Araweelo News Network.

Djibouti (ANN)-Madaxweynaha dawladda dalka Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa qasriga Madaxtooyadda ku qaabilay ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Madaxweyne Geelle iyo ra’iisal wasaare Rooble, waxa dhexmaray wadahadal ay ka yeesheen arrimo baddan oo khuseeya labada dhinac.

Sidaana waxa lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska ra’iisal wasaare Rooble oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekaddaha Araweelo News Network.

“Labada Hoggaamiye ayaa wadahadalladooda diiradda ku saaray danaha ay labada dal wadaagaan, xoojinta iskaashiga iyo wadashaqaynta labada dhinac iyo dardargelinta xidhiidhka walaaltinimo ee soo jireenka ah ee ka dhexeeya Labada shacab.”ayaa lagu yidhi, qoraal saxaafadeedka kasoo baxay kulankaa kaddib.

Laxidhiidha: Djibouti Maxay ka tidhi Qalalaasaha iyo Rabshadaha Ka socda Muqdisho

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa dhankiisa uga mahadceliyey Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, shacabka iyo dowladda Djibouti marti gelinta shirka Madasha Aragti Wadaagga ee Heritage oo kulmisay boqolaal ka mid ah aqoonyahanka iyo hoggaanka dadka Soomaaliyeed, si loo darso duruufaha iyo mustaqbalka gobolka geeska Afrika ee qalalaasuhu naafeeyay.

Sidoo kale, qaraal saxaafadeedka, ayaa lagu xusay in ra’iisal Wasaarahu Dowladda Djibouti uga mahadceliyay kaalinta ay ciidamada “Hiil Walaal” ee ka jooga Soomaaliya ee nabad ilaalinta uga qayb qaataan nabadgelyada dalka iyo dib u soo kabashada Soomaaliya, taas oo sida lagu lagu muujiyay qoraalka ka tarjumaysa sida ay Dowladda Djibouti diyaar uga tahay garabsiinta walaalahooda Soomaaliyeed.

“Waa maalin taariikhi ah oo xaqiiqatan ka tarjumaysa xidhiidhka labada dal iyo labada dad ee walaalaha ah. Waa inaan xoojinno iskaashiga dhanka dhaqaalaha iyo wax wada qabsiga. Arrinta ugu muhiimsan waa iskaashiga arrimaha amniga iyo la dagaallanka argagaxisada ah.”ayaa lagu yidhi, qoraalka.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa dhankiisa ugu hambalyeeyay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed guulo wax ku ool ah oo ay ka gaadheen, kuwaas oo sida uu tilaamamay dib u dhiska dalka iyo xoojinta dowladnimada, isagoo dhankiisa sheegay in ay garab taagan yihiin walaalahooda Soomaaliyeed.

Dawladda Federaalka ee Soomaaliya iyo xukuumadda dalka Djibooti, ayaa Apr 2021, si weyn khilaaf usoo kala dhexgalay, kaddib markii ay dawladda Soomaliya ka cadhootay warbixin ay koox guddi ah oo Urur gobolleedka IGAD u saaray murankii siyaasadeed ee dhinaca diblamaasiyada ee hadheeyay xilligaa dawladda Kenya iyo dawladda Federaalka ee Soomaaliya, wuxuuna xidhiidha labada dale e Djibouti iyo Soomaaliya ahaa mid mad-madaw soo kala dhexgalay, kaddib markii ay warbaahinta isu mariyeen dhawaaqyo canbaarayn iyo jawaabo ay is weydaarsadeen, wallow ra’iisal wasaare Rooble markaa kaddib booqasho ku tegey dalka Djibouti.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com