Gaalkacayo(ANN)- Ugu yaraan tobaneeyo qof, ayaa  ku nafwaayay dagaal maanta ka dhacay deegaanka Kaxandhaale ee Gobalka Galgaduud ee badhtamaha Soomaaliya.

Warar hordhaca oo ka imanaya deegaankaa, ayaa sheegaya in dagaalka khasaaraha sababay u dhexeeyo laba malayshiyaad oo deegaanka ah, iyadoo dhimashada ka sokow ay jiraan dhawr qof oo dhaawacyo kasoo gaadheen dagaalka.

Saadiq Sheekh Yuusuf Sheekh Ibraahim oo ka mid ah maamulka gobolka Galmudug, ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaalkaa oo u dhexeeya dadka deegaankaa ee ku kala qaybsan maamulada Galmudug iyo Hiiran kuwaas oo marar hore dagaalo khasaare dhaliyay sidan oo kale u dhexmareen.