Araweelo News Network.

 

Addis Ababa(ANN)-Ciidaamadda TPLF, ayaa qabsaday magaaladda Kombolcha oo ah magaaladdii labaad istiraatiijiga ah ee ay qabsadaan 24kii saacadood ee u danbeeyay.

Shalay ayay ahayd markii ay Saraakiisha Taliska sare ee TPLF, si badheedh ah u shaaciyeen qabsashada Maagaladda Dessie oo muddo dhawr bilood ah dagaal ku dhexmarayay Ciidamadda TDF iyo Millateriga dawladda Federaalka Ethiopia oo kaashanaya Malayshiyada Amxaarada.

Balse ugu danbayntii lagu kala adkaaday saacaddihii u danbeeyay shalay.

Hase yeeshee mar kale ayay isla maanta gacanta ku dhigeen Magaalo kale oo Istiraatiiji ah, taas oo ah Kombolcha oo ah Magaalo halbowle ah oo aan ka fogayn Dessei.

Getachew Reda, oo ah afhayeenka TPLF, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay qabsashada Kombolcha , isagoo xusay in ay gacan buuxda ku hayaan  Madaarka Magaaladda iyo gebi ahaanba.

Ra’iisal wasaaraha Ethiopia oo u muuqda in la jebiyay Ciidamadda iyo malayshiyaadka uu muddada dhawrka bilood ah ku daabulayay aagga faranta hore ee dagaalka, ayaa ka hadlay guuldarada soo waajahday iyo xaaladda sii cakirmay.

Labada magaalo oo ka mid ah gobolka Amxaarada, ayaa laga jaray gebi ahaanba dhulka Woqooyiga Isgaadhsiinta, isla markaana waxa loo diiday in ay warbaahintu u safraan si ay xog dheeraad ah uga helaan.

Maraykanka oo ka Hadlay qabsashada

Maraykanka ayaa Sabtidii ciidamada Tigray ugubaaqay in ay joojiyaan duulaanka ay ka wadaan Dessie iyo Kombolcha nawaaxigeeda, isla markaana ka baxaan deegaa,madda Amxaarada iyo Canfarta.

Sidoo kale, Maraykanku wuxuu Ciidamadda TPLF, usoo jeediyay aannay  u isticmaalin magaalooyinka madaafiicda  iyo hubka culus.

Abiy Ahmed,

Abiy Ahmed, ayaa ugu baaqay shacbiga in ay iska difaacaan TPLF, mana aha markii u horreysay ee dhawaaq sidan oo kale ah uu ku baaqo.

Ra’iisal wasaare Abiy, ayaa qiray qabsashada Magaaladda Kombolcha ee ay la wareegeen dagaalyahanka TDF ee Tigray.

Mr. Abiy, wuxuu sheegay in Magaaladda Kombolcha ay tahay dhuunta ugu muhiimsan ee isku xidha dalka Djibouti iyo dalkiisa, isla markaana ay ahayd dalkiisa aan dekedda lahayn marinka saadka iyo daruurigu usoo maro.

“Dadkaygu waa in ay qaataan hubka iyo wax walba oo ay awoodaan si ay isaga difaacaan “fallaagada TPLF ee Argagixisada ah.” Sidaa wuxuu ku sheegay ra’iisal wasaare Abiy, qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

“Our people should march … with any weapon and resources they have to defend, repulse and bury the terrorist TPLF,” Abiy said in a Facebook post.

 

Dagaalyahanka Tigray ee TPLF, ayaa shalay qabsaday Magaaladda ay muddada dheer ku taamayeen ee Istiraatiijiga ah ee Dessie,

Ra’iisal wasaare Abiy, ayaa xilligaa ku sugnaa Bahardaar, halkaas oo uu kula kulmay Maamulka iyo saraakiisha, isagoo ku booriyay baahida loo qabo in la helo in dalka Ethiopia laga badbaadiyo sida uu ku dodoay Tigray, wallow uu qiray aannay ahayn kuwo ay ciidamadda dawladdu joojin karaan.

Sidaa awgeed ra’iisal wasaare Abiy, wuxuu ku baaqay in loo baahanyahay ciidamo dheeraad ah oo taageera ciidamadda dawladda, taas oo noqonay in ciidamo cusub oo malayshiyaad dhalinyaro ah oo difaaca dalka la helo.

Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed iyo xukuumaddiisa oo ay weheliyaan saraakiisha maamulka gobolka Amxaarada kama hadlin sheeashada TPLF, ee qabsashada Magaaladda Istiraatiijiga ah ee Dessie, wallow ay saraakiisha qaar beeniyeen xalay.

Dessei oo ah magaalo ku taal badhtamaha dalka, isla markaana isku xidha magaalooyinka ugu waaweyn ee dalka, ayaa muujisay guusha dagaalka ee Tigtray, waxayna qabshada Magaaladda Kombolcha ee maanta meesha ka saartay rajadii ay dagaalka ka qabeen xukuumadda Abiy.

TPLF, waxay sheegayaan in ciidamo iyo malayshiyaad  tira baddan ku qabsadeen Magaalada ay ku taamayeen muddada ee Dessie oo dhowaan laga jaray Isgadhiinta  oo ay adagtahay in si dhab ah looga helo war sax ah, sidoo kale TPLF, waxay warbahinta taageerta iyo baraha Bulshada kusoo bandhigeen muuqaalo muujinaya ciidamo iyo malayshiyaad ay qabteen oo isu soo dhiibay, kaddib markii dagaalka loogu awood sheegtay.

Hase yeeshee, maalmihii lasoo dhaafay, waxa jiray dad ka cararayay magaaladda Dessie iyo deegaamada u dhow, kuwaas oo ka cararayay dagaalka, isla markaana gaadiid usoo raacay dhinka Caasimadda ee Addis Ababa, balse xukuumadda ayaa dib ugu celisay si khasab ah, iyadoo diiday in ay ka baxaan dadku Magaaladaa iyo kuwo kale ee dagaalku ka socdo.

Taliska TPLF, ayaa ugu baaqay dadka shacabka ah in aannay ka qixin guryahooda oo ay ilaashadaan, iyagoo u baalan qaaday in ay badbaadinayaan oo aannay wax dhibaato ah u geysanayan. Sidaa awgeed ay ku negaadaan guryahooda oo ilaashadaan hantidooda.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com