Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)- Guddida Heer Qaran ee Culimada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa markii u horaysay si rasmi ah loogu dhawaaqay magacyooda, kadib markii ay guddidaas soo xuleen afar xubnood oo isugu jira xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo Golaha Guurtida Somaliland.
Madaxweynaha Somaliland oo magacyada 11 xubnood oo nodon doona guddida culimada dalka kaga dhawaaqay kulan afur ah oo lagu qabtay xarunta Madaxtooyada habeenkii Jimcaha, iyadoo sida ku cad dastuurka Somaliland ay guddida culimadu si rasmi ah shaqadooda u bilaabi doonaan marka laga ansixiyo Golaha Guurtida, iyadoo uu Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir oo ku jiray liiska guddida culimadu ka cudur-daartay ka mid noqoshada guddidaas.

“Anniga oo tixgelinaya codsigii aad culimo ahaan ii soo jeediseen ee ku saabsanaa samaynta guddida culimada ee dastuurka ku xusan, waxaan u magacaabay laba xubnood oo ka tirsan Golaha Xukuumadda iyo laba xubnood oo ka tirsan Golaha Guurtida si ay u soo xulaan, una soo magacaabaan xubnaha Guddida Culimada Qaranka, isla markaana u gudbiyaan Golaha Guurtida, si ay u ansixiyaan. Farxad weyn bay ii tahay in hawshaa la dhammaystiray muddadii aan xilka qarankan hayey.” Sidaa waxa yidhi Madaxweyne Siilaanyo markii uu ku dhawaaqay liiska 11-ka xubnood ee noqonaya guddida culimada oo uu ku jiro agaasimaha guud ee Guddidaas oo ku noqonaya 12 xubnood.
“Ugu dambayn, waxaan idinkula dardaarmayaa in aad xoojisaan midnimada iyo wada-shaqaynta culimada dhex-deeda. Sidoo kale, waxaan idinkula dardaarmayaa in aad nagala shaqaysaan la-dagaalanka bal-wadaha, figradaha xag-jirka ah, qabyaaladda iyo ka hortagga kala qaybinta bulshada. Ducada badiya, dadkana khayrka u tilmaama,” ayuu yidhi Madaxweynuhu
Xubnaha Guddida culimada lagu dhawaaqay waxay kala yihiin sidan;
1. Sheekh Cabdillaahi Cali Boqorre Jawhar
2. Sheekh Maxamuud Suufi Muxumed
3. Sheekh Maxamed Cumar Dirir (wuu ka cudur-daartay inuu ka mid noqdo guddida)
4. Sheekh Dr. Axmed Jaamac Ismaaciil
5. Sheekh Dr. Cabdirashiid Sheekh Saalax
6. Sheekh Dr. Xasan Sheekh Cali Warsame
7. Sheekh Dr. Cumar Yuusuf Axmed
8. Sheekh Cabdillaahi Xasan Xaashi Barbarawi
9. Sheekh Cabdikariim Xasan Xoosh
10. Sheekh Maxamed Cali Jaamac (Gadhle)
11. Sheekh Cabdiraxmaan Aw Axmed Cabdi
12. Iyo Sheekh Maxamed Xasan Yuusuf (Agaasimaha guud ee guddida)

Dastuurka Somaliland iyo 7 qodob oo lagu faahfaahiyey awoodaha, waajibaadka iyo hawlaha shaqo ee guddida culimada + waxyaabaha ka reeban xubnaha guddida culimada
QODOBKA 115AAD
GUDDIDA CULIMADA
WAAJIBAADKA GUDDIDA
Guddida Culimadu waa guddi madax-bannaan oo u xilsaaran:¬
1. Inay si rasmi ah uga bixiyaan caddayn:¬
b. Khilaafka Diiniga ah ee abuurma.
t. Wixii la isku qabto inuu Shareecadda khilaafsan yahay iyo in kale, amma iyaga ula muuqda inuu Shareecadda khilaafsan yahay.
Guddidu waxay caddayntooda u gudbinayaan xafiiska codsiga caddayntu uga yimmid ama Maxkamadda Dastuurka wixii iyaga uga muuqda.
2. Inay sameeyaan cilmi-baadhis nooc kasta ha ahaadee iyagoo ka eegaya dhinaca Diinta, gaar ahaan horumarka cilmiga sayniska iyo Diinta. Inay eegaan, hubiyaanna, kutubta laga turjumo Shareecadda, gaar ahaan kuwa Maxkamaduhu u cuskadaan xukunkooda {ka hor intaan sharci ahaan loo ansixin}, iyo kuwa gelaya manhajyada waxbarashada ee ku saabsan dhaqan-¬aqooneedka Diiniga ah.

QODOBKA 116AAD
TIRADA GUDDIDA IYO MUDDADA XILKA.

Guddida Culimadu waxay ka kooban yihiin kow iyo toban (11) xubnood; muddada xilkuna waa shan sanno (5); xubintii mutaysatana dib baa loo soo magacaabi karaa.

QODOBKA 117AAD
SHURUUDAHA XUBNAHA

Xubnaha Guddida Culimadu waa inay yeeshaan shuruudaha hoos ku qoran:¬
1. Inuu yahay muwaadin, maskax ahaan iyo jidh ahaanba u gudan kara xilkiisa.
2. Inaanay da’diisu ka yaraan afartan sanno {40}.
3. Inuu yahay nin lagu yaqaan ALLAH-KA-CABSI iyo akhlaaq wanaag.
4. Inaanu hore ugu dhicin xukun ciqaabeed oo maxkamad horteed kaga caddaaday shantii sanno ee ugu dambaysay.
5. Inuu leeyahay aqoon heer jaamacadeed ah amaba wax u dhigma oo dhinaca Diinta ah.
6. Markuu xilka Guddida qabto inuu ku sifoobo dhexdhexaadnimo dhinacyada siyaasadda iyo aragtida Diineed.

QODOBKA 118AAD.
WAXYAABAHA KA REEBBAN XUBNAHA.

Xubnaha Guddida Culimada waxa ka reebban.
1. Inay ku tilmaanaadaan xisbi siyaasadeed ama urur gaar ah oo Diineed.
2. Inay qabtaan xil kale oo Qaran inta ay xilka Guddida hayaan.

QODOBKA 119AAD
MAGACAABIDDA XUBNAHA GUDDIDA
CULIMADA.

I. Xubnaha Guddida Culimada waxa soo magacaabaya guddi laga soo cayimo Golaha Xukuumadda iyo Golaha Guurtida oo is-tiro le’eg; waxaana oggolaanaya Golaha Guurtida.
2. Guddida Culimadu iyagaa iska dhex-dooranaya Guddoomiye iyo Guddoomiye ku-xigeen

QODOBKA 120AAD
BANNAANAANSHAHA XUBINNIMADA
GUDDIDA CULIMADA

Xubinnimada Guddida Culimada waxay ku bannaanaan kartaa:
1. Haddii uu istiqaalad dhiibo amma uu geeriyoodo.
2. Haddii ay burto shuruud ka mid ah shuruudihii xubinnimada.
3. Haddii uu xukun ciqaabeed oo kama damays ahi ku dhaco.

QODOBKA 121AAD.
MUSHARKA IYO GUNNADA.

Mushaharka iyo gunnada xubnaha Guddida Culimada xeer baa nidaaminaya.

Hasa yeeshee, weli lama dhammaystirin xeerka ku cad qodobkan 121aad ee dastuurka oo jidayanaya gunnooyinka xubnaha guddida culimada Somaliland la siin doono muddada 5 sanno ah ee ay shaqayn doonaan, haddii Ilaahay yidhaah.