” Dhanka kale, qolyihii Qorayaha watay (SNM) laftooda waxa laga rabaa cudur-daar,”

Muqdisho(ANN)-Farmaajo Madaxweynaha Dawladda Federaalka ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si jees-jees ah uga hadlay Tacadiyadii iyo Xasuuqii ay Shacbiga Gobolada Somaliland u geysatay Dawladdii Millateriga ahayd ee Siyaad Bare xilligii siddeetanaadkii.

Madaxweyne, Farmaajo oo maanta ka hadlay kulan Magaalada Muqdisho tababar loogu soo xidhay Hay’addaha Garsoorka, wuxuu afkiisa ka dhawray inay dibnihiisa kasoo baxaan oo uu qiro xasuuqii dadka maatada ah loo geystay iyo tacadiyadii oo ah mid ka diiwaan gashan Hay’addaha Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadamaha, isla markaana liiska dadkii geystay gabood falada xasuuqaa ay yaaliin xarumaha Caalamiga ah ee Hay’addaha dabagalka Xasuuqa.

“Dagaalka Sokeeye wuxuu bilaabmay 1988, wuxuuna ka bilaabmay Gobolada Woqooyi oo ay ku nafwaayeen dad badan, dhib iyo dhaawac badan ayaa ka dhacay, qax iyo hanti badan oo bur-burtay, 1991, dagaalkii sokeeye meel walba wuu gaadhay, waxaynu ku weynay dawladnimadeenii, sharafteenii iyo sumacadeenii aynu ku weynay, haddaba waxa la rabaa hada aynu joogno meeshii aynu uga socon lahayn oo cadaaladda ah.” ayuu yidhi, Farmaajo.


“Waxa loo baahanyahay garawshiiyo in wixii xumaa ee dhacay layska Cafiyo, inaynu saxno qaybihii madoobaa ee taariikhdeena galay, macneheedu waa dhibaatada ka dhacday Woqooyi innaan cudur-daar ka samayno, oo dadkaas wallaaleheen ah, (Somaliland), intii dhimatay iyo intii dhaawacantay aynu nidhaahno, waxay ahayd taariikh xun oo aynu soo maray, mana ahayn Koonfur oo Woqooyi ku duushay, wax qabiil ku salaysana ma ahayn, waxay ahayd nidaam dawli ah oo markaa jiray. Anigoo Madaxweynihii qaranka ah innaan Cudur-daarkaa samayno oo raaligelintaa gaadhsiino wallaaleheen, idinkuna ila qaadataan.” ayuu yidhi, Madaxweyne Farmoo oo mar keliya aan soo hadal qaadin Xasuuqii iyo tacadigii loo geystay Shacbiga aan waxba galabsan iyo tacadiyadii badnaa ee loo geystay shacbiga Somaliland.

Waxa kale, oo Madaxweynaha Soomaaliya si jees-jees ah uga hadlay arrintaa kusoo ururiyay inay ahayd oo keliya dagaal sokeeye, isla markaana wuxuu usoo jeediyay jabhadii SNM, ee la dagaalantay Taliskii Siyaad Bare inay iyagana raali gelin bixiyaan, isagoo si sarbeeb ah u yidhi, “Dahnka kale, qolyihii Qorayaha watay laftooda waxa laga rabaa cudur-daar,” ayuu yidhi, isagoo dhoola-cadaynaya, waxayna qaar ka mid ah dadkii fadhiyay goobta uu hadalka ka jeediyay ku jawaabeen qosol.

Hadalka Madaxweynaha Soomaaliya ee u muuqda tiiq-tiiqsiga iyo jees-jeeska, ayaa yimi, maalin kadib markii uu ku laabtay Magaalada Magaalada Muqdisho, iyadoo kulan ay magaalada Addis Ababa ee Ethioia ku yeesheen, Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, kaas oo aan la ogayn, waxa lagaga hadlay iyo ujeedadiisa, balse kulanaka oo Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia ugu qabtay xafiiskiisa, ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee ay yeeshaan Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Muuse Biixi, ayay weli dadku su’aalo iska weydiinayaan shaciga Somaliland, iyadoo aannay xukuumadda Somaliland wax tafaasiil ah ka bixin, isla markaana aannay jirin wax laga soo saaray oo natiijadiisa iyo ujeedadiisa midna lagu shaaciyay.

AKHRI: Dhawaaqyo Kala Duwan Oo Kasoo Baxay Kulankii Madaxweynayaasha Somaliland Iyo Soomaaliya Ee Ethiopia