“Maraakiibta quusta iyo Markab aan cidi wadin oo Biyaha hoostooda ah, ama UUV, waxay muujinaysaa horumarinta awoodda Xuutiyiinta iyo istaraatiijiyada isbedelaysa”Mick Mulroy, oo ah sarkaal hore uga tursanaa Pentagon iyo weliba wakiilka CIA.

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

#Araweelo_News_Network

#Washington (ANN)- Maraakiibta Xuutiyiinta ee aan cidi wadin ayaa khatar cusub ku haya maraakiibta dagaalka ee Maraykanka ee ku sugan Badda Cas.

Arrintan ayaa noqotay mid cabsi weyn ku keentay Maraakiibta Dagaalka ee ku sugan Duleedka Biyaha Yemen ee Badda Cas

Xuutiyiinta oo taageero weyn ku tirsan Iran ayaa markii ugu horaysay weerar ku qaaday mid ka mid ah Maraakiibta Dagaalka ee Maraykanla Axadii, iyadoo khatar la geliyay, halka Markab ay leedahay Britan la Quusiyay.

 

Guddaha Markabka USS Eisenhower, ayaan laga sheegin khasaare, balse sida ay u beegsanayso Xuutiyiintu iyo Maraakiibta casriga ah ee ay u adeegsanayaan ayaa cabsi weyn keenay, waxaya arrintan Maraykanka ku noqotay layaab.

 

Millateriga Maraykanka ayaa sheegay in duqaymo ay fuliyeen guddaha Yemen, iyadoo
Maraykanku ugu yeedhay weeraro is-difaac ah oo uu ku qaaday shan goobood oo ku yaala dhulka ay Xuutiyiinta Yemen maamulaan ka ddib markii Xuutiyiintu ay adeegsadeen Markabka Biyaha hoostooda mara iyo Maraakiib kale oo layaab ku noqday Maraykanka, kuwaas oo aan cidna wadin.

Maraakiibta quusta iyo kuwa aanay cidina wadin waa markii ugu horaysay ee lagu arkay Xuutiyiinta  tan iyo markii ay bilowdeen weerarada Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, sidaa waxa yidhi, Pentagon.

Maraakiibta quusta iyo Markab aan cidi wadin oo Biyaha hoostooda ah, ama UUV, waxay muujinaysaa horumarinta awoodda Xuutiyiinta iyo istaraatiijiyada isbedelaysa, sidaa waxa ABC News  oo ah falanqeeye amniga qaranka iyo difaaca Maraykanka. Mick Mulroy, oo ah sarkaal hore uga tursanaa  Pentagon iyo weliba wakiilka CIA, isagoo u waramayay ABC.

Xuuthiyiinta, oo Maraykanku u aqoonsan yahay koox argagixiso caalami ah oo taageero ka helaysa Iran, ayaa ka hawlgala qaybo ka mid ah Yemen oo ay gacanta ku hayaan kaddib markii ay xabbad-joojin ka sameeyeen dagaalka sokeeye ee Yemen. Ciidamada Quds Force ee caalamiga ah ee ilaalada kacaanka (IRGC) oo ah cudud ka mid ah ciidamada Millateriga ee taliska Iran oo isku xidha hawlgalada ka baxsan xudduudaha Iran, waxay Xuutiyiinta iyo kooxaha kale ee hubaysanba ka taageeraan hub iyo dhaqaale, ayuu yidhi Maraykanku.

“Xuuthiyiinta iyo IRGC waxay hagaajinayaan istaraatiijiyaddooda, sida muuqata sababtoo ah kuma aanay guulaysan innay weerarada ku waxyeeleeyaan  Markab ciidamada Badda ee Maraykanka,” ayuu yidhi Mulroy.

Xuuthiyiinta ayaa bartimaameedsaday m

Maraakiibta Maraykanka oo aan wax faa’iido ah ka helin, halka Maraykanka uu sii kordhinayay weerarada isdifaaca ah tan iyo markii koox gooni ah oo maleeshiyaad ah, oo sidoo kale ay taageerto Iran, ay weerar ku qaadeen saldhigga Maraykanka ee Jordan, ayna dileen saddex ka mid ah shaqaalaha.

 

“Haddii mid ama in ka baddan oo hubkan ah uu dhex maro oo uu dilo badmaaxiinta Maraykanka, Iran waa inay filaysaa in si toos ah masuuliyadda iyada loo haysto,” ayuu yidhi Mulroy.

“Nidaamka hubka ee aan cidi wadin waa khatar ba’an, ayuu yidhi Mulroy, maadaama sida uu sheegay ay “ka badin karaan difaaca Markabka” iyagoo ka weeraraya dhinacyo baddan, oo loo yaqaan “weerar raxan.”

Ilaalada xeebaha ee Maraykanka  ayaa sheegay in ay qabteen kayd hub ah oo saarnaa markab ka yimid Iran kuna sii jeeday Yemen oo ay Xuutiyiintu maamulaan 15 Jqn 2024. Balse Maraykanku masoo bandhigin wax cadaymo ah oo la xidhiidha sheegashada.

“Iyada oo qayb ka ah weerarrada is-daba-joogga ah ee Maraykanku ku hayo duullaanka Xuutiyiinta, sarkaal Maraykan ah ayaa ABC News u sheegay in Maraykanku uu qaaday weerar dhinaca internet-ka ah oo ka dhan ah markab basaas ah oo Iran laga leeyahay, oo lagu magacaabo MV Behshad, kaas oo ku socdaalay Badda Cas, kana gudbinayay xogo bartilmaameed ah Xuutiyiinta.

Weerarka dhanka internet-ka ayaa qayb ka ahaa balan qaadkii Maraykanka ee ahaa jawaab celin dhinacyo baddan leh maalmo kafdib weerarkii 28 Jan 2024, ee maleeshiyaatka Jordan.

Xuutiyiinta ayaa Isniintii sheegay innay qaadeen shan weerar 24- saac ee la soo dhaafay. Labo Markab oo Maraykan ah oo lagu beegsaday gacanka Cadmeed iyo mid kale oo la beegsaday oo la quusiyay, kaas oo ahaa Markab British ah, waxayna  Xuuthiyiintu sidaa ku sheegeen bayaan ay soo saareen

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com