Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)- Guddoomiyaha Golaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa shaaciyey in aanay ilaa hadda diyaar ahayn waxyaabihii suurtogelin lahaa in doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Degaanka ee u muddaysan inay dalka Jamhuuriyadda Somaliland ka qabsoomaan bisha March ee sannadka 2019, haddii Ilaahay yidhaah.
Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan oo khudbad ka jeediyey furitaanka kal-fadhiga 62aad ee Golaha Guurtida , waxa uu sheegay in aan weli la dhammaystirin shuruucda lagu qaban lahaa doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Degaanka, isla markaana aan xal laga gaadhin khilaafka ka taagan saami-qaybsiga kuraasta mudanayaasha wakiillada ee gobollada Somaliland.
“Doorashooyinkii waa kal-dambe (sannadka dambe) oo waxba kama hadhin, waxba ha fogeysanina, wax inoo diyaar ahina ma jiro, shuruucdii lagu soo geli lahaa wax ka diyaar ahi maanta ma jiraan, shuruucda doorashooyin lagu soo galaana waxaas oo dhan waxa hortaagan shuruucdu waxba ma noqoteenee, had iyo jeer wax ku lifaaqan wax-qeybsi (saami-qaybsiga), waynu ka baqaynaynaa baad moodaaye aynu gudogalno, Madaxweynuhuna soo qaad (sheegay inuu diyaar yahay), dee waynu wada wadaynaa. Laakiin, inaynu u diyaar-garowno in doorasho la galaa waa waajib, muddaba in dadka lagu noqdaa oo ay dadku wax soo xushaan waa waajib weeye, waa danta. Markaa Insha Allaah waynu dedaali doonaa,” ayuu yidhi Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan.
Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa sidoo kale ka jadlay saamaynta abaartii soo martay dalka Somaliland, waxaannu yidhi; “Abaarihii wali way socdaan, muddana waa innala socdeen, dadkii caydhoobe oo caydhii meel walba way joogtaa, bal u-gurmadkooda iyo u-hadalkooda ayaan laga daalin, wixii aynu qaban karnana aynu qabanno, nin walbana waa taagtii, ogow ragga la sugayo inay gacan ka geystaan taag kasta aan lahaanno ayeynu ka mid nahay, anigu waxba idiin goyn maayo, laakiin gole ahaan in la ina filayo ayaan u sheegayaa.”
Guddoomiye Saleebaan, ayaa u sheegay mudanayaasha Golaha Guurtida in xaaladaha sicir-bararku aad u sareeyo, isla markaana uu sarrifka lacagta doollarku si xooggan cirka isugu shareeray, isagoo iftiimiyey qaabka qudha ee uu u arko in lagu xallin karo dhibaatooyinka sicir-bararka ka taagan Somaliland.
“Sicir-bararkii waa taagan yahay, isna muddo waa innala socday, doollarkii cirka ayuu marayaa. Sicir-bararka waxay dawaddiisu tahay horta wax-soo-saar, wax kale oo daweeyaa ma jiro, dhaqaalaha oo kobca weeye, wuu dhammaanayaa haddii dhaqaalaha aynu ka shaqeyno, dee xoolihii dhammaade ee aynu wax beerno, gaar ahaan beerihii aan waxba beeri jirin, dhulkooduna dihinnaa wax ha beereen oo ha ku beereen intii hore, intan dhagaxa joogta ayaa wax inoo beer-beerta, Oodweyne-na malaha iska daa, isaga ayaa ku biiri jiray.
waxay ila tahay dhulkana aynu u jeedsanno, xoolihii abaaro ayaa Ilaahay ku salliday, malaa’awaalkuna ma fiicna roobabka, Ilaahayna waxa aynu ka baryeynaa in aannu run innagaga dhigin saadaashaas roob-yarida sheegaysa,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan.
Waxa kaloo uu ka hadlay dedaalka loogu jiro in lagu xaliyo waxyaabaha xudunta u ah colaadaha beelaha walaalaha ah ku dhexmara degaanka Ceel-afweyn ee Gobolka Sanaag, waxaannu yidhi; “Waa kalfadhigii 62aad, laba biloodna waynu qaadanay waxa aan ku rajo weyn nahay inaad maskaxda soo qorteen oo aad soo nasateen, hawla culusina way yaalliin, waxa ugu horreysa nabadgelyada. Nabadgelyadu haddadan maantadan aynu joogno waxaynu kaga cabanno ma arko, waxa innoogu dambeysay dhibaatadii Darar-weyne ee Degmadaas Ceel-afweyn ka dhacday, iyadiina hadda waa la kala fadhiyaa oo Guurtiidii iyo dawladdiiba waa ku maqan yihiin.
Dawladdu marka kan odayaal iyo salaadiin badanna isku sii lakabtay, laakiin waa kala soconnaa innaga iyo dawladdu, hawshuna waa mid, ilaa hadda si fiican ayey u wada shaqeynayaan, Ilaahay ha inoo adkeeyo ayeynu leennahay, gacan adagna hadda waa lagu qabtay, dee waanaynu ku sii wadi.”
Guddoomiye Saleebaan, ayaa sidoo kale tilmaamay in aanay beelaha walaalaha ah ee reer Ceel-afweyn aanay u tudhin Somaliland, sidaa darteed la go’aansaday in tallaabo adag oo dawleed wax lagaga qabto colaadaha u dhexeeya.
“Dawladda waxaynu isku ognahay in aan qoobka laga qaadin, iyada qudhooda waxaad moodaa kala daalle, rag badanina waa dhintay, Allaah ha u naxariistee wixii dhintay, wixii noolna Ilaahay ha bogsiiyo, waxase muhiim ah in aynu kala badbaadno. Reer Ceel-afweyn inoomay tudhin waaqacadda Allah ee waynu xannuujin doonaa, kaw markaas oo kale magna waligeedna lagama tago oo xannuunka ayey ka mid tahay,” ayuu yidhi Md. Saleebaan Maxamuud Aadan.
Guddoomiyaha Guurtida Somaliland, ayaa sidoo kale ka hadlay dhibaatooyinka ka taagan dalka Itoobiya ee sababay inuu iscasilo Ra’iisal-wasaarihii dalkaas. “Waxa kale oo ii hadhay waxa weeye dhibaatadan Itoobiya haysataa innagama fogga, way ina saameysaa, dhibaatana way yeelan kartaa, Ilaahay ha siiyo muwaafaqo iyo heshiis degdeg ah ha ugu dhammeeyo, hadda waa ogtihiin oo ciidammada ayaa la wareegay awooddii (oo soo rogay xukun degdeg ah) muddo lix bilood ah, Ilaahay ha gargaaro, waa u ducaynaynaa innagu,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland.