Hargeysa(ANN)-Munaasibad si weyn loo agaasimay oo lagu xusayo sannad-guuradii 42aad ee kasoo wareegtay markii Dalka Djibouti xoriyadiisa ka qaatay gumaysigii Faransiiska 27 Jun 1977, ayaa xalay lagu qabtay Huteelka Maansoor ee caasimada Somaliland ee Magaalada Hargeysaka.

Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), iyo Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Djibouti ku leedahay Somaliland Xuseen Cumar Kawaaliye oo ka qaybgalay  Djibouti  42-guurada xoriyadii Djibouti 27 Jun 2019 Araweelo News Network

Munaasibadaa oo ay kasoo qaybgaleen Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, Safiirka Jamhuuriyadda Djibouti u fadhiya Somaliland Ambassador, Xuseen Cumar Kawaaliye, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Somaliland, Xildhibaanno ka socday dalka Djibouti, Safiirrada dalalka Ethiopia, iyo Turkiga u jooga Somaliland, Siyaasiyiin, Diblamaasiyiin ka socday Safaaradda Ingiriiska ee Hargeysa, Midawga Afrika, Jaaliyadda Reer Djibouti ee Somaliland ku dhaqan, Xubno ka socday Shirkaddaha Somcable iyo Telesom, Fannaaniin, Mudan iyo Marti-sharaf kale oo tiro badan

Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), iyo Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Djibouti ku leedahay Somaliland Xuseen Cumar Kawaaliye oo ka qaybgalay  Djibouti  42-guurada xoriyadii Djibouti 27 Jun 2019 Araweelo News Network
Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), iyo Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Djibouti ku leedahay Somaliland Xuseen Cumar Kawaaliye oo ka qaybgalay Djibouti 42-guurada xoriyadii Djibouti 27 Jun 2019 Araweelo News Network

Xuska Munaasibaddaa waxaa  soo qaban-qaabisay Saafarada Djibouti ee Somaliland, waxaana hfuritaankii hadlao kooba ka jeedisay Guddoomiyaha Jaaliyadda reer Djibouti ee Somaliland ku dhaqan Maryan Xariir Faarax, waxayna  hambalyo iyo bogaadin u dirtay guud ahaan Bulshada reer Djibouti iyo dowladdooda oo ay ugu hanbalyaysay munaasibadaa qiimaha baddan.

Masuuliyiinta ka qaybagalay xaflada xuska 42 guurada xoriyada Djibouti ee Hargeysa lagu qabtay 27 Jun 2019 Araweelo News Network
Masuuliyiinta ka qaybagalay xaflada xuska 42 guurada xoriyada Djibouti ee Hargeysa lagu qabtay 27 Jun 2019 Araweelo News Network

Agaasimaha guud ee Wasaaradda arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Cabdinaasir Axmed Xirsi, ayaa isaguna xafladdaas ka hadlay, wuxuuna ka waramay xidhiidhka  wada-shaqayneed ee wasaarad ahaan iyo Safaaradda ka dhexeeya iyo xidhiidhka guud ee Somaliland iyo Djibouti, oo uu tilmaamay inuu marba marka ka dambaysa sii xoogaysanaya, isagoo hambalyo u diray guud ahaan dadweynaha reer Djibouti, 42-guurada xornimadooda ee ay u dalkooda iyo dunidaba ugu dabbaal-degayaan.

 ka qaybagalayaasha xaflada xuska 42 guurada xoriyada Djibouti ee Hargeysa lagu qabtay 27 Jun 2019 Araweelo News Network
ka qaybagalayaasha xaflada xuska 42 guurada xoriyada Djibouti ee Hargeysa lagu qabtay 27 Jun 2019 Araweelo News Network

Sidoo kale Cabdiwahaab Maax oo ka socday Shirkadda Telesom iyo Eng. Axmed Cabdi Ibraahin oo Somcable ka tirsan, ayaa iyaguna halkaas ka hadlay, isla markaana hambalyo u diray Shacabka iyo dawladda Djibouti.

Masuuliyiinta iyo ka qaybagalayaasha xaflada xuska 42 guurada xoriyada Djibouti ee Hargeysa lagu qabtay 27 Jun 2019 Araweelo News Network
Masuuliyiinta iyo ka qaybagalayaasha xaflada xuska 42 guurada xoriyada Djibouti ee Hargeysa lagu qabtay 27 Jun 2019 Araweelo News Network

Cabdalle Xaaji Cismaan oo ah Suxufi qoraa ah oo reer Djibouti oo kamid ahaa dadkii munaasibadaa  ka hadlay, ayaa  ka warramay taariikhda halgankii loo soo maray xorriyadda Jamhuiriyadda Djibouti ee  oo uu ku tilmaamay inuu ahaa mid qadhaadh.

