Baydhabo(ANN)-Doorashada Madaxweynaha Maamul goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa lagu kala guulaystay maanta ,kadib markii todobaadkii hore la xidhay murrashaxii ugu cad-cadaa Sheekh Muqtaar Rooboow Abu-Mansuur.

Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa loo doortay inuu noqdo madaxweynaha cusub ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, kaas oo beddelaya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo xilkaa iska casilay.

Murrashaxa la doortay, ayaa helay 101 cod, taas oo noqonayay in ka badan laba meelood saddex meel codadka guud, wuxuuna kusoo baxay wareeggii koowaad ee doorashada, halka Aadan Maxamed Nuur Saransoor, ayaa galay Kaalinta labaad, wuxuuna helay 22 cod.

Doorashada Koonfur Galbeed, ayaa xiisado siyaasadeed hadheeyeen kadib markii saddex goor dib la dhigay, waxaana hadheeyey rabshado dad badan ay ku dhinteen kadib markii dowladda Soomaaliya ay xidhay Mukhtaar Roobow oo ka mid ahaa musharaxiinta, Isla markaana la saadaalinayay inuu yahay ninka ku guulaysanaya.

Ciidamadda Ethiopia, ayaa saaka ku waaberiistay wadooyinka magaalada, iyadoo Bandow lagu soo rogay Magaalada si looga hortago in rabshado ka dhacaan doorashadaa, waxaana xarunta Madaxtooyada Baydhabo saaka laysugu geeyay xildhibaanno ay Dowladda Federaalka ah ku abaabushay inay udoortaan Cabdi Caziiz Lafta gareen oo ah musharrax ay maalgelinayso xukuumadda Xasan Cali Kheyre.