Araweelo News Network.

Xoriyadda Aanu helay intii uu xilka hayay Abiy maanu helin 68 sannadood”Madaxweynaha Soomaalida Ethiopia.

Djibouti(ANN)-Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia, Mustafa Maxamed Cumar (Cagjar), ayaa ka siyaasada uu ra’iisal wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Axmed kula dhaqmo gobolka Soomaalida iyo sidoo kale siyaasadiisa ku waajahan Soomaalida.

Madaxweyne Musatafa Cagjar oo hadal ka jeediyay  dood lagaga hadlayay Qalalaasaha siyaasadeed ee geeska afrika, waxyabaha laga barankaro iyo waxyaabaha hore looga bartay oo uu soo qabanqaabiyay Machadka Heritage institute for policy studies, taas oo Isniintii lagu qabtay dalka Djibouti, ayaa tilmaamay marka laga hadlayo siyaasada ra’iisal wasaare Abiy ee maamulka Soomaalida Ethipia tii ugu wanaagsanayd saddex sannadood iyo badh uu Abay xilka hayay, marka loo eego 68 sannadood oo maamulka Soomaalidu ku tirsnaa Ethiopia,

“Ma jirto wax faragelin ah oo dawladda Federaalku ku samayso maamulkayaga iyo doorashada aanu qabsano, mana jiraan tacadiyo, dil, dhac iyo xadhig sidii hore looga bartay ayuu yidhi.

Dhinaca kale, wuxuu ka hadlay siyaasada ku waajahan Soomaaliya ee  dawladda Federaalka ee Ethiopia, wuxuuna tilmaamay in ra’iisal wasaare Abiy qaatay siyaasad ku dhisan in aan la faragelin Soomaaliya eel ala shaqeeyo dawladda dhexe ee Federaalka Soomaaliya.

 “Ra’iisal wasaare Abiy saddexdii sannadood iyo badhkii uu xafiiska joogay wuxuu go’aansaday inuu la shaqeeyo dawladda dhexe ee Federaalka Soomaaliya, wuuna ku saxsanyahay “ ayuu yidhi,  Madaxweyne Cagjar, wuxuuna xusay in cid kasta oo maamul Soomaaliyeed oo Farmaajo diidan kula dhaqmo siyaasadaa, taas  oo uu ku tilmaamay mid uu ra’iisal wasaaraha Ethiopia ku saxsanyahay.

Madaxweynaha maamulka Soomaalida Ethiopia oo ka jawaabayay su’aalo laga weydiiyay dagaalka Ethiopia ee u dhexeeya xukuumadda Federaalka iyo Maamulka TPLF ee Tigray, ayaa tilmaamay in dagaalada ka socda Ethiopia muddada ku dhow sanadka iyo dhawrka bilood ay yihiin kuwo xidhiidh la leh Istiraatiijiyad dhaqaale iyo mid millateri, laakiin wuxuu xusay in aannay ka madhanayn fekrado iyo mabaadii siyaasadeed oo ay qowmiyaddaha ku nool Ethiopia kala aaminsan yihiin, kuwaas oo la xidhiidha mustaqbalka.

Wuxuu ku doodday in Soomalida Ethiopia maamul ahaan iyagu ay qaateen mawqif siyaasadeed oo cad, kaas oo sida uu sheegay noqonaya in aannay dhexgelin dagaalka ka socda dalka Ethiopia oo ay ilaashadaan deegaankoooda.

“Ethiopia kama dhicin in gumaysi  gacanta ku hayay, waxayse ahaayeen qowmiyado is qabsaday “Internal colonization ”, sidaa awgeed wuxuu sheegay in dabeecadda Ethiopia oo ka duwan tan gobolka geeska afrika iyo dadka oo ka baddan iyo faragelinta mar walab jirtay. Ethiopia waa dalka ugu ballaadhan gobolka , sidaa darteed waxa la doonayay in laga dhigto Barroosinka gobolka“Anchors state”” ayuu yidhi, waana sabata keentay qalalaasaha ka dhacay dalka Ethiopia ee xilligan ka socda uu qayb weyn ka yahay loollanka Istiraatiijiyad dhaqaale iyo mid Millateri, ayuu raaciyay.

Mar uu ka hadlayay kooxda TPLF, wuxuu yidhi,  “Waxaan rumaysnahay in kooxda TPLF, laga takhalusay saddex sannadood ka hor”, laakiin soo noqoshada ay hadda soo noqdeen ee awoodda ay yeesheen iyo xaallada jirta cid walba way pgtahay, ayuu raaciyay  Madaxweyne Mustafa Cagjar, isagoo u muujinaya in ay taageeyan quwado shihseeye.

Soomaalida ayuu sheegay in ay xaaladda Ethiopia ka jirta ku macneeyaan khilaaf dhanka Federaalisamka ah, halka kuwa kalena u dhigaan in ay qowmiyado is haystaan.

“Xaqiiqdii waa run, waana qaybo ka mid ah mushkilada dagaalka Ethiopia iyo qalalaasaha, laakiin wuxuu xusay  in xuddunta mushkiladu aannay ahayn halkaas oo keliya, isagoo yidhi, “Oromadu waxay ku kala qaybsantahay fekerka Federaaliisamka, Amxaarada intooda baddan Federaakliisamka ma rabaan, wayse jiraan siyaasiyiin ku ku kala aragti duwan, Tigray iyagu waxay doonayaan in ay yeeshaan awooddii ay ku lahaayeen xukunka oo iyagu awoodda yeeshaan, waana mid aannay ku helayn nidaamka dimuqraadiga ah, waxay ku helayaan awood iyo cuddud Millateri,” ayuu yidhi, Madaxweyne Mustafe oo sharaxaya afkaarta kala duwan ee ku xidhiidhsan qalalaasaha Ethiopia.

Muuqaalkan ka daawo Madaxweyne Mustafa Cagjar oo sharaxaya arrimahaa.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com