#Araweelo_News_Network.

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Washington (ANN)-Diyaaraddaha aan duuliyaha lahayn ee Xuutiyiinta iyo Maraakiibta Is wadda Oo Bartilmaameedsanaya  Maraakiibta Dagaalka ee Maraykanka iyo xullufadda

Waa weeraradii ugu dambeeyay ee ka dhaca Badda Cas oo ay fuliyaan mintidiinta ay taageerto Iran.

Sidoo kale, Xuutiyiinta Yemen ayaa sii wada weerarada ay ku hayaan maraakiibta ganacsiga ee ku sugan Badda Cas maalintii Khamiista, iyaga oo riday laba gantaal oo kuwa lidka maraakiibta ah oo ku dhuftay markabka xamuulka oo sababay dhaawac fudud iyo burbur soo gaadhay markabka, sida uu sheegay taliska dhexe ee Maraykanka.

Laxidhiidha: Pentagon; Maraykanka Oo Cabsi Weyn Soo Waajahday Markii Xuutiyiinta Yemen Maraakiibtiisa Dagaalka Ku Waarareen Maraakiibta Quusta iyo Kuwo Aan Ciddi Wadin

Gantaalaha ayaa saameeyay M/V Islander markab xamuul ah oo uu ka babanaaya calanka Palau, UK. Inkastoo ay jiraan dhaawacyo fudud iyo burbur soo gaadhay markabka, haddana CENTCOM waxay sheegtay inuu sii watay safarkiisa.

Horaantii Khamiista, diyaaraddaha millateriga Maraykanka iyo maraakiibta dagaalka ayaa soo riday lix diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn ee Xuuthiyiinta kuwaas oo khatar ku soo fool leh, sababtoo ah waxay “u badan tahay inay bartilmaameedsanayaan” ciidamada badda Mareykanka iyo maraakiibta dagaalka ee isbaheysiga ee ku sugan Badda Cas, ayaa lagu yiri bayaanka

Xuutiyiinta Iran ay taageerto ayaa u adeegsada gantaalada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran ay sameeysay weerarada ay sheegeen inay ku taageerayaan Xamaas dagaalka ay kula jiraan Israel.

Saddex jeer oo hore, Maraykanka iyo xullufaddiisa, oo ay ku jirto Boqortooyada Ingiriiska, ayaa qaaday weeraro waaweyn oo lagu garaacay tobanaan xarumood oo gantaallo ah iyo kuwa aan duuliyaha lahayn, balse ma jiraan caddaymo muujinaya in waxyeelo loo geystay.

 

 

U.S. Saraakiishu waxay ku adkaysanayaan in weerarrada, oo ay weheliyaan “is-difaac” isdaba joog ah oo ka hortag ah oo lagu weeraray gantaalaha iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, ay hoos u dhigeen awoodda Xuutiyiinta ee fulinta weerarada, laakiin waxa muuqata inay sii kordhiyeen weararada, iyagoo addeegsanaya Maraakiibta quusta iyo kuwa aan cidna wadin sida uu sheegay todobaadkii hore sarkaal hore uga tirana paragon iyo CIA. kaas oo waraysi siiyay ABC News, oo Araweelo News Network soo xiggatay.

Ma cadda boqolkiiba inta hubka ay siisay Iran tobankii sano ee la soo dhaafay lagu burburiyay duqaymaha cirka ee Maraykanka iyo isbaheysiga tan iyo markii Xuutiyiintu bilaabeen weerarka , mana miuqadaan astaamo niyad jab ah oo dhanka Xuutiyiinta ay sababeen weerarada ay ku qaadeen maraakiibta ganacsiga.

Dhacdooyinkii Khamiista ayaa soo kordhinaya weerarrada Xuuthiyiinta usbuucan kaddib markii ay muddo kooban hakad ku jireen weerarrada maraakiibta ganacsiga ee Badda cas, wallow aannay marnaba ka caajisin.

Axaddii, Feb, 18, 2024 (HOL) — Shaqaalihii markabka MV Rubymar ayaa ka tagay markabka kaddib markii markabka ganacsi lagu dhuftay laba gantaal oo nooca ballistigga ah oo laga soo riday dhulka Xuutiyiinta Yemen ay maamulaan

Lma hubo in markab calanka Belize, ee UK leedahay uu awoodi doono inuu sii sabbeeyo weerarka ka dib. Shaqaalihii markabka ayaa waxaa u daabulay deked kale oo ganacsi

Sidoo kale Salaasadii, Pentagon-ka ayaa xaqiijisay in diyaarad Drone ah oo Maraykan ah oo MQ-9 Reaper ah ay Xuuthiyiintu soo rideen xilli ay ku duulaysay meel u dhow magaalo xeebeeda dekeddada ee Hodeida.

Taliska CENTCOM ayaa xusay in weerar kale oo Xuuthiyiinta todobaadkan ay ku qaadeen M/V Sea Champion, oo ah markab shixnad gargaar bini’aadantinimo u siday magaalada Cadan ee dalka Yemen, kaas oo 11 jeer oo hore shantii sano ee la soo dhaafay shixnado gargaar geeyay Dekedda Cadan ee Koonfurta Yemen.

“Xuuthiyiinta gardarada ah ee gobolka ayaa sii xumeeyay baahida heerka sare ee markii horeba ka jirtay Yemen ee ay colaaduhu saameeyeen, taasoo weli ah mid ka mid ah dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee ugu weyn adduunka, iyadoo ku dhawaad ​​80 boqolkiiba dadka oo dhan ay u baahan yihiin gargaar bini’aadantinimo,” ayaa lagu yidhi bayaanka CENTCOM. “Waxaa naga go’an inaan ka hortagno dhaq-dhaqaaqyada xun xun ee Xuutiyiinta, kuwaas oo si toos ah khatar u gelinaya soo dejinta cuntada iyo gargaarka bini’aadantinimo ee Yemen, ayaa lasii raaciyay bayaanka.

 

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com