Araweelo News Network.

Hragyesa(ANN)-Guddoomiyaha Gollaha wakiillada Somaliland, Cabdirisaaq Khaliif, ayaa ka hadlay masuuliyada dhacdadii maalintii Isniinta ka dhacday xarunta gollaha ee sababtay in ay cutub ka tirsan ciidanka Boolisku soo gaalaan, kaddib rasaas ka ridaan.

 Guddoomiye Cabdirisaaq, waxa uu sheegay in ay ahayd wixii ka dhacay gollaha iyo asbaabihii ay ku yimaadeen, nasiibdaro uu aad uga xunyahay wuxuuna arrimahaa ku sababeeyay kuwo dabeeciyan ah oo la xidhiidha hawlaha iyo dabeecaddaha gollayaasha sidan oo kale ah iyo kuwo ku yimi is faham la’aan.

“Marka hore waxaan aad uga xumahay shir-guddoon ahaan iyo golle ahaan iyo xubnaha xildhibaanada gollaha wakiilladu ka kooban yahay, waxayna ahayd dabeecaddaha gollayaasha sidan oo kale ah in khilaaf aragti sharci ah laysku khilaaf,” ayuu yidhi, guddoomiye Cabdirisaaq oo warbaahinta la hadlay caawa,

  Guddoomiye Cabdirisaaq, wuxuu sheegay wuxuu sheegay in kala qaybsanaanta Xildhibaanada gollaha wakiillada ay ahayd arrin aragti sharci oo qoloba meel iska taagtay, taas oo sida uu sheegay ay qayb ka tahay arrimaha dastuurku u jidanayo xildhibaanka inuu aragtidiisa cabiro  soona jeedin karo, “wixii xildhibaanada dhexyaalay ee gollaha waxay ku salaysnayd aragtida xildhibaanda” ayuu yidhi.

Laxidhiidha: Duufaankii Hafiyay Fadhiga Gollaha Rasaastii Booliska,Ganac Ka Hadalkii Iyo Goolaaftankii Madasha

Hase yeeshee guddoomiyaha gollaha wakiillada, Cabdirisaaq Khaliif, wuxuu sheegay in qallalaasihii amni ee ka dhacay gollaha, kaas oo sida uu sheegay ku yimi isfaham la’aan, “Ma jirin wax weyn oo amniga wax u dhimayay, laba xidlhibaan ayaa gacan isa saaray, waana la dhammaynayay, waxaase ciidanka amniga ee gollaha ay gudbiyeen cabasho taliska Booliska, waana ta keentay in ay ciidanku yimaadaan, waxayna qabeen wer-wer dhanka amniga ah, maadaama uu golluhu yahay golle xaasaasi ah.” ayuu yidhi.

Gudoomiye Cabdirisaaq, wuxuu sheegay in arrintaa laga wada hadlay oo Taliyaha Booliska ay iska arkeen, isla markaana kasoo afkaray, sidaa awgeed ay ka xunyihiin cid walba oo ay wax kasoo gaadheen dhacdadaa oo ay ugu horreeyaan ciidamadda amniga, xildhibaanada iyo saxaafada goobta joogtay.

Isniintii ayay ahayd markii gollaha wakiilladu waajahay duufaan siyaasadeed, gacan ka hadal iyo goollaaftan hadheeyay fadhigii gollaha oo sababay in cutubyo ka tirsan ciidanka Boolisku guddaha u galaan. kaddibna rasaas u adeegsadaan, (Muuqaalkan JKa Daawo wixii dhacay).

Duufaanka siyaasadeed, ayaa saaxada habeenkii gil-gilay, kaddib markii xeerka furashada ururada siyaasada iyo axsaabta qaranka oo Madaxweynaha Somaliland usoo gudbiyay gollaha fadhigii lagu soo qaaday, balse hadal wasiirka wasrfaafinta kasoo baaxay oo uu ku sheegay in wixii hada ka danbeeya Ururada iyo axsaabta siyaasadu furan yihiin, ayaa si weyn u kiciyay xamaasad, taas oo sababtay in hoggamiyayaasha mucaardku isla habeenkii Isniinta ka bixyaan jawaabo kulul iyo hanjabaado.

Hase yeeshee muddanayaasha gollaha wakiillada, ayaa mooshin la xidhiidha xeerka isla fadhigii gollaha ee Axaddii u gudbiyay shirguddoonka, iyadoo mooshinka ujeeddadiisu ahayd in xeerka sidaa lagu sii daayo oo aannay golluhu isku fur-furin dooddiiisa, balse mooshinka ayaa la laalay, iyadoo loo cuskaday sababo sharci oo waafaqsan dastuurka iyo xeer-hoosaadka gollaha, waxaana madasha fadhiga iyo xayndaabka dhismaha xarunta Baarlamaanka hadheeyay  buuq iyo qalalaase sababay tacshiirado rasaas ah oo ay rideen cutubyo Booliska ah oo soo galay gollaha, kuwaas oo ay muddanaayasha qaarkood gacanta isu qaadeen.

Halkan Ja Daawo Guddoomiye Cabdirisaaq

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com