Shirkaddaha Reer Glalbeedka Oo Magan u noqday Ruushka markii Xuutiyiintu Bilaabeen Ugaadhsiga Maraakiibta Badda Cas. Badeecaddaha Uu Gudbinayo Ruushku ee Yurub ayaa kor ugu kacay in ka baddan 50%

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

#Araweelo_News_Network.

Washington(ANN)-Ruushka ayaa lagu soo waramayaa inuu ka macaashay weerarrada Xuutiyiinta ee Badda Cas,  iyadoo dagaalka Moscow ee Ukraine iyo dagaalka Israa’iil ee Xamaas ay labaduba sii socdaan, kuwaas oo dhaqaale ahaan, Millateri ahaan iyo siyaasad ahaan u wiiqay Maraykanka iyo xullufadda galbeedka, balse sidoo kale fursado kor u kac dhaqaale iyo ganacsi siiyay Moscow.

Majaladda caanka ah ee Newsweek oo soo xiganaysa Financial Times oo ka hadla dhaqaalaha aduunka iyo ganacsiga iyo weliba ila wareedyo kale oo shebakaddaha Araweelo_News_Network, soo xigganay ayaa muujisay fursada Ruushka ee baddeecadihiisu ka heleen Badda Cas iyo marrinka ay Xuutiyiintu ka ugaadhsadaan Maraakiibta Maraykanka Israel iyo Britain, kuwaas oo looga caagay Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas dhawrkii bilood ee u danbeeyay.

Laxidhiidha: Pentagon; Maraykanka Oo Cabsi Weyn Soo Waajahday Markii Xuutiyiinta Yemen Maraakiibtiisa Dagaalka Ku Waarareen Maraakiibta Quusta iyo Kuwo Aan Ciddi Wadin

Xuutiyiinta, oo ah koox mintidiin ah oo ay taageerto Iran, fadhigoodu yahay Yemen, ayaa weeraray marinka mashquulka badan ee Badda Cas, kaas oo ay maraan maraakiibta isaga gudba Baddaha, isla markaana isku xidha Badda Mediterranean iyo Badweyna India, waxayna Xuutiyiintu marrinka Badda Cas iyo gacanka cadmeed ee marrinka Bab el mandeb xidhiidhiyo la wareegeen wax yar kaddib tan iyo markii Israa’iil ay weerarkeeda joogtada ah ku qaaday Qaza, iyadoo ka jawaabaysa weerarkii loo bixiyay duufaankii “Al Aqza” ee lama filaanka ahaa  7- October 2023,  kaas oo Xamaas ku qaaday guddaha israel.

Laxidhiidha: Shirkaddaha Maraakiibta Maraykanka Ee Ka Caagay Badda Cas Oo Fursad Siiyay Shiinaha Iyo Khatarta Dagaalka Qaza Ee Ku Fidaya Bariga Dhexe

Laakiin Israel ayaa ka bixisay weerarka jawaab duulaan oo horseeday dagaal iyo xasuuq ay weheliso go’doomin iyo burburin ay gebi ahaanba la beegsatay Qaza iyo dhulka kale ee shacabka Falastiin, waxayna dhegaha ka furaysatay baaqyada iyo qaraarada ka imanaya qaramada midoobay iyo duwalka kale ee caalamka, marka laga reebo Marayanka iyo Britain garab istaagay xasuuqa, burburinta iyo go’doominta Israel ku qaaday shacabka Falastiin ee Qaza, iyadoo aannay tan iyo xilligan oo laga joogo ku dhowaad Lix bilood wax guula ka gaadhin Israel dagaalka .

Dhanka kale, Ruushka ayaa si aad ah loo cunaqabateeyey tan iyo markii uu qaaday duulaankii uu isagu ugu yeedhay hawlgalka ee Ukraine 24 Feb, 2022. laakiin ma jiraan astaamo, ama calaamado muujinaya innay waxyeelo kasoo gaadhay cunaqabataynta ay marar baddan kusoo roggeen Maraykanka iyo xullufadda Midawga Yurub, xilligan Badeecado badan oo sida caadiga ah dhulka ku mara Ruushka oo ka yimi Aasiya una socday Yurub ayaa loo wareejiyay marinka Badda Cas, halkaas oo fursad fiican uu ka helay.

Laxidhiidha: Iran Oo Bandhig Caalami Ah Kusoo Bandhigtay Diyaaradda Aan Duuliyaha Lahayn Oo Loogu Magacdaray Qaza Iyo Hubka Casriga Ah

Isbedbeddelka, ayaa lala xidhiidhiyay in fursada ugu weyn ee Moscow ka heshay dagaalka Xuutiyiinta ay tahay sida ay sheegtay Newsweek,  in cunaqabataynta Midowga Yurub (EU) ay ka hortagayso gaadiidka badeecaddaha u sii mara Ruushka ee wadada, ma jiraan xayiraaddaha haysta Yurub iyo Maraykan, kuwaas oo aab khusayn safarka tareenka, ilaa iyo inta xamuulku kasoo baxayo Ruushka.

Shirkadda maraakiibta Jarmalka ee DHL ayaa lagu soo waramayaa inay sheegtay in codsiyada shixnaddaha ee isticmaalaya shirkadda dawladda ee Moscow ee Railways (RZD) ay sare u kacday 40 boqolkiiba tan iyo markii Xuutiyiintu ay ku qasbeen waddada dheer inay noqoto mid caadi ahayn bishii December.

“Codsiyadu waxay soo qaadeen ilaa bilowgii xaaladda Badda Cas ilaa 40 boqolkiiba,” DHL ayaa u sheegtay The Financial Times. “Qaddarka xad-dhaafka ah ayaa sii maraya Ruushka.
Si la mid ah, shirkadadha gaarka ah ee maraakiibta ee RailGate Europe iyo Rail Bridge Cargo labaduba waxay sheegeen in dalabaadka shixnaddaha ganacsiga si ay u maraan waddada tareenada Ruushka ay kordheen in ka baddan 30 boqolkiiba kadib weerarrada Xuutiyiinta
inkastoo shirkaddaha sida RailGate Europe ay ka fogaadeen inay si toos ah ula macaamilaan RZD, shirkadda ay maamusho dawladda Ruushka ayaa ugu dambeyntii mas’uul ka ah nidaamka tareenada iyo faa’iidooyinka dhaqaale ee shixnaddaha aduunka.

Laxidhiidha: Xuutiyiinta Yemen Oo Ruxay Amniga Iyo Xasiloonida Dhaqaalaha Dunida Ee Ku Mergaday Dagaalka Qaza

Labada EU iyo Maraykanku waxay ku soo rogeen cunaqabatayn RZD kadib duulaankii Ukraine. si kastaba ha ahaatee, daldaloolo ayaa jira oo u oggolaanaya in jidka tareenka si sharci ah loogu isticmaalo xamuulka ganacsiga ilaa inta shixnaddaha uu sidaa ay  kasoo baxayaan ama aannay joogsan Ruushka.

Newsweek waxay sheegtay innay la xidhiidhay si ay wax uga weydiiso faallooyinka RZD, EU iyo Waaxda Maaliyadda ee Maraykanka, oo ay kula xidhiidhay email ahaan Isniintii, balse ma xusin innay wax faallo ah ka bixiyeen.

Tusaalooyinka cajiibka ah, ayaa ah wadarta xadiga shixnaddaha lagu soo raro Ruushka tan iyo markii ay bilowdeen weerarada Xuutiyiinta, ay muujinayaan in ay kordheen si weyn, laakiin ma cadda, faa’iido kasta oo ka dhalata in RZD ay heshay waxay u badan tahay in loo isticmaali doono, ugu yaraan qayb ahaan, si loo sii wado maalgelinta dagaalka Ruushka ee Ukraine, sida ay dooday Newsweek.

Laxidhiidha:  Shirkaddaha Maraakiibta Maraykanka Ee Ka Caagay Badda Cas Oo Fursad Siiyay Shiinaha Iyo Khatarta Dagaalka Qaza Ee Ku Fidaya Bariga Dhexe

Xuutiyiinta ayaa wacad ku maray inay sii wadi doonaan weerarada ay ku hayaan marinka Badda Cas ee ay ku ugaadhsanayaan maraakiibta shixnaddaha dunida u kala gudbaya sida, ilaa inta ay Israel sii wado weerarada ay ku hayso Qaza, kuwaas oo si isa soo taraya ula kulmay dhaleecayn iyo cambaarayn caalami ah kaddib markii la soo sheegay dhimashada in ka badan 30,000 oo Falastiiniyiin ah iyo xasuuq ay Israel ka wado Qaza.

 

 

please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com