Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)-Bangiga Islaamiga ah ee Premier Bank ee Somaliland, ayaa afur wadareed u sameeyay ganacsato, culimo iyo macaamiisha bangigaas qaar ka mid ah, waxaanay masuuliyiinta bangigu daboolka ka qaadeen in baankoodu yahay mid Islaami ah, isla markaana shacbiga Somaliland ugu adeegaya nidaamka bangiyada islaamiga ah ee waafaqsan Shareecada Islaamka.
Waxa kaloo halkaas ka hadlay Guddoomiyaha Bangigan Premier Bank Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Ismaaciil (Musaabaqo) oo sharraxaad ka bixiyey bangigan islaamiga ah ee Premier Bank ka hor afurkaas, waxaannu yidhi; “Bangiga Premier Bank waa mid Islaami ah oo ku shaqeeya nidaamka ay bangiyada Islaamiga ah ay ku shaqeeyaan, waxaanuna doonaynaa in Somaliland oo dhan ay arrintaas nala ogaato. Bangiyada Islaamiga ah waxaan xeer u ahayn oo Shareecada Islaamkana ka hor imanaysa in lacag laga sameeyo lacag, taas macnaheedu waxa weeye adeeg kasta oo bangigu bixinayaa waa adeeg ku salaysan hanti uu u iibinayo macmiilka amma uu kula shuraakoobayo. Ma jirto lacag aanu cid dayminayno oo dabadeedna aanu dulsaar ka samayno, badeecad ayaa qofkii loo iibinayaa, waxaana la saaranayaa faa’iido, waana xalaal oo way ogoshahay Shareecada Islaamku.”
Waxaannu intaas ku daray; “Dad badan ayaa kaadhka aanu macaamiisha siinno ee Master Card-ka si qaldan u fahmay. Waxa xusid mudan in kaadhka aanu bixinnaa yahay Debit Card, oo macnaheedu yahay macmiilku waxa uu isticmaalayaa lacagta ugu jirta xisaabta Premier Bank, kaas oo uu ku isticmaali karo mishiinada ATM adduunka iyo dalkaba. Kaadhkan aanu bixinnaa waa mid waafaqsan nidaamka shareecada Islaamka, mana aha Credit Card amaah lagu qaato oo ribo la saarto.”
Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland Md. Maxamed Cabdi Ibraahim, ayaa isaguna dhankiisa sheegay in dalka aanu ka jirin bangi ku shaqeeya nidaamka ribada xambaarsan, isla markaana bangigan Premier Bank uu yahay mid Islaami ah oo Bangiga Dhexe ee Somaliland uu siiyay ruqsada shaqada.
“Waxaannu ognahay in Somaliland ay ka jiraan Bangiga Dhexe iyo saddex bangi oo madaxbannaan, kuwaas oo kala ah; Darasalam Bank, Dahabshiil Bank iyo Premier Bank oo u danbeeyay. Bangiga Dhexe marka laga tago bangiyadaas kale waa kuwo Islaami ah, Bangiga Dhexe-na waxa uu u taagan yahay inuu ruqsad siiyo bangiyada, isaga oo u eegaya xeerka Baanka Dhexe ee u yaal dalka oo waafaqsan shareecada Islaamka, bangi aan xeerkiisa iyo boodhkiisa (guddida sare ee maamusha) la eegin ruqsad lama siiyo, sidaas darteed bangi ribawi ah dalka kuma ogin. Waxaanuna ognahay in baarlamaankeenu diiday xeerkii ribawiga ahaa oo in laga ansixiyo, marnaba ay noqon wayday kaas oo ay dabada ka riixayeen Hay’adaha shisheeyaha ah, dalkeena waad ogtihiin oo waa mid boqolkiiba boqol Islaam ah, isla markaasna shareecada Islaamku ma oggola, dastuurka dalkuna ma oggola, labadaas midina ma oggola in dalkan ribo ka shaqayso, sidaas darteed Bangiga Dhaxe marnaba talada uguma jirto inuu ruqsad siiyo bangi ribawi ah,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland.
Waxaannu intaas ku daray; “Bangigan Premier Bank malaha dadku magaciis ayay akhriyi kari waayeene waa mid Islaami ah, oo shuruuddii Islaamiga ee u yaalay Bangiga Dhexe buuxiyay, dad duraya waan arkay, waxaan ku idhi sharcigaan ku siinay waa islaamiye dad ka soo qaadanaya ribo miyaad aragtay, maya bay yidhaahdeen, markaas hubiya oo intaan warka faasiqu dhanka kale idiinka bixin soo waydiiya oo hubiya, annaguna wixii aanu ku siinay ruqsada wali may jabin, wali saddexda baanba waxay ku taagan yihiin dariiqii.”
Gebogebadii, Sheekh Xasan Cabdisalaan oo ka mid ah culimada waaweyn ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ka sheekeeyay faa’iidooyinka ay leeyihiin bangiyadan Islaamiga ah ee dalka ka furan, waxaannu kula dardaarmay in loo baahan yahay in ay naxariis u muujiyaan shacbiga Somaliland ee ay u adeegayaan, isaga oo bangiga cusubna u duceeyey.