Araweelo News Network

WAR-SAXAAFADEED

Hargeysa(ANN)-Kal-fadhigii shanaad (5aad) ee ay yeeshaan golaha wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-gudoominayey Madaxweynaha Qaranka Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi kuna wehelinaayey madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo ka qabsoomay maanta oo ay taariikhdu tahay 08.02.2018, Madaxtooyada Somaliland, ayaa waxaa si mug leh loogu lafo-guray dagaaladda dhexmara qaar ka mid ah beelaha walaalaha ah ee ku dhaqan Somaliland, saamayn tabanna ku yeeshay bulshada Somaliland, sidoo kale waxaa wasiirradu dareen adag ka muujiyeen dhalinyarada rabshadaha ka sameeya magaalooyinka waa wayn ee dalka qaarkood.

Golaha wasiirraddu waxay soo jeediyeen in ay lagama maarmaan tahay in la helo xal waara oo lagu xakameeyo lagagana hortago in isku dhacyada beeluhu aanay dib u soo noqon iyo in la xoojiyo nidaamka dawladnimada si bulshadu u hesho nabadgalyo buuxda, wixii dhibaato ah ee iminka jirana lagu dhammeeyo hab dawladnimo.

Dhanka kale waxaa wasiirradu ku dheeraadeen in ay dalka ka jirto xaalad abaareed loona baahan yahay in la helo qorsheyaal wax ku ool ah oo lagaga hortagi karo abaaraha dalka ku soo noqnoqonaya iyo in la sameeyo daraasad sal balaadhan oo ku wajahan abaaraha. Sidoo kale waxaa golaha wasiirradu ka hadleen ka ganacsiga noocyada duur-joogta oo qaybo dalka ka mid ah laga soo sheegay, gabagabadii shirka waxa ka soo baxay qodobadan:-

In guddida nabad-galyadda golaha wasiirradu ay daraasad qoto dheer ku soo sameeyaan sida looga hortagayo dagaaladda beelaha ee in badan soo noqnoqonayey.

In la sameeyo daarasad cilmiyaysan iyo qorsheyaal wax ka tari kara abaaraha soo noqnoqday, iyagoo kaashadaan aqoon yahan-nada iyo Jaamacadaha Dalka

In sida uu dhigayo Xeer Lr: 69/2015 ay mamnuuc tahay in muwaadiniin iyo Ajaanib-tu ay ka ganacsadaan duurjoogta dalka nooc kasta oo ay tahay iyo falkasta oo lagu dhibaataynayo, “Duur –joog: waxaa loola jeedaa xayawaan kasta oo laf dhabar leh, ama bilaa laf-dhabar ah waxaana ku jira ugxanta iyo dhashooda, waxa ka baxsan bini’aadamka, xoolaha la dhaqdo iyo kalluunka”.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.