Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Alleh ha u naxariistee waxa naftooda ku waayay daad marayay dooxa Aw-Barkhadle oo dhinaca Bari ee Magalaada Hargeysa ah laba hablood oo walaalo ah. Kadib markii maanta gelinkii danbe gaadhigii ay wateen uu qaaday daadku.
Labada Hablood oo magacyadoodu ahaayeen Asma Maxamed Yusuf iyo Foosiya Maxamed Yusuf, waxa ay wararka la xidhiidhaa sheegayaan inay ka yimaadeen dhinaca Magaalada Berbera oo ay wateen gaadhi ay ku safrayeen, iyagoo usoo jeeday dhinaca Magaalada Hargeysa, balse roobabka raxmaadka oo ka curtay deegaamada Somaliland, gaar ahaa roobab maanta gelinkii danbe ka da’ay dhinaca galbeedka Hargeysa daadad kasoo rogmaday sababeen dhimashada labadaa hablood oo walaalo ah.
Dhinaca kale war kasoo baxay Taliska Booliska Somaliland, ayaa dadka looga digay inay dooxyada daadadku marayaan naftooda ku biimeeyaan inta ay soconayaan daadku, isla markaana muujiyaan taxadir iyo feejignaan dheeraad ah.
Waa khasaarihii u horeeyay ee ay sababeen roobabka raxmaadka Alleh ee Abaarta afka jebiyay deegaamo badan oo Somaliland ka tirsan oo maalmihii u danbeeyay roobabka ka da’ay lagu doogsaday, balse weli waxa deegaamo badan oo ka mid ah dhulka abaartu haysay ka taagan xaalad argagax leh, iyadoo inta badan xoolihii dhamaadeen, isla markaana dadku u baahan yihiin gurmad iyo taageero.