Nairobi(ANN)-Dalalka Kenya iyo Ethiopia, ayaa xaqiijiyay inay hayaan kiisaskii u horreeyay ee Cudurka Cronavirus, halka Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho la karantiimeeyay saddexdii qof ee u horeeyey oo ah saraakiil hawlgalka Midawga Yurub ka tirsan.


Dowladda Kenya ayaa mamnuucday dhammaan munaasibadaha iyo kulamada waa weyn ee bulshadu isugu yimaadaan kadib markii la xaqiijiyey kiiskii ugu horreeyey ee Coronavirus ah oo lagu arko dalkeeda.


Sida ay sheegtay Wasiirka caafimaadka Kenya Mutahi Kagwe oo shir jaraa’id Jimcihii maanta qabtay ayaa sheegay, in kasta oo kulamada xafladaha dadweynaha la mamnuucay, ay iskuulada sii furnaan doonaan.


Wasiirka caafimaadka Kenya Mutahi Kagwe waxa ay sheegtay in kiiska laga helay haweenay Kenyan ah oo kasoo laabatay dalka Maraykanka.


Haweeneydan oo 27 jir ah ayaa xaaladeedu ay degan tahay, waxaana hoos u dhacay heer kulkeeda oo caadi kusoo noqday, sida uu sheegay wasiirka. Kagwe ayaa sheegay in haweeneyda laga helay cudurka xalay la dhigay xarunta caafimaad ee ugu weyn dowladda ee Kanyatta National Hospital. “Lama sii dayn doona illaa laga waayo fayruska,” ayuu yidhi,wasiirka Caafimaadka Kenya.

Waxayna Dowladda Kenya billowday inay daba gasho dhammaan dadka la rumeysan yahay inay haweeneydan xidhiidh la sameeyeen, oo ay ku jiraan dadkii diyaaradda la saarnaa ee dalka soo galay.

Dhinaca kale, Wasiirka Caafimaadka Ethiopia, Lia Tadesse, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in kiiskii u horreeyay laga helay dalka.


Wasiirka Caafimaadka Ethiopia, ayaa shaaca ka qaaday in qofkii ugu horreeyay ee lagu arko cudurka Coronavirus ee lagu arko dalkooda uu noqday qof kasoo jeeda dalka Japan oo 48 jir ah.

Ethiopia ayaa horre u diiday inay dalka China markii uu ka dilaacay cudurku horraantii sannadkan iyo dhammaadkii 2019, ay ka joojiso diyaaradeheeda, waxaana Ethiopia ay hore u beenisay warar sheegayay in uu soo gaadhay Coronavirus, kadib 30 qof oo looga shakiyay, iyadoo xilligaa sheegtay in dadkii looga shakiyay la karantiimeeyay, isla markaana qaarkood la fasaxay markii shaybaar dhanka dalka Sourth afrika ah lo diray.


Dhinaca kale, dalalka Sudan, ayaa shaaciyay qofkii u horreeyay ee u dhintay Coronavirus, kaas oo sida ay Xukuumadda Sudan sheegtay ahaa 50 jir, dhowaan kasoo laabtay dalka Imaaraadka.


Sidoo kale, dalka Guinea, ayaa maanta shaaciyay kiiskii u horeeyay oo lagu arkay qof ka mid ah shaqaalaha Midawgya Yurub oo dalka yimi, kuwaas oo markii la baadhay lagu arkay hal qof.

AKHRI: Hoos U Dhacii U Weynaa Saliida, Saamaynta Saamiyada Seyladaha Dunida Oo Balaayiin Ku Waayay Iyo Sababaha Keenay


Coronavirus, wuxuu gaadhay ku dhowaad 18 dal oo Afrika ah, sida ay shacisay WHO, wuxuuna fayriskan oo kaoso bilaabmay dhinaca dalka China, xilligan isaga gudbay qaaradaha, isagoo gaadhay 144,078 qof, kuwaas oouu galaaftay inta la ogyahay 5,397 qof, halka 70,920 qof kasoo kabteen, dalalka dhimashada ugu badan ayaa ah tiradaa China, Talyaaniga Koonfurta Kuuriya iyo dalal kale.

AKHRI: Coronavirus Oo Ku Hanjabay Inuu Kala Qoqobayo Aduunka Iyo Qaylada Isaga Yeedhay Dacalada Dunida