Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Mudanayaasha golaha guurtida Somalikand, ayaa meel mariyay xeerka Tacadiyada Iyo Kufsiga loo geysto Haweenka oo hore Golaha wakiiladu u meel mariyeen.

Fadhi ay maanta kasoo xaadirren 51 ka mid ah Xildhibaannada golaha guurtida ee Somaliland, ayaa golaha loo weydiiyay cod, waxaana ogolaaday oo u codeeyay meel marinta xeerkaa 35 madane, iyadoo 7 mudane diideen, halka 9 Xildhibaan ka aamiseen.

Waxaana sidaa ku ansaxay xeerkaa oo ka hor Intii aanay ansixin golaha guurtidu wax ka bedel ku sameeeyeen qodobada qaarkood.

Dhinaca kale Xildhibaan Dheeg oo ka mid ah Aqalka Odayaasha, ayaa si weyn u dhaliilay in golaha guurtidu ansixiyaan xeerkaa oo uu ku tilmaamay mid khaladaad badan ka muuqdaan.