Araweelo News Network

UCIDHargeysa (ANN) Guddiyo labada garab ee UCID u saareen qabashada shirweynaha xisbiga ee ay xukuntay Maxkamadda Sare ee Somaliland si xal loogaga gaadho khilaafka dabada dheeraaday, ayaa abuuray muran hor leh oo sii cakiraya arrinta.
Laba guddi oo ay kala magacaabeen Guddoomiyaha xisbiga Faysal Cali-waraabe iyo murrashaxa jagada Madaxweynaha Jamaal Cali Xuseen oo la doonayey inay wada qabanqaabiyaan shirweynaha xisbiga, ayaa wadashaqayn kariwaayey, isla markaana uu mid waliba dhankiisa ugu dhawaaqay go’aamo u gooni ah.
Garabka uu magacaabay Guddoomiye Faysal Cali-waraabe oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta xisbiga ee Hargeysa shalay, ayaa shaaciyey inay dib u dhigeen xilligii la qaban lahaa shirweynaha oo ay hore u sheegeen in loo muddeeyey 2-da bisha foodda innagu haysa ee November, balse sababo soo kordhay darteed loo riixay 7-da bishaas.
“Annagoo guddiga qabanqaabada ah sababo ay ka mid tahay Guddoomiyaha xisbiga oo hawl qaran ku maqan dalka dibadiisa awgeed waxaannu dib u dhignaynaa shirkii golaha dhexe ee UCID, waxaannuna ka dhignay bisha November 7-deeda oo ah maalin Isniin ah.” Sidaas waxa yidhi Afhayeenka xisbiga UCID Shabbaash Cabdiraxmaan Axmed, waxaannu intaa raaciyey isagoo ka hadlaya ergooyinka ka qaybgali doona shirka, “Xukunka Maxkamadda Sare waxa ku astaysan oo aanay ahayn la garabmaro halka ergooyinka shirku ka imanayaan oo uu tilmaamayo qodobka 12 farqadiisa 3aad ee xeerka xisbiga, markaa ergooyinku waa ergooyinkii ka qaybgalay shirkii hore ee sannadkii 2012 ayuun baa shirkana imanaysa, waanuna gaadhsiinay gobollada dhan wixii joogay ergooyinka wixii joogay inay yimaadaan, waxaannuna mar kale u sheegaynaa ergooyinka in aannu shirkii dib u dhignay.”
Waxa kaloo Mr. Shabbaash ka hadlay sida la yeelayo mar haddii xubnihii guddiga qabanqaabada shirweynaha ee la doonayey inay wadashaqeeyaan uu khilaaf soo dhexgalay, waxaannu yidhi, “Waxa kaloo aannu idiin sheegaynaa maxkamaddu waxay xuntay in tobanka xubnood ee guddiga qabanqaabada ee labada dhinac laga soo xulayo in go’aanka u dambeeya uu iska leeyahay hoggaanka xisbigu, taa macnaheedu waxa weeye hoggaanka xisbiga ayaa hoggaaminaya guddiga qabanqaabada, hoggaankuna waa kii shirweynihii u dambeeyey ee saddexaad lagu doortay.”
“Haddii khilaaf ka yimaado qabanqaabada shirka waxa loo noqonayaa hoggaanka xisbiga oo isagu awoodda leh oo sidaas buu ku soconayaa shirku. Marka horebana waxa la qabanqaabinayey waxa weeye xisbiga ergadiisii sannadkii 2012, taasna waxay ku lahaayeen shan xubnood, iminkana shantiina way keeni kariwaayeen.” Sidaana waxa yidhi xubin kale oo ka mid ah guddiga garabka Faysal Cali-waraabe.
Dhinaca kale, guddiga qabanqaabada ee garabka Jamaal Cali Xuseen, ayaa iyaguna ku dhawaaqay inay qabsanayaan shirweyne ay ku dooranayaan guddoomiye cusub oo xisbiga UCID yeesho, “Waxaannu idiin sheegaynaa inay bannaanaatay kaalintii guddoomiyenimada xisbiga UCID, waad ogtihiin in Guddoomiyihii xisbigu (Faysal Cali-wraabe) uu yidhi waxaan ahay murrashax, maadaama uu murrashax sheegtay markaa guddoomiyenimadii wuu ka tanaasulay, sidaa awgeed waxaannu caddaynaynaa in maanta laga bilaabo aannu guddoomiye ahayn, waxaannuna bishan bilaabmaysa November 6-deeda qabanaynaa shirweynihii xisbiga oo lagu dooran doono guddoomiyaha xisbiga iyo hoggaanka sare ee UCID, waayo meel aan guddoomiyeba jirin wax la wadahadlayaa ma jiraan.” Sidaas waxa yidhi Xasan Cismaan Sabce oo ka tirsan xubnaha garabka Jamaal.
Mr. Sabce oo la waydiiyey sharciyadda shirka ay qabanayaan iyo inuu waafaqsan yahay kii Maxkamadda Sare ku xukuntay, waxa uu ku jawaabay, “Shirkaanu qabanaynaa waa shirweynihii, kii maxkamadda waakan ninkani (Faysal Cali) diiday ee yidhi waxaan ahay murrashax, ileyn waxay ahayd inuu dadka isku wada keeno. Shirka maxkamadda waxa ka horreysa yaa qabanaya? Ma isagaa yeedhinaya, ileyn shirka waxa la yidhi qabsadee, xukunkii maxkamadda waa laga booday oo waxa uu isagu (Faysal) soo taaganyahay aniga ayaa qabanaya, annaguna waxaannu leenahay wuu ka baxay guddoomiyenimadii, markaa shirweyne aannu ku dooranayno guddoomiye ayaanu qabanaynaa.”