Araweelo News Network

Golaha wasiiradda Muuse Biixi

Hargeysa(ANN)-Kal-fadhi ay golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somalialnd maanta oo Salaasa ah yeesheen oo uu shir-guddoominayey madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa si rasmi ah loogu ansixiyey odoroska miisaaniyad-sannadeedka 2018-ka oo ay goluhu dooddeeda hore u gudo galeen.

Odoroska miisaaniyad sanadeedka qaranka ee 2018-ka oo cadadkeedu dhan yahay 1687000,000,000 (Hal trillion, lix Boqol iyo Siddeetan iyo Toddoba Bilyan), SL shilling, ayaa xambaarsan korodh dhan 9%(Boqolkiiba Sagaal) marka loo eego middii ka horraysay ee 2017-kii, waxaana 34.5% (Boqolkiiba Afar iyo Soddon iyo badh) kamid ah miisaaniyaddan loo qoondeeyey mashaariic horumarineed, iyada oo Ciidamada qalabka sida iyo macallimiinta mushaharkooda kor loo qaaday, isla markaana la kordhiyey raashinka maxaabiista jeelasha dalka ku jira.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa si waayeelnimo ah uga hadlay dedaalka iyo adkaysiga ay xubnaha golaha wasiirradu ka muujiyeen ku qancidda miisaaniyaddan, xilli uu dalku ku jiro duruufo kala duwan, waxaana uu yidhi, “Dooddaas aynu yeelanay wax badan baynu ku kala duwanaan karnaa, waxaynuse isugu soo ururnay, iyada oo dhoofkii xooluhu inaga xidhan yahay oo duruufo adag lagu jiro oo meelo badan oo kale abaaro iyo dhibaatooyin kale ka jiraan in wasiir waliba sidaas uu wax u tabanayo ay haddana noqotay lagama maarmaan inaynu sidaas ku hawlgalno oo aynu dhexda xidhanno.”

Madaxweynaha oo ka hadlaya culayska ay xubnaha golaha wasiirradu ugu dhiirradeen inay qaataan tashiilka lagu sameeyey kharashaadkii wasaaradaha ay qaabilsan yihiin iyo muhiimadda ay arrintaasi leedahay, ayaa tilmaamay in ku qancidda xaqiiqada jirtaa tahay tallaabo qaranku ku horumari karo, “Waxa ugu weyn ee dawladda lagu canaantaa waa dawladdu ha samayso gunti-giijin(Tashiil) oo ha yareeyeen kharashka ay bixinayaan, halka aynu ka duulnayna waa halkaas, waanad ku mahadsan tihiin in wasaarad walba iyada oo gunti-giijis adag loo sameeyey inaynu hadanna maanta sidaas isla garanay, waayo waa inaynu ku dhaqannaa waxa runta ah ee ina horyaalla,” ayuu yidhi madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Kaddib markii ay xubnaha golaha wasiirradu cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen odoroska Miisaaniyad sanadeedka 2018-ka oo ah middii 26-aad ee qarankani yeesho, waxa faahfaahin kooban oo miisaaniyadda ku saabsan warbaahinta siiyey, Af-hayeenka madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamuud Warsame Jaamac, waxaana uu mid mid u dul istaagay meelaha ay sida gaarka ah diirrada u saarayso, waxaana uu yidhi, “Waa markii ugu horraysay ee cadad intaas le’eg loo qoondeeyo mashaariicda horumarinta, miisaaniyaddani waxa ay diiradda saaraysaa adeegga aas-aasiga ah ee Bulshada, sida caafimaadka, waxbarashada iyo Biyaha, iyada oo ku salaysan wax soo saarka Beeraha iyo Kalluumaysiga, sida oo kale waxa saami looga qoondeeyey sanduuqa horumarinta Dhallinyarada Somaliland iyo u diyaar-garowga Aafada Abaarta ee dalkeena kusoo noqnoqday.”

Miisaaniyaddan ay golaha wasiirradu maanta ansixiyeen oo aanay jirin cid diiday iyo cid ka aamustay toona, waxa loo gudbiyey golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, kuwaas oo waajibkooda ka gudan doona.

Wa-bilaahi Tawfiiq