Araweelo News Network

Gudoomiyaha shirkada DP World Mr. Sultan Axmed Bin Sulaymaan

Dubai-(ANN)- Shirkadda Hawlaha Maraakiibta ee DP World ayaa gaadhsiisay afar boqol iyo toban booyadood oo biyo ah deegaanada gobolka Saaxil.

Sida lagu baahiyey war saxaafadeed DP World soo saartay ayaa lagu sheegay in biyo qiyaastoodu gaadhayso afar milyan iyo shan boqol oo litir, la gaadhsiin doono dad lagu qiyaasay 15 kun oo qoys ilaa bisha dambe.

Taageeradan biyaha oo imanaya muddo ka yar bil markii shirkada hawlaha Maraakiibta ee DP World la wareegtay maamulka iyo maalgelinta dekeda Berbera, ayaa lgu sheegay qoraalka in DP World iskaashi kala yeelan doonto wakaaladaha biyaha ka jawaabida baahida bulshada gobolka.

Gudoomiyaha shirkada DP World Mr. Sultan Axmed Bin Sulaymaan, ayaa shaaciyey in Somaliland u baahan tahay gargaar degdeg ah, uguna baaqay beesha caalamka inuu waajib ka saaran yahay ka jawaabidiisa, waxaanu yidhi,

“Baahi weyn oo gargaar ayaa ka jirta Somaliland, waa waajib saaran beesha caalamka inay ka jawaabaan, maadama bulshadii halis ku jirto.

Mr. Sultan Axmed ayaa raaciyey, “Waxaan gudanayna awaajibka naga saaran taakulaynta bulshada gobolka Saaxil, waxaan si dhow ula socon doonaa xaalada, lana wadaagi doonaa saaxiibada in xal waara loo helo mustaqbalka.”

Shirkada DP World ayaa dhaqaale gaadhaya USD $442 million ku maalgelin doonta balaadhinta iyo casriyeynta dekeda Berbera, taasoo wejiga koowaad lagu dhisi doono deked 400 mitir iyo balaadhin lagu samayn doono barxada si loogu xidho qalabka loo adeegsado rogitaanka kontiinarada, iyo xamuulka.

Mashruucan ayaa diirada lagu saarayaa sidii dekedu u noqon lahayd xarunta ganacsiga gobolka, iyadoo lala kaashanayo dawladda Somaliland.