Hargeysa(ANN)-Guddida u diyaar-garowga iyo ka hor-tagga caabuqa Covid-19, ee Somaliland, ayaa debciyay xayiraadii ay hore usoo roggeen ee la xidhiidhay xaaladda xanuunka COVID-19.

Qoraalo ay ku xuseen go’aamo ay maanta soo saareen oo lagaga dhawaaqay madal uu Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, isla markaana ah Guddoomiyaha Guddida u diyaar-garowga iyo ka hor-tagga caabuqa Covid-19, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Saylici) oo ay weheliyaan xubno kala lagaga dhawaaqay, waxay ku shaciyeen go’aamada ay soo saareen.

Guddida, ayaa sheegay Inay qiimayn iyo dib- u-eegis ku sameeyeen qodobo ka mid ah xayiraada oo ay hore u shaaciyeen, kadib markii xannuunka lagu arkay geyiga Somaliland, walaw aannay inta baddan dhaqangal noqon go’aamada hore qaar ka mid ah.

.Qoraalka go’aamada cusub ee ay soo saareen maanta waa kuwan:-