Addis Abaab(ANN)-Xukuumadda Dalka Ethiopia, ayaa sheegtay in lagu soo qaaday weerarro halis ah oo lagu bartilmaameedsaday meelo muhiim ah, kuwaas oo ujeeddadoodu ahayd in kha-lkhal lagu geliyo dalka.

Hay’adda Amniga qaranka ee INSA ee dhinaca Internet-ka ee Ethiopia, ayaa sheegtay in maanta dalkeedu la kulmay weerarro bartilmaameedkoodu ahaa hay’addaha dhaqaalaha, si dalka looga fadhiisiyo nidaamyada dhinac Internetka ee dalkeeda, balse NSA waxay sheegtay inay si buuxda awood ugu leedahay ka hor tagga weerarrada Internet-ka, kuwaas oo laga hortegey.

Sarkaalka ku-xigeenka ka ah madaxa hay’adda INSA ee Ethiopia, Warku Gachna ayaa waxa uu sheegay in khadka isgaadhsiinta gaar ahaan Internet-ka laga bakhtiiyo goobo cayiman oo ay oggaadeen in ay ahaayeen bartilmaameedka weerrarkaa.

Warku Gachna, waxa uu xusay in ay waajibaadkooda yahay in ay ka hortagaan weerrar kasta oo Internet-ka oo lagu soo qaado dalka, waxaana wararka qaar sheegayaan in Baananka iyo Wasaaradda Maaliyaddu ay ahaayeen meelaha weerarrada dhinaca Internetka lagu qaaday.