Kaltuun Sh. Xasan: ” Soomaaliya, sida aanay Doorasho uga qaban karin Kenya, Djibouti iyo Itoobiya ayaanay ayaanay Somaliland-na Doorasho uga qaban karin .”

Kaltuun Sheikh Xasan oo kamida Guddida Doorashooyinka Somaliland
Kaltuun Sheikh Xasan oo kamida Guddida Doorashooyinka Somaliland

Hargeysa(ANN)-Marwo Kaltuun Sh. Xasan oo kamida Guddida Doorashooyinka Somaliland, ayaa wax lala yaabo ku tilmaantay hadal ka soo yeedhay Guddida Doorashooyinka Soomaaliya oo ahaa inay Doorasho ka qabanayaan deegaamada Somaliland sanadka 2022-ka.


Marwo Kaltuun ayaa sheegtay in aanay Somaliland kamid ahayn Soomaaliya, ulana mid tahay wadamada Kenya, Itoobiya iyo Djibouti ” Gabadha u hadashay Guddida Doorashada Soomaaliya waxay ahayd inay tidhaahdo waxaanu doorasho ka qabanaynaa Jibouti, Kenya iyo Itoobiya, sidaasaa u sharaf roonayd, waayo Somaliland waxay ula mid tahay Wadamadaas” ayey tidhi.


Marwo Kaltuun ayaa sheegtay inay Somaliland leedahay nidaam iyo Shuruuc Doorasho oo dhamaystiran, Soomaaliyana wakhtigan u haab-haabanayso hannaan Doorasho, farqiqa u dhexeeyaana uu yahay mid adduunka oo dhami ka markhaati yahay oo aanay hawaysan karin, balse hadalka ka soo yeedhay Gudiddooda Doorashu uu yahay mid aanay u meel dayin.


“Somaliland waxay soo martay todobada Doorasho, waxa leedahay Xeerar iyo hannaan Doorasho. waxa ay khibrad iyo waayo aragnimo u leedahay habka Doorashooyinka. waxay samaysatay nidaam Diwaan-gelin ah oo aanu qofna qof kale kaadhkiisa ku codeyn karin, markaa Guddoomiyaha Guddida Soomaaliya halka ay ka leedahay Somaliland ayaanu Doorasho u qabanaynaa inay tidhaahdo oo u sharaf roonayd-ba Djibouti, Kenya iyo Itoobiya waxaan geyn doonaa Sanaaduuqdayda oo Doorasho ayaanu ka qabanaynaa. waayo dee Somaliland waxa ay ula mid tahay wadamadaa kale” ayey tidhi Komishaneer Kaltuun Sheikh Xasan.


Waxaanay intaa ku dartay “Guddida Doorashooyinka Soomaaliya, sida aanay wadamadaa kale Doorasho uga qaban karin, ayaanay Somaliland-na Doorasho uga qaban karin oo aanay shaqo ku lahayn, sidaas darteed waxaanu gabadhaas hadashay u sheegaynaa inaanay marna Somaliland ku soo riyoonin Doorashada Somaliland iyo Xisbiyadeeddaba. Somaliland siday horeba isugu tashatay ayey ugu tashatay Doorashooyinkeedana inay iyada qabsato”ayey raacisay.


Dhawaan ayey ahayd markii ay xubin kamida Guddida Doorashada Soomaaliya sheegtay inay Sanaaduuqda codbixinta Doorashooyinka dalkaasi geyn doonaan Somaliland, taasoo suurta-galnimadeedu ay tahay mid xaqiiqada ka durugsan.