Araweelo News Network.

 

#Ethiopia Oo Shaacisay Saraakiisha #TPLF ee Isu Dhiibay Dawladda

Addis Ababa(ANN)-Xukuumadda Dalka Ethiopia, ayaa shaacisay magacyada hoggaamiyayaasha Tigray ee jabhada TPLF ee la raadinayo iyo & saraakiisha sare ee ciidamada ee ay dileen ciidamada dowlada Federaalka Ethiopia mudadii dagaalku ka socday gobolkaa.

Wasaaradda Difaaca ee Ethiopia, ayaa sheegtay in Dr. Mulu Gebregziabher, isu dhiibay dawladda Federaalka wasiiru dowlihii hore ee gaadiidka, waxaana lagu qabtay howlgal wadajir ah oo ay qaadeen ciidanka difaaca iyo Booliska federaalka.

Shir Jaraa’id oo uu maanta qabtay, Brig.Gen Tesfaye Ayalew, Madaxa Waaxda Howlgalinta Ciidamada Difaaca wuxuu ku sheegay in tiro ka mid ah hoggaamiyaasha sare ee millateriga ee taliska TPLF lagu qabtay howlgalka.

Wasaaradda Difaaca, ayaa sidoo kale sheegtay in la dilay 11 Kornayl iyo 1 Gaashaanle Dhexe, walaw aan la xaqiijin qaabka loo dilay in ay dagaalka gobolka Tigray ee u dhexeeya ciidamadda Federaalka Ethiopia iyo Jabhada xorraynta ee TPLF.

Dadka la dilay waxaa ku jira Colonel Yemane Gebremichael. Sida laga soo xigtay dawladda Ethiopia, Kornayl Yemane Gebremichael, ayaa ahaa hoggaamiyihii lagu eedeeyay inuu fuliyay xasuuqii ka dhacay Mai Cadera ee la fuliyay habeenkii November 10.

Brig.Gen Tesfaye Ayalew, wuxuu sheegay in saraakiisha diiday inay isu dhiibaan ciidamada difaaca Ethiopia la burburiyay, balse ma cadda sida loo bur-buriyay.

liiska magacyada hoggaamiyayaasha taliska TPLF, ee la sheegay in la bur-buriyay ayaa ah kuwan:-

Col. Yemane Gebremichael

Col. Alem Gebremedhin

Col. Biniam Gebremedhin

Col. Ambaye

Col. Masho

Col. Yirga Seyoum

Col. Hadush

Col. Atsebha

Col. Tesfaye Gebremedhin

Col. Yohannes Kalayou

Col. Tekleggziabher.

Lt Col. Berhane Tola iyo afar kornayl oo kale iyo laba Sarkaal oo maamulayay aag ka mid ah deeggaanka Tigray.

Dr Alem Berhane, Col. Mebrhatu Gebremedhin, Col. Hadush Hagos, Col. Hiluf T / Medhin, iyo Lt. Col. Teklehiwot Assefa, ayaa isu soo dhiibay ciidamada difaaca, ayuu yidhi.

Ciidanka difaaca waxay hayeen macluumaad sheegaya in hogaamiyeyaasha millatariga ee hadhay kooxda TPLF ay iskuqarinayaan hawlo diimeed, masaajidyo iyo godad, Brig.Gen Tesfaye.

 

Tiro maleeshiyo ah iyo Xoogaga Gaarka ah ee kooxda TPLF, ayaa sidoo kale ka dhacay ciidanka dowlada, ayuu raaciyay.

Ciidanka difaaca waxay hayeen macluumaad sheegaya in hoggaamiyeyaasha millateriga ee hadhay kooxda TPLF, ay iskuqarinayaan hawlo diimeed, masaajido iyo godad ay ku dhuumanayaan, ayuu yidhi, Brig.Gen Tesfaye.