Araweelo News Network

Muuqaalka Gaadhiga Casriga ah ee shirkad uu lahaa Qadaafi samaysay

Muuqaalka Gaadhiga Casriga ah ee shirkad uu lahaa Qadaafi samaysay

Hoggaamiyihii hore ee Liibiya, Muammar Gaddafi oo xukunka lagaga tuuray kacdoonka ay dibadda ka riixaayeen waddamada reer galbeedka, ayaa intii aannu dhiman nashqadeeyey, isla markaana sameeyey baabuur aad u xawaare dheereeya, dunidana aan hore noocooda looga soo saarin.
Gaadhigan Qadaafi sameeyey oo ahaa ka ugu dheereeya adduunka ayaa awood u lahaa inuu safri karo masaafo aad u badan, waxaannu caan ku ahaa taayirro bagaxsan amma ballaadhan, kaasoo sidoo kale lahaa qalab shidaalka gaadhiga ka joojinaya marka uu shil galo amma ku dhawaado inuu shil gelayo si aan gaadhigu u qarxin amma dabka shilka ka dhashaa qarax ugu sababin.
Waxa la ogaaday in shirkad uu lahaa hoggaamiyihii Liibiya ay soo saartay baabuur badan, balse aan adduunka lagu sii dayn, waqtigii la rabay in Liibiya iyo suuqyada caalamka la geeyana uu dalkiisa ka dhacay kacdoonkii sababay in isaga iyo qoyskiisaba la ugaadhsado, aakhirkana mid mid loo dilo badankoodii.