Araweelo News Network


Hargeysa (ANN)- Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ugu baaqday culimada dalka inay ka qaybqaataan sidii bulshada muwaadiniinta ah si nabadgelyo ah ugu qaadan lahaayeen kaadhadhka codbixinta ee loogu talogalay in lagu galo doorashooyinka soo socda ee Somaliland.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Saleebaan Siciid Cali oo warraysi siiyey telefiishanka Star TV , waxa uu sheegay in qaybinta kaadhadhka codbixiyeyaasha ee hadda ka socda gobollada Maroodi-jeex iyo Togdheer ay yihiin amar dawladeed oo ay tahay in la fuliyo.
“Waxa aanu ugu baaqaynaa culimada dalka goobaha ay joogaan iyo degmooyinka ay joogaanba sidii ay si nabadgelyo leh dadku isugu diwaangelin lahaayeen (u qaadan lahaayeen kaadhka codbixinta) iyo sidii ay dadkuba u qaadan lahaayeen kaadhkooda codbixinta si ay u coddeeyaan, oo qof walba u doorto si xallaal ah masuulka uu u arko inuu ku habboonyahay hoggaaminta qaranka (Somaliland), taas ayaan ugu baaqaynaa,” ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland.
Waxaannu intaas ku daray; “Ilaahay (SWT) waxa aan ka rajaynayaa inuu amniga inagu ilaaliyo. Waxa aan fulinaynaa oo hirgelinaynaa in arrinkani (qaybinta kaadhadhka codbixinta) waa amarkii xukuumaddeena, waana amarkii Madaxweynaha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. Waa danta bulshadeena in aynu ilaalino amniga oo dadkeenu si fiican isku diwaangeliyaan, gobolladuna way isku faanayaan oo waxa hadda laga gudbay labadii gobol ee u horeeyey oo ah Awdal iyo Saaxil, imminkana waxa loo gudbay Maroodi-jeex iyo Togdheer, waana labada gobol ee ugu dadweynaha badan, idinkana waxa la idinka rajaynayaa maadaama aad maalintii hore si fiican isku diwaangeliseen, in aad haddana si fiican u qaadataan kaadhadhka codbixinta, waxaanan idinku boorinayaa in aad kaadhka wada qaadataan oo iska ilaalisaan cunfiga, doorashadana laguma kala tago oo waa la tartamayaa, dadkuna waa wada walaal, qof walbana cidda uu munaasib u arko ayuu u coddaynayaa, laakiin waa in aanay arrintu khalkhal ku keenin amnigeena.”
Agaasimaha Guud, ayaa sidoo kale qaybaha kala duwan ee culimada dalka Somaliland ugu baaqay inay ka qaybqaataan ilaalinta amniga iyo xasiloonida waddanka, kana dhawrsadaan wixii khilaaf keeni kara.
“Waxa aannu ku baaqaynaa culimada dalka, haddii ay yihiin kuwa Hargeysa amma Gobolka Maroodi-jeex iyo degmooyinka hoos yimaad, haddii ay yihiin culimada Togdheer, sida hawlwadeennada Wasaaradda Diinta iyo Awaafta, haddii ay yihiin Guddida Wanaag-farista iyo Xumaan-reebista ee ka shaqeeya gobollada dalka oo dhan, waxa aannu ugu wada baaqaynaa inay marka koowaad ka qaybgalaan ilaalinta amniga, la shaqaynta (ka hortaga) wixii mushkilad inagu ah qarannimadeena iyo dalkeenaba,” ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland Md. Saleebaan Siciid Cali.