by Geopolitical Monitor

Waxay ahayd horaantii sannadka January 1, 2024, markii  Ethiopia ay Somaliland la saxeexatay heshiis ku saabsan gelitaanka Dekedda. Sida ku cad heshiiska, Ethiopia waxay aqoonsan doontaa dhulka ismaamulka ah ee Somaliland oo ay ku beddeshay marrin badeed iyo saldhig ciidan. Ethiopia waa dawlada aduunka ugu wayn ee dhul-xidhan oo aan Bad laahayn,  waana matoorka koritaanka Geeska Afrika. Heshiiska ayaa u ogolaanaya Ethopia innay gasho gacanka cadmeed, Badda Cas iyo Hindiya.

Soomaaliya, ayaa sheegata Somaliland innay ka tirsan tahay dhulkeeda, waxayna si cadho leh uga jawaabtay ku dhawaaqista heshiiska. Heshiiskan ayaa loo arkaa mid meel ka dhac ku ah qarannimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, inkasta oo aannay Soomaaliya awood u lahayn innay gacanta ku dhigto Somaliland tan iyo 1991-kiiheshiisku waxa uu awood u leeyahay in uu dib u qaabeeyo Istiraatiijiyada juqraafiyeedka Galbeedka Badweynta Hindiya.

Muhiimadda istiraatijiyadeed ee Gacanka Cadmeed

Somaliland waxay ku taal xeebta Koonfureed ee gacanka cadmeed. Gacanka Cadmeed waxa uu ahaa marin-biyood istaraatiiji ah oo muhiim ah tan iyo markii la furay Kanaalka Suweys 1869-kiiMaciinka Bab-el-Mandeb ayaa isku xidha Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas, waxaana uu bixiyaa jidka ugu gaaban ee isku xidha Aasiya iyo Yurub. Tan iyo markii ay soo ifbaxday Galbeedka Aasiya oo ah xudunta tamarta adduunka, muhiimadda istiraatijiyadeed ee Gacanka Cadmeed aad ayay u korodhay. khaliijku waa mid muhiim u ah tamarta Galbeedka Aasiya loo dhoofiyo Yurub iyo Ameerika. Sidaa darteed, sannadihii la soo dhaafay, dekedaha ku yaal Khaliijka waxay heleen muhiimad juqraafiyeed oo sii kordhaysa

Dhawrkii toddobaad ee la soo dhaafay, gacanka Cadmeed iyo Koonfurta Badda Cas ayaa wararka laga helayay sababtuna waa weerarrada isdaba jooga ah ee lagu hayo maraakiibta xamuulka ah ee fallaagada Xuutiyiinta ee Yemen. Weeraradan iyo go’aankii shirkaddaha waaweyn ee maraakiibta caalamiga ah ay ku hakiyeen isu socodka Badda Cas, waxay hoosta ka xariiqeen dayacnaanta marrinka Badda ee sii mara gacanka cadmeed ee Badda cas. Iyagoo ka jawaabaya hanjabaadaha Xuuthiyiinta, ciidamada Badda ee Maraykanka, oo ay weheliyaan la-hawlgalayaasha muhiimka ah oo ay ku jirto Britain, ayaa maraakiib dagaal geeyey gobolka. Waa jawi istaraatiijiyadeed oo kacsan markii lagu dhawaaqay heshiiska Ethiopia iyo Somaliland

Dib u qaabaynta Geopolitics

Dhammaan xeebaha Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, laga soo bilaabo Suweys ee woqooyiga ilaa Soomaaliya ee Koonfurta waxay u soo ifbaxday goob juqraafi ah dhowrkii sano ee la soo dhaafay. Ciyaartoyda waaweyn ee caalamiga ah iyo kuwa gobolka ayaa damcay inay saldhigyo ka samaystaan gobolka. iyo wadamo kala duwan sida US, Russia, China, Saudi Arabia, Turkey, iyo Imaaraadka Carabta (UAE) waxay si habaysan u balaadhiyeen raadkooda ciidan

Tan iyo markii ay noqotay dal aan Bad lahayn oo ay ka go’day Eritrea horaantii sagaashamaadkii, Ethiopia waxay raadinaysay marrin badeed. Heshiisku wuxuu bixiyaa rajada dhabta ah ee helitaanka tooska ah ee Badda. Ethiopia waxay hore isugu dayday innay gasho dekedda Berbera ee Somaliland iyada oo loo marayo heshiis saddex geesood ah oo dhex maray Imaaraadka,Ethiopia iyo Somaliland. Heshiiska hadda socdaa waa heshiis laba geesood ah oo aannay ku jirin Imaaraadka. heshiisku waxa uu kala duwanaan doonaa marrinada ay Ethiopia ka hesho Badda, waxa uuna hoos u dhigayaa ku tiirsanaanta baaxadda leh ee ay Djibouti ku leedahay ganacsiga caalamiga ah.

Sidoo kale, Heshiisku waxa uu awood u leeyahay in uu sii huriyo hubanti la’aanta iyo xasillooni-darrada ka jirta dhul-badeedka Afrika iyo qaaradda oo horeba u dhibanaa. Suudaan waxaa ka socda dagaal sokeeye oo ba’an; Ethiopia waxay ka soo kabanaysaa dagaaladii sokeeye ee muddada saddexda sano ah; dagaalka Qazana aan dhamaad lahayn. iyadoo weerarrada fallaagada Xuuthiyiinta ay xidhiidh la leeyihiin dagaalka Qaza, marrin ammaan ah oo ay maraan maraakiibta xamuulka ah ee isaga kala goosha gacanka cadmeed iyo Badda Cas ayaa ah mid aan la hubin. Sidaa darteed, waxaa lagu wadaa in joogitaanka ciidamada shisheeye uu kasii socdo gobolka. Gelitaanka Ethiopia iyo hamiga ku aaddan horu-marinta gobolka ayaa weji kale kusoo kordhinaysa istaraatiijiyaddan isbeddelaysa.

Marka laga soo tago hubanti la’aanta kusoo korodhay Badda, heshiiska Ethiopia iyo Somaliland ayaa ah mid keeni kara colaad dhanka dhulka ah. Soomaaliya si adag ayay uga fal celisay heshiiska, waxaana lagu cadaadin doonaa innay ‘wax qabato’si kastaba ha ahaatee, awoodda Soomaaliya ay u leedahay innay qaado hawlgal Millateri oo wax ku ool ah oo ka dhan ah Somaliland ammaba dhanka Ethiopia ama labadaba waa xaddidan tahay.

Dalku ma awooddin in uu ka guulaysto falaagada argagixisada ah ee Al-Shabaab waxana uu u halgamay sidii uu maamul uga samayn lahaa guud ahaan dhulka ay ka taliso. dagaal lala galo Ethiopia amma Somaliland waxa hubaal ah in uu dareenka ka leexiyo hawlgalladan argagixisada ah

Sidaa darteed, raadinta dheer ee Ethiopia ee helitaanka Dekeddu waxay si wanaagsan u gaadhi kartaa midho-horumar awood u leh inuu dib u qaabeeyo juquraafi-siyaasadeedka Galbeedka Badweynta Hindiya.

 

Maqaalkan waxa lagu daabacay Geopolitical Monitor.com, By Sankalp Gurjar, waxa Turjumay oo Tafaftiray Arraale M. Jama