Garoowe(ANN)- Khilaafka u dhexeeya Maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland, ayaa sii socda, kaas oo u dhexeeya Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaabi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash).

 

Hase yeeshee waxa soo baxaya warar sheegaya in ay jirto dhex-dhexaadin laga wado labada masuul oo isku haya awoodda iyo talada maamulkaa, Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), ayaa Guddiyo ka socday ururrada bulshada oo la kulmay labada dhinac, ayaa warbaahinta u sheegay  inay Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenkiisa kala hadleen in khilaafka xal deg-deg ah laga gaadho, si looga hortago in khilaafku isku beddelo gacan-ka-hadal iyo dhaawac soo gaadha midnimada Puntland oo aannu saamayn ugu yeelen amaanka maamulka.

Guddoomiyaha Dalladaha Ururrada Bulshada Rayidka ah ee Puntland Faysal Qaran, ayaa u sheegay warbaahinta in khilaafka uu salka ku hayo arimo shaqo, balse uusan la xidhiidhin arimo shaqsiyadeed. Faysal Qaran wuxuu sheegay in labada dhinac uu mid kastaa ballanqaaday in uu diyaar u yahay in khilaafka la xalliyo dibna loosoo celiyo wada shaqayntoodii, iyagoo sheegay sida loo buunbuuniyay khilaafka inaanu gaarsiinayn.

“Annagu markii hore shir baan yeelannay, haddii aan nahay qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah, waxaana go’aan ku gadhnay inaan arrintaas galno, markii aan u tagnay madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka labadaba waxaan kala kulannay soo dhaweyn iyo qaddarin. Waxaan ka wada hadalnay in xiisadda la dajiyo oo ay iyagu wadahadlaan, sidaasna waxay nooga ballan qaadeen inay heshiiyaan,” ayuu yidhi, Faysal.

Khilaafka ayaa ka dhashay wadatashi la’aan, waxayna soo baxday kasoo horjeestay magacaabista Taliye kuxigeenka Madaxtooyada Puntland oo uu magacaabay madaxweyne Deni.

Balse waxa magacaabista kasoo baxda madaxtooyada Puntland, ganafka ku dhiftay Madaxweyne ku xigeenka Axmed Karaash., taas oo sababtay in khilaafka  labada masuul sii xooggaystay, kaas gaadhay halka uu maanta marayo.