Djibouti(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa khudbad ka jeediyay wejigii labaad ee Wadahadladii u dhaxeeyey Jamuuriyadda Somaliland iyo Soomaliya ee  shalay ka furmay Dalka Djibouti, kuwaas oo maanta mar kale  dib u furmay.

Wadahadalada labada dhinac, waxa shir guddoominaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti,  Ismaaciil Cumar Geelle, iyadoo ay shirkaa goob joog ka ahaayeen Dublamaasiyiin ka socda Dawladda Maraykanka, Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia iyo Dublamaasiyiin ka socotay beesha Caalamka.

 

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Bixii,  ayaa guddida farsamo ee wada-hadalada loo saaray kula dardaarmay in runta laga-wada hadlo, islamarkaana loo baahan yahay in shirku guulaysto oo midho-dhal wax ku ool ahi kasoo baxaan.

“Dhankayaga waxaanu halkan la nimi run, wixii aanu dhibaato u aragno in aanu sheegno, wixii Soomaali u dan ah ee aanu ka fursan waynayna waanu la nimi, Walaalahayo waxaanu u sheegaynaa si walaaltinimo ah  waxaanu diyaar u nahay inaanu dhegaysano rayiga naga duwan ee kaayaga ka kafog  in aanu dhegaysano oo dulqaadkeeda yeelano oo aaanu rog-rogno baanu u nimi idinkana sidaa iyo si lamida ayaanu idinka doonaynaa, ” ayuu yidhi, Madaxweyne Biixi.

“Shalay arrintu waxay ahayd Madaxweynayaashii baa shiray oo hadlay oo la dhegaysanaayey, masuuliyadii waanu soo wareejinay guddidan wasiirada ah baa lagu soo wareejiyey annagu tilmaantayadii waanu dhamaynay, maanta waxaa lasoo eegayaa guddida farsamo ee halkan ku hadhay inay keento maxaaa inoo dan ah maxaa ugu dhow ee aan ku heshiin karnaa.” Sidaa waxa yidhi, Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

 

Dhinaca kale, Madaxweynayaasha Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa ka baxay goobta waxaana kulanka isku horfadhiya guddiyadii farsamo ee loo saaray inay sii anbaqaadaan arrimaha laga wada hadalayo.