Masuuliyiinta xukuumadda Somaliland ee ka qaybagalay xaflada xuska 42 guurada xoriyada Djibouti ee Hargeysa lagu qabtay 27 Jun 2019 Araweelo News Network
Masuuliyiinta xukuumadda Somaliland ee ka qaybagalay xaflada xuska 42 guurada xoriyada Djibouti ee Hargeysa lagu qabtay 27 Jun 2019 Araweelo News Network

Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Djibouti ku leedahay Somaliland Xuseen Cumar Kawaaliye, ayaa ka sokow hambalyada uu u diray Madaxweyne  Ismaaciil Cumar Geelle , Marwadiisa, Khadra Maxamuud Xayd, Ra’iisul wasaaraha dalkaa iyo guud ahaan shacabka reer Djiboutii, waxa uu ka warramay wax-qabadka dowladda Djibouti. Waxaanu Safiirku u mahad-celiyey Madaxda, Mudanta iyo Marti-sharafta kale ee ka soo qaybgalay munaasibadda 42-guurada ee ay Hargeysa ku qabteen xalay.

Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), iyo Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Djibouti ku leedahay Somaliland Xuseen Cumar Kawaaliye oo jaraya Keeg weyn oo lagu xardhay Calanka Djibouti xaflada xuska 42 guurada xoriyada Djibouti ee Hargeysa lagu qabtay 27 Jun 2019 Araweelo News Network

Waxa uu Safiirku ku soo dhaweeyey cod-baahiyaha Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), oo sheegay inay Dadka iyo Dowladda Djibouti la wadaagayaan farxadda 42-guurada gobonnimadooda iyo maalintii xorriyaddooda ka soo wareegtay.

ka qaybgalay  Djibouti  42-guurada xoriyadii Djibouti 27 Jun 2019 Araweelo News Network
ka qaybgalayaasha xuska lagu qabtay Hargeysa ee 42-guurada xoriyadii Djibouti 27 Jun 2019 Araweelo News Network

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo ka hadlaya xidhiidhka dhaqan iyo dhiig ee ka dhexeeya Somaliland iyo Djibouti, ayaa sheegay inuu yahay xidhiidhku mid walaalnimo oo soo jireen ah, weligiina sii jiri doona.

ka qaybagalayaasha xaflada xuska 42 guurada xoriyada Djibouti ee Hargeysa lagu qabtay 27 Jun 2019 Araweelo News Network
ka qaybagalayaasha xaflada xuska 42 guurada xoriyada Djibouti ee Hargeysa lagu qabtay 27 Jun 2019 Araweelo News Network

Markii uu Madaxweyne Ku-xigeenku hadalka dhammeeyey, waxay saacadda geeska Afrika is dul-taagtay 12:00 (laba iyo tobankii habeennimo), waxa la shiday amma la daaray, isla markaana Madax iyo Shicibba loo istaagay Heesta Calanka Jamhuuriyadda Jabuuti oo dabcan dareenkeeda iyo qiiradeeda la wada muujiyey.

ka qaybagalayaasha xaflada xuska 42 guurada xoriyada Djibouti ee Hargeysa lagu qabtay 27 Jun 2019 Araweelo News Network
ka qaybagalayaasha xaflada xuska 42 guurada xoriyada Djibouti ee Hargeysa lagu qabtay 27 Jun 2019 Araweelo News Network

Munaasibadaa xuska 42 guurada xoriyada Djibouti, waxa taariikhda halgankii gobonimadaa loo soomaray ka sakaw lagu soo bandhigay Heeso kala duwan oo loo sameeyey calanka iyo dowladda Djibouti iyo qaar muujinayey wax-qabadka iyo hoggaaminta Madaxweynaha Madaxweyne  Ismaaciil Cumar Geelle , Marwadiisa, Khadra Maxamuud Xayd oo  lagu ammaanay, isla markaana  Fannaaniintu ku soo bandhigeen intii ay Munaasibadda dabbaal-degga 42-guurada Xornimada  Djibouti socotay ee 27 June 2019.