balse waxa ay sheegeen dadka lasoo xidhiidhay shebekadda Araweelo News Network in sababta keentay inay dadku ka sasaan diyaarada ay ahayd muuqaalka ay ku arkeen ee ay ku sifeeyeen qiiqa oo si aan caadi ahayn uga socday diyaarada xageeda hore ee ku beegan jihada ay u socotay iyo duulimaadka ay ku socotay, taas oo sababtay in dadka ku nool Tuulooyinkaas kasoo baxaan guryaha, isla markaana isgaadhsiinta isugu wada gudbiyaan deegaamada ay martay iyo kuwa kale ee u dhow sida dhulka miyiga ah ee ku xeeran deegaankaa.

Masuuliyiinta gobolka Sanaag ayaanay oo aanu la xidhiidhnay si aanu arrintaa wax uga weydiino ayaanay noo suurta gelin.

Dalka Yemen oo xad dhow dhinaca Badda ay ka wadaagaan gobolka Sanaag, gaar ahaan magaalada Cadan ee dhinaca Koonfurta Yemen waxa ka socda dagaalo, waxayna diyaaradaha dagaalka ee xulufadu ka wadaan koonfurta iyo badhtamaha dalkaYemen duqaymo dhinaca Cirka ah, kuwaas oo maalmihii u danbeeyay waxyeelo kasoo gaadhay dad shacab ah oo ku dhaqan deegaamada xeebta Badda cas ee u dhow marinka Caalamiga ah ee Baabal-mandab, waxaana duqaymaha qaarkood lala beegsaday xaflado aroos oo ay ku nafwaayeen boqolaal qof oo shacab ah.

Sidaa darteed lama ogga inay Diyaarada cabsida ku abuurtay dadka deegaankaa tahay mid qayb ka ah diyaaradaha xulufada Sucuudiga ee weerarka dhinaca Cirka ah ka fulinaya Yemen iyo inay ahayd mid ciladaysan, ama hawlgalo kale oo qorsoon ka fulinaysay halkaa.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380