Hargeysa((ANN)-Maamulka Guud Ee Dugsiyada gaarka loo leeyahay ee Nuuradiin, ayaa ka hadlay guusha ay kasoo hooyeen Imtixaanka.

 

Shir-jaraa’id oo maamulka Dugsiyada Nuuradiin qabtay. waxay si weyn hambalyo iyo duco u diray dhamaan ardaydii loo yeedhiyey imtixaanka shahaadiga ee fasalada 4aad iyo 8aad ee dugsiyada Sare iyo Hoose/dhexe, gaar ahaan ardayda ka baxday dugsiyada kala duwan ee NORADIN, kuwaas oo kaalmo muuqda oo aad u badan ka soo hooyey natiijadaasi Xafiiska Imtixaanaadka qaranka ku dhawaaqay.

Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay Maamulaha Guud ee dugsiyada NORADIN Mahad Ibraahin Maxamed kaasi oo ku dheeraaday dadaalka ay ku hanteen guulaha waaweyn ee ardayda NORADIN ay ka muujiyeen Imtixaanaadka shahaadiga ah ee dalka kuwaasi oo galay kaalmaha kala ah:- Tobanka Ugu Sareeya Dugsiyada Sare ee dalka,

1:- Abdibaasid Abdirizak Awil Abdilaahi NORADIN 907

2:-Abdirahmaan Sh.Yasin Ibraahim Abdirahman NORADIN 904

3:-Abdikani Maxamed Daud Jama NORADIN 890

5:-Liban Mohamed Abdi Duale NORADIN 880

6:-Abdisalaan Mohamed Hussein Maygaag NORADIN 878

7:-Mohamed Mohamud Mouhumed Warsame NORADIN 876

8:-Hibo Ahmed Foosi Omer NORADIN 872

9:- Nimo Mohamed Bakri Sheikh NORADIN 866 Waxay kaalintaasi Sagaalaad Wada Galeen Ahmed Khadar Haashi Al-Mustaqbal.

Halka dugsiyada Hoose Dhexena uu kaalmo muuqda uu ka muujiyey Dugsiyada NORADIN waxaanay galeen kaalmaha:-

6:- Asma Omer Hassan Abdilaahi –NORADIN 3 – A18199/175- Darajadeeduna ay tahay 611 6:- Muna Mukhtar Abdi Omer – NORADIN 2 – A18408/708- Darajadeeduna ay tahay 611, Kuwaasi oo labadaasi arday kaalintaasi wada galay.

Maamulaha guud ee dugsiyada NORADIN isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay in dhamaan Guulahaasi ay ardaydu soo hooyeen ee dugsiyada NORADIN ay caanka ku yihiin ay u sabab tahay sadex arimood waxaana hadaladisii ka mid ahaa(‘’ Guushu sideedaba waa wax alle qoray waan dadaal iyo juhdi badan aanu galinay sidii aanu guulashan iyo mid ka balaadhanba aanu u gaadhi lahayn, Ta sedexdaana waa kalsooni iyo in aanu ardaydayda kalsooni ku abuurno oo ay kalsooni ku shaqaystaan, Guushi Ilahay xagiisa uun bay ka timaadaa Ilahay baanan ugu mahad naqaynaa, Waxa ilahay doonaana way hirgalayaanoo ilahay amrigii waxa uu doono isagaa ku xoog badan Laakiin dadka badidiisu arintaas ma yaqaanaan’’)Ayuu yidhi Mahad Ibraahim Maxamed Maamulaha Guud ee dugsiyada NORADIN.

Waxa uu halkaasi ka sheegay Mahad Ibraahin Maxamed Maamulaha Guud ee dugsiyada NORADIN in ay kaliya guuluhu aysan ku koobnayn Tobanka ugu sareeya ee dugsiyada Sare oo qayb libaaxle ardayda NORADIN ay ka qaadatay iyo dugsiyada hoose dhexeba balse ay jiraan in Darajooyinka A ay Dalka oo dhan ay dugsiyda NORADIN ay keeneen 31% tirada guud ee dalka oo dhan A keentay , intaasi waxa uu raaciyey in ardayd badan oo ka mid ah Dugsiyada NORADIN ay ku guulaysteen deeqo wax barasho oo aad u sareeya oo kala ah wadamada Turkey iyo Malaysia.

Geesta kale waxa uu halkaasi duco iyo waano ugu diray dhamaan ardaydii ka baxday dugsiyada NORADIN kaasi oo ALLE uga baryey in cilmigay barteen ku anfaco dalkooda iyo diintoodana wax ku taraan, geesta kale waxa uu xusay in hayaanka iyo geediga aqoontu aanu dhamaan ay halkaa dadaalka iyo juhdiga ay galinayaan cilmiga halkaasi ka sii wadaan ALLENA ku guuleeyo.

Dhanka kale waxa halkaasi ka hadlay mid ka mid ah Waalidiinta Ardayda Kaalmaha hore ka gashay Dhamaan tobanka ugu sareeya dugsiyada sare ee dalka Sheekh Yaasiin Ibraahin Cabdiraxmaan waxaanu ardayda kula dar-daarmay in ay diintooda iyo dhaqan kooda xoojiyaan ALLE na isku xidhaan si ay guulo badan u gaadhaan waxaanu sheegay in dhamaan guul kasta oo la gaadho Alle loogu shugri yeelo, kaasi oo sheegay in ay ardaydani guusha ay gaadheen ay tahay mid ku timid Dadaal ay wada sameeyeen Ardayda,Macalimiinta, Iskuulka NORADIN iyo waalidka oo si weyn uga war hayey in ay ku timid guusha ay ardaydaasi gaadheen.

Gebo-gebadii waxa halkaasi ka hadlay Ardaygii ugu sareeyey Guud Ahaan Jamuuriyada Somaliland oo ka socday dugsiga NORADIN Abdibaasid Abdirizak Awil oo u mahad celiyey Waalidkiisa, Macalimiintiisa iyo maamulka guud ee dugsiyda NORADIN oo uu sheegay in ay dadaal badan la soo garab joogeen si ay heeran u gaadhan waxaanu sheegay in hayaan ka iyo geediga mustaqbalka ee waxbarashadu uu badan yahay ayna dadaalayaan